Ishacyaah 47:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad istidhi, Anigu weligayba waxaan ahaan doonaa sayidad, oo waxyaalahanna qalbiga ma aad gelin, oo ugudambaystoodiina sooma aadan xusuusan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 47:5 : 5 Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka.
  • Sharc 32:29 : 29 Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan, Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
  • Yer 5:31 : 31 Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?
  • Yex 7:3-9 : 3 Dhammaadkii haddeer buu kugu soo degay, oo cadhadaydaan kugu ridi doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalihii karaahiyada ahaa oo dhan. 4 Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, laakiinse siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kaa abaalmarin doonaa, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 5 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye! 6 Dhammaad baa yimid, dhammaadkii waa yimid, bal eeg, wuu kugu soo toosayaa, oo haddana waa soo socdaaye! 7 Kan dalka dhex degganow, masiibadaadii waa kuu timid! Wakhtigii waa yimid, oo maalintuna way soo dhow dahay, taasoo ah maalin dhibeed oo aan ahayn dhawaaqa faraxa badan ee buuraha korkooda. 8 Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan. 9 Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.
  • Yex 28:2 : 2 Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.
  • Yex 28:12-14 : 12 Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd. 13 Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey. 14 Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.
  • Yex 29:3 : 3 La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
  • Daan 4:29 : 29 Laba iyo toban bilood dabadoodna wuxuu dhex socday gurigii boqornimada ee reer Baabuloon.
  • Daan 5:18-23 : 18 ¶ Boqorow, Ilaaha ugu Sarreeyaa wuxuu aabbahaa Nebukadnesar siiyey boqortooyada, iyo weynaan, iyo ammaan, iyo derejo, 19 oo weynaantii uu siiyey aawadeed ayay dadyowgii iyo quruumihii iyo kuwii kala afka ahaa oo dhammu la gariireen oo ka cabsadeen. Kuu doonayay wuu dilay, kuu doonayayna wuu reebay; oo kuu doonayay wuu sarraysiiyey, kuu doonayayna wuu hoosaysiiyey. 20 Laakiinse markuu dhulka kor isaga qaaday oo ruuxiisii kibir la qallafsanaaday ayaa carshigii boqornimadiisa laga dejiyey, ammaantiisiina waa laga qaaday. 21 Markaasaa binu-aadmiga laga eryay, qalbigiisiina waxaa laga dhigay sida kan dugaagga, wuxuuna la joogay dameeraha duurka, oo wuxuu doogga u daaqay sida dibida, jidhkiisana waxaa qoyay dharab samada ka soo dhacay ilaa uu ka ogaaday in Ilaaha ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu madax uga dhigo ku alla kii uu doonayo. 22 ¶ Beelshaasarow, adigoo wiilkiisii ah, ma aadan is-hoosaysiin in kastoo aad waxyaalahan oo dhan ogayd; 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;
  • Ish 42:25 : 25 Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
  • Ish 46:8-9 : 8 ¶ Kuwiinna xadgudbayow, bal waxan soo xusuusta, oo aad u fiirsada, bal mar kale soo garwaaqsada. 9 Bal waxyaalihii hore oo qadiimka ahaa soo xusuusta, waayo, anigaa Ilaah ah, mid kalena ma jiro, anigaa Ilaah ah, oo mid ila mid ahuna ma jiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 47:8-11
    4 aayado
    85%

    8¶ Haddaba bal waxyaalahan maqal, taada iska raaxaysata oo istareexa ku joogtoy. Waxaad qalbiga iska tidhaahdaa, Anigaa ah oo aniga mooyaane cid kale ma jirto, anigu innaba carmal ma noqon doono, oo ma gablami doono.

    9Laakiinse labadan waxyaalood isku maalin qudha ayay isku daqiiqad kuu iman doonaan, waana gablannimo iyo carmalnimo. Aad iyo aad bay kuugu soo degi doonaan in kastoo aad saaxirnimo badan iyo falfal tiro badan badisay.

    10Waayo, waxaad isku hallaysay sharnimadaada, oo waxaad istidhi, Ninna ima arko. Waxaa ku qalday xigmaddaada iyo aqoontaada, oo waxaad qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane cid kale ma jirto.

