Ishacyaah 50:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwiinna dabka shida, oo ololka isku hareereeya oo dhammow, iftiinka dabkiinna iyo ololka aad shidateen ku socda. Waxaas gacantaydaad ka heli doontaan, oo waxaad ku jiifsan doontaan tiiraanyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 20:7-8 : 7 Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah. 8 Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.
  • Ish 28:15-20 : 15 Idinku waxaad tidhaahdeen, Axdi baan geerida la dhigannay, oo She'oolna heshiis baannu la nahay, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacayso na soo gaadhi mayso, waayo, been baannu gabbaad ka dhigannay, oo waxaannu ku hoos dhuumannay daacadla'aan, 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, Siyoon dhagax baan aasaas uga dhigay, waana dhagax la tijaabiyey, waana dhagax geeseed oo qaali ah oo aasaas la hubo ah, oo kii isaga rumaystaana ma degdegi doono. 17 Oo caddaaladna waxaan ka dhigi doonaa xadhig qiyaaseed, xaqnimona waxaan ka dhigi doonaa xadhig miisaan leh, oo roobdhagaxyaaluhuna wuxuu xaaqi doonaa gabbaadka beenta, oo biyuhuna waxay qarqin doonaan meesha dhuumashada. 18 Oo axdigii aad geerida la dhigateenna waa la burin doonaa, oo heshiiskiinnii aad She'ool la lahaydeenna ma hagaagi doono, oo markii belaayada wax qarqinaysa ay dhacaysona way idinku tuman doontaa. 19 Oo markay dhacaysoba way idin kaxaysan doontaa, waayo, waxay dhici doontaa subax ka subax, iyo habeen iyo maalinba, oo in warka la garto waxay noqon doontaa cabsi uun. 20 Waayo, sariirtu way ka gaaban tahay in qof isku kala bixin karo, oo aad buu uga yar yahay wax qof huwan karo.
  • Yer 17:5-7 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay. 6 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn. 7 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay.
  • Yoon 2:8 : 8 Kuwa waxyaalaha beenta ah oo aan micne lahayn ku fikiraa Waxay ka tagaan naxariistoodii.
  • Yoox 9:39 : 39 ¶ Ciise wuxuu yidhi, Waxaan dunidan u imid xukun, kuwa aan wax arkin inay wax arkaan, kuwa wax arkaana inay indho beelaan.
  • Room 1:21-22 : 21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday. 22 Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.
  • Room 10:3 : 3 Waayo, iyagoo aan ogayn xaqnimada Ilaah oo doonaya inay taagaan tooda, ayayan hoos gelin Ilaah xaqnimadiisa.
  • Mat 15:6-8 : 6 aabbihii ama hooyadii maamuusi maayo. Xeerkiinna ayaad erayga Ilaah ku buriseen. 7 Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi, 8 Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
  • Muj 19:20 : 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Muj 20:15 : 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.
  • Yex 20:39 : 39 Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddeydnan i dhegaysanayn, taga, oo haddan iyo hadda dabadeedba midkiin kastaaba sanamyadiisa ha u adeego, laakiinse waa inaydaan magacayga quduuska ah mar dambe nijaas kaga dhigin hadiyadihiinna iyo sanamyadiinna.
  • Ish 30:15-16 : 15 Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn. 16 Laakiinse idinku waxaad tidhaahdeen, Saas ma noqon doonto, waayo, fardaan ku carari doonnaa, haddaba sidaas daraaddeed waad carari doontaan. Oo waxaad tidhaahdeen, Waxaan fuuli doonnaa fardaha dheereeya, haddaba sidaas aawadeed kuwa idin eryanayaa waxay noqon doonaan kuwa aad u dheereeya.
  • Ish 8:22 : 22 dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.
  • Ish 65:13-16 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, addoommadaydu wax bay cuni doonaan, idinkuse waad gaajaysnaan doontaan, addoommadaydu wax bay cabbi doonaan, idinkuse waad harraadsanaan doontaan, addoommadaydu way rayrayn doonaan, idinkuse waad ceeboobi doontaan, 14 addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan. 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa. 16 Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
  • Ish 55:2 : 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
  • Sab 32:10 : 10 Kii shar leh waxaa ku dhici doona waxyaalo badan oo murug leh, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waxaa ku wareegsanaan doona naxariis.
  • Maah 26:18 : 18 Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,
  • Bax 11:9-9 : 9 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed. 10 Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
  • Sab 16:4 : 4 Kuwa ilaaha kale u dheereeya murugtoodu waa badnaan doontaa, Laakiinse anigu bixin maayo qurbaankooda cabniinka oo dhiigga ah, Oo magacyadoodana bushimahayga ku soo qaadi maayo.
  • Aam 4:4-5 : 4 Beytel kaalaya, oo xadgudba, Gilgaal kaalaya, oo xadgudubyo sii badiya, oo subax walba allabaryadiinna keena, oo marba saddexdii maalmood waxaad keentaa meeltobnaadyadiinna. 5 Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Mat 8:12 : 12 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.
  • 2 Tes 1:8-9 : 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,
  • Yac 3:6 : 6 Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa.
  • Mat 22:13 : 13 Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Yoox 8:24 : 24 Haddaba waxaan idinku idhi, Dembiyadiinna waad ku dhiman doontaan, waayo, haddaydnan rumaysan inaan isagii ahay, dembiyadiinna ayaad ku dhiman doontaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10¶ Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.

  • 14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.

  • Ish 33:11-14
    4 aayado
    76%

    11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.

    12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

    13¶ Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

    14Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?

  • Ayuub 18:5-6
    2 aayado
    75%

    5Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono.

    6Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa.

  • Ish 9:18-19
    2 aayado
    74%

    18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

    19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.

  • 14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.

  • 31Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.

  • 25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.

  • 16Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.

  • 13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 18¶ Kuwiinna maalinta Rabbiga jeclaystow, waa idiin hoog. Maxaad maalinta Rabbiga u doonaysaan? Waa gudcur, oo iftiin ma aha.

  • 32Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.

  • 26Gudcurka oo dhanna waxaa meel loogu kaydiyey khasnadihiisa; Oo dab aan la afuufin ayaa isaga dhammayn doona, Wuuna baabbi'in doonaa waxa teendhadiisa ku dhex hadhay.

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.

  • Ish 44:19-20
    2 aayado
    72%

    19Oo midkoodna kama fikiro, oo aqoon iyo waxgarasho midna laguma arko, inuu yidhaahdo, Qoriga qaarkiis baan dab ku gubay, oo duxushiisaan kibis ku dubtay, oo hilib baan ku soshay, waanan cunay, haddaba ma intii ka hadhay baan karaahiyo ka samaystaa