Yo'eel 1:14
Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
Haddaba soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa, oo soo wada ururiya odayaasha iyo dadka dalka deggan oo dhan, oo waxaad isugu keentaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah, oo markaas Rabbiga u qayshada.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
15¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo soon naadiya, oo shir ku dhawaaqa.
16Dadka soo ururiya, oo ururka quduus ka dhiga, oo odayaasha soo shiriya, oo carruurta soo ururiya, iyo xataa kuwa naasaha nuugaya. Aroosku qolkiisa ha ka soo baxo, oo aroosadduna ilxidhkeeda ha ka soo baxdo.
17Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda?
13¶ Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.
16War cuntadii sow kama go'in indhahayaga hortooda, farxaddii iyo rayrayntiina sow kama baabbi'in gurigii Ilaahayaga?
12¶ Haddaba haatan waxaa Rabbigu leeyahay, Qalbigiinna oo dhan iigu soo jeesta, idinkoo sooman, oo ooyaya, oo barooranaya.
13Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa.
12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.
5Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?
1¶ Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay.
1¶ Isa soo urursada, quruuntan aan xishoodka lahaynay, isa soo urursada,
2intaan amarku soo bixin, oo aan maalintu u dhaafin sida xaab oo kale, intaan Rabbiga xanaaqiisa kululu idinku soo degin, intaan maalinta cadhada Rabbigu idinku soo degin.
3Waxay leeyihiin, Bal maxaannu u soonnay oo aad u arki weyday? Bal maxaannu naftayada u dhibnay oo aad u daymoon weyday? Bal eega, maalintii aad soontaan waad iska raaxaysataan, oo shaqaalihiinna oo dhanna waad dulantaan.
4Bal eega, idinku waxaad u soontaan dirir iyo dood keliya, iyo inaad feedhkii sharnimada wax ku dhufataan. Maanta uma soontaan si codkiinna xagga sare looga maqlo.
5Soonkii aan doortay ma waxaas oo kalaa? Ma maalin nin naftiisa dhibo baa? Ma inuu madaxiisa sida cawsduur u foororsho, oo uu hoostiisa dhar joonyad ah iyo dambas ku goglo baa? Waxaa ma waxaad tidhaahdaan, Waa soon iyo maalin Rabbigu aqbali karo?
6Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan?
1¶ Siyoon buun ka dhex afuufa, oo buurtayda quduuska ah ka dhawaajiya, oo dadka dalka deggan oo dhammu ha wada gariireen, waayo, maalintii Rabbigu way imanaysaa, oo haatan way soo dhow dahay.
7¶ Sayidka Rabbiga ah hortiisa ku aamus, maxaa yeelay, maalintii Rabbigu waa soo dhow dahay, waayo, Rabbigu waa diyaariyey allabari, oo martidiisiina quduus buu ka dhigay.
14¶ Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan.
5¶ Dalka Yahuudah ka dhex sheega, oo Yeruusaalem ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, War dalka dhexdiisa buunka ku dhufta, oo aad u qayliya, oo waxaad tidhaahdaan, Isa soo urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee.
11Quruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.
8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.
9Qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinku waa ka go'een gurigii Rabbiga, oo wadaaddada ah Rabbiga midiidinnadiisa way barooranayaan.
17¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.
18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.
16Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.
8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.
5Waxaad la hadashaa dadka dalka deggan oo dhan iyo wadaaddadaba, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad soomi jirteen oo aad barooran jirteen bisha shanaad iyo bisha toddobaad, oo ah toddobaatankan sannadood, miyaad innaba aniga ii soomi jirteen?
3Kolkaasaa Yehooshaafaad cabsaday, oo wuxuu isu diyaariyey inuu Rabbiga doondoono, oo dalkii Yahuudah oo dhanna soon buu ku naadiyey.
21Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.
1¶ Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.
3Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.
14haddii dadkayga oo ah kuwa magacayga lagu yeedhay ay is-hoosaysiiyaan, oo i baryaan, oo wejigayga doondoonaan, oo jidadkoodii xumaa ka soo noqdaan, de markaasaan samada ka maqli doonaa, oo dembigoodana waan ka cafiyi doonaa, oo dalkoodana waan bogsiin doonaa.
1¶ Dadka Israa'iilow, u soo noqda Rabbiga Ilaahiinna ah, waayo, xumaantiinnii waad ku dhacdeen.
5¶ Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.
16Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.
17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
8Laakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.
5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.
5Markaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.
1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.
13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.
7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
26Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
4Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan.
7¶ Oo bishaas toddobaad, maalinteeda tobnaad, waxaad yeeshaan shir quduus ah, oo waa inaad nafihiinna dhibtaan, oo waa inaydaan innaba shuqul samayn cayn kasta ha ahaadee,
10Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.
14Dad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.