    11Haddaba sidaas daraaddeed masiibo baa kugu soo degi doonta, mana aad garan doontid si ay kuugu iman doonto, belaayaa kugu dhici doonta, oo mana aad kari doontid inaad iska fogaysid, oo baabbi'id baa si kedis ah kuugu soo degi doonta, taasoo aadan aqoon.

  • 43Adigu wakhtigii yaraantaada sooma aadan xusuusan, laakiinse waxyaalahaas oo dhan waad igaga xanaajisay, oo sidaas daraaddeed ayaan jidkaaga madaxaaga kaga abaalmarin doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay, oo sharkaas waxyaalahaaga karaahiyada ah oo dhan kuma aad sii dari doontid.

  • 7Oo intii ay isfaanisay iyo intii ay raaxaysatay oo kale, waxaad iyada siisaan caddibaad iyo murug; waayo, iyadu waxay qalbigeeda iska tidhaahdaa, Anigoo boqorad ah ayaan iska fadhiyaa, oo carmalna ma ihi, oo sinaba murug u arki maayo.

  • Ish 47:5-6
    2 aayado
    74%

    5Magaalada reer Kaldayiinay, shib dheh oo fadhiiso, meel gudcur ah gal, waayo, mar dambe laguuguma yeedhi doono sayidaddii boqortooyooyinka.

    6Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.

  • Ish 57:9-11
    3 aayado
    74%

    9Saliid baad boqorka ula tagtay, oo cadarkaagiina waad iska sii badisay, ergooyinkaagiina meel fog baad u dirtay, oo ceeb baad ku dhaadhacday tan iyo She'ool.

    10Waxaad ku daashay jidkaaga dhererkiisa, laakiinse ma aad odhan, Rajo ma leh. Waxaad heshay xoog cusub, oo sidaas daraaddeed ma aadan taag qabin.

    11Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn?

  • 40Oo waxaan idinku soo dejin doonaa cay aan weligeed idinka hadhayn, iyo ceeb had iyo goorba idinku dul waaraysa, oo aan marnaba la illoobayn.

  • 35¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.

  • Yex 16:30-31
    2 aayado
    73%

    30Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu taag yaraa markaad samaysid waxyaalahaas oo dhan, waxaas oo ah dhillo caasiyad ah shuqulkeed!

    31Oo jid kasta madaxiisa waxaad ka dhisataa qudbad, oo jid kastana waxaad ka samaysataa meel sare, oo weliba ma aadan ahayn sidii dhillo oo kale, waayo, adigu kirada waad quudhsataa.

  • 19Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

  • 9Nijaasteedii waxay ku tiil googaradaheeda, kamana ay fiirsan ugudambaysteeda, Haddaba sidaas daraaddeed si aad loola yaabay ayay u dhacday, oo mid u qalbi qaboojiyana ma ay lahayn. Rabbiyow, bal dhibkayga fiiri, waayo, cadowgii wuu isweyneeyey.

  • Yex 16:15-17
    3 aayado
    72%

    15¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay.

    16Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.

    17Oo weliba waxaad qaadatay waxyaalahaagii quruxdasanaa oo dahabkayga iyo lacagtayda ahaa oo aan ku siiyey, oo waxaad ka samaysatay sanamyo nimeed, oo iyagii baad la dhillowday.

  • 21Markaad barwaaqaysnayd waan kula hadlay, laakiinse waxaad tidhi, Innaba ku maqli maayo. Oo tan iyo yaraantaadiina sidaasaad ahayd, oo codkaygana ma aadan addeecin.

  • 21Bal maxaad odhan doontaa markii madax lagaaga dhigo kuwaad bartay inay saaxiibbo kuu noqdaan? Sow xanuun kuuma qaban doono sida naag foolanaysa?

  • 25Rabbigu wuxuu leeyahay, Tanu waa qaybtaada oo ah intii aan kuu qiyaasay, maxaa yeelay, waad i illowday, oo been baad isku hallaysay.

  • 4Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.

  • Yex 16:22-23
    2 aayado
    71%

    22Oo weliba intaad ku dhex jirtay waxyaalahaagii karaahiyada iyo dhillanimada ahaa marna sooma aad xusuusan wakhtigii yaraantaada, markaad qaawanayd oo aadan dednayn, oo aad dhiiggaaga ku dhex nijaasnayd.

    23(Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigaa iska hoogay, oo hoogay.) Oo xumaantaadii oo dhan dabadeed

  • 20Waayo, waa hore ayaad harqoodkaagii jebisay, oo waxaad kala gooysay silsiladihii kugu xidhnaa, oo waxaad tidhi, Anigu kuu adeegi maayo, oo buur kasta oo dheer korkeed iyo geed kasta oo doog ah hoostiis ayaad ku jiifsatay sida dhillo oo kale.

  • 30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.

  • 4Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?

  • 27Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.

  • 4Waxaad ku eedowday dhiiggii aad daadisay, oo waxaad ku nijaasowday sanamyadaadii aad samaysatay, oo wakhtigaagiina waad ka yeeshay inuu soo dhowaado, oo weliba cimrigaagiina wuu buuxsamay, oo sidaas daraaddeed cay baan quruumaha kaaga dhigay, oo majaajilo baan waddammada oo dhan kaaga dhigay.

  • Yex 16:57-58
    2 aayado
    70%

    57intaan xumaantaada daaha laga qaadin, sidii markii gabdhaha Suuriya iyo inta hareerahooda ku wareegsan oo dhan, iyo xataa gabdhaha reer Falastiin ay ku caayeen iyagoo dhan kastaba kaa quudhsada.

    58Rabbigu wuxuu leeyahay, Adiga sharkaagii iyo waxyaalahaagii karaahiyada ahaaba waa lagugu ciqaabay.

  • 17Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.

  • 28Weliba waxaad ka dhillaysatay kuwa reer Ashuur, maxaa yeelay, waad kacsi beeli weyday, haddana iyaga waad ka dhillaysatay, oo weliba waad ka dhergi weyday.

  • 3Kuwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

  • 5Miyuu weligiisba sii cadhaysnaan doonaa? Oo miyuu cadhadiisa ilaa ugudambaysta sii haysanayaa? Bal eeg, waxaad ku hadashay oo samaysay waxyaalo shar ah in alla intii aad kartayba.

  • 63si aad wax u soo xusuusatid, oo aad u facsharantid, oo aadan afkaagana mar dambe u kala qaadin ceebtaada aawadeed, markaan kaa wada cafiyo wixii aad samaysay oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 60Habase ahaatee axdigaygii aan yaraantaadii kula dhigtay waan soo xusuusan doonaa, oo weliba waxaan kula samaysan doonaa axdi weligiis ah.

  • 13Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.

  • 15Bal maxaad ula qaylinaysaa nabarkaaga? Xanuunkaagu waa mid aan bogsan karin, waana xumaantaadii badatay aawadeed, oo waxaan waxyaalahan kuugu sameeyey waa dembiyadaadii sii kordhay aawadood.

  • 35¶ Haddaba dhillo yahay, bal erayga Rabbiga maqal:

  • 47Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.

  • 26Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.

  • 30Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan.

  • 8Idinku ma aydaan maqlin, oo ma aydaan aqoon, oo dhegtiinnana waa hore ma furmin, waayo, waan ogaa inaad si khiyaano badan u macaamilooteen, iyo in laydiin bixiyey Xadgudbayaal tan iyo intaad uurka hooyadiin kasoo baxdeen.

  • 41Oo guryahaagana dab bay ku gubi doonaan, oo iyadoo ay naago badanu indhaha kugu hayaan ayay xukummo kugu samayn doonaan, oo aniguna waxaan kaa dhigi doonaa inaad dhillaysiga ka joogsatid, oo mar dambe kiro ma aad bixin doontid.

  • 20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?

  • 7Oo iyadu markay waxyaalahaas oo dhan samaysay dabadeed ayaan waxaan is-idhi, Way ii soo noqon doontaa, laakiinse iyadu sooma noqon. Oo walaasheedii boqortooyadii Yahuudah oo sirreyda ahaydna waxaas way aragtay.

  • 7Waxaan idhi, Sida xaqiiqada ah waad iga cabsan doontaa, oo edbin baad aqbali doontaa. Markaas hoygeedu uma uu baabbe'een sidii aan iyada u goostay. Laakiinse aroor horay keceen oo falimahoodii oo dhan way xumeeyeen.