Ishacyaah 57:9
Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.
Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
7Waxaad sariirtaadii dul dhigatay buur sarraysa oo dheer, oo halkaasaad sii fuushay inaad allabari ku bixisid aawadeed.
8Oo albaabbada iyo tiirarka dabadooda ayaad xusuustaadii qotonsatay, waayo, waxaad isu qaawisay mid kale oo aan aniga ahayn, waanad sii fuushay, oo sariirtaadiina waad sii ballaadhisay, oo axdi baad iyaga la dhigatay. Sariirtoodana meeshaad ku aragtay waad ku jeceshahay.
40Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday,
41oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.
42Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.
10Waxaad ku daashay jidkaaga dhererkiisa, laakiinse ma aad odhan, Rajo ma leh. Waxaad heshay xoog cusub, oo sidaas daraaddeed ma aadan taag qabin.
12Oo sangelis baan kuu sudhay, oo dhegahaagana hilqado baan ka lulay, oo madaxana taaj qurux badan baan kuu saaray.
13Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.
14Oo quruxdaada aawadeed ayaa warkaagii quruumaha ku dhex faafay, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay ku dhammaystirantay haybaddaydii aan ku dul saaray.
15¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.
16Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.
17Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.
18Oo dharkaagii daabaca lahaa intaad iska furtay ayaad iyagii huwisay, oo saliiddaydii iyo fooxaygiina iyagaad hor dhigtay.
24waxaad dhisatay meel qudbad ah, oo meel sare oo jid kastaba ku dhex taal ayaad samaysatay.
25Meeshaadii sare waxaad ka dhisatay madaxa jid kasta, oo quruxdaadiina waxaad ka dhigtay wax la karhay, oo waxaad lugaha u kala wadhay ku alla kii ku soo ag marayba, oo dhillanimadaadiina waad sii badisay.
26Oo weliba waxaad ka sinaysatay Masriyiinta derisyadaada ah, oo buurbuuran, oo intaad dhillanimadaadii si badisay ayaad iga cadhaysiisay.
15Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska.
17Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.
18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.
11Sarrayntaadii iyo dhawaaqii shareeradahaagaba waxaa hoos loogu soo dejiyey She'ool, waxaa hoos lagaaga goglay dixiri, korkana waxaa lagaa huwiyey dixiri.
30Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan.
28Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.
29Oo weliba dhillanimadaadii waad ku sii badisay dalka reer Kancaan, iyo tan iyo dalka Kalday, oo weliba waxaas waad ka dhergi weyday.
30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!
31Oo jid kasta madaxiisa waxaad ka dhisataa qudbad, oo jid kastana waxaad ka samaysataa meel sare, oo weliba ma aadan ahayn sidii dhillo oo kale, waayo, adigu kirada waad quudhsataa.
8Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
19Laakiinse adiga waa lagu xooray, oo qabrigaagii waa lagaa fogeeyey sidii laan la karhay, oo sidii dharka kuwa la laayay oo seefta lagu mudhbixiyey oo hoos ugu dhaca dhagaxyada yamayska, ayaa sidii meyd oo kale lagugu tuntay.
7Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.
15¶ Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa.
33Sidee baad jidkaaga u hagaajisaa markaad caashaq doondoonto? Sidaas daraaddeed xataa naagaha xunxunna jidadkaagaad bartay.
9She'oolka hoose wuu soo kacay oo u dhaqdhaqaaqay inuu ku qaabbilo markaad timaado, oo wuxuu kuu soo kiciyey kuwii dhintay oo ahaa xataa kuwii dhulka ugu waaweynaa oo dhan, oo boqorradii quruumaha oo dhan wuxuu ka soo kiciyey carshiyadoodii.
10Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.
14Oo midhihii naftaadu ay damacday way kaa tageen, oo waxyaalihii fiicanaa oo dhalaalayay oo dhammuna way kaa baabbe'een, oo mar dambena lama heli doono.
10Dadyowga badan oo aad baabbi'isay daraaddood waxaad reerkaagii ugu arrimisay ceeb, oo waxaad ku dembaabtay naftaadii.
30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
9laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.
2Bal indhaha kor u qaad oo waxaad fiirisaa meelaha dhaadheer, oo bal eeg. Miyey jirtaa meel aan lagula seexan? Adoo iyaga sugaya ayaad jidadka ag fadhiisatay sidii Carab cidlada jooga, oo waxaad dalkii ku nijaasaysay dhillanimadaada iyo sharkaagaba.
22Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aad soodhe isku maydhid, oo aad saabuun iska badisid, weli xumaantaadii sida calaamad oo kale bay ii muuqataa.
23Sidee baad u odhan kartaa, Anigu ma nijaasoobin, oo Bacaliimna ma raacin? Bal fiiri socodkii aad dooxada ku martay, oo garo wixii aad samaysay. Waxaad tahay qaalin geel oo dheeraysa oo warwareegta,
57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.
58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.
5Xigmaddaada badan iyo baayacmushtarkaaga ayaad maalkaaga ku sii korodhsatay, oo qalbigaaguna maalkaaga aawadiis ayuu kor isula qaaday.
17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.
9Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.
23Wargeeyayaashaadii ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda; Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meesha ugu fog hoygeeda, iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
14Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray,
22Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.
43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.
33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.
20¶ Lubnaan u kac oo halkaas ka qayli, oo Baashaan codkaaga kor ugu qaad, oo Cabaariim ka qayli, waayo, kuwii ku jeclaa oo dhan waa la wada baabbi'iyey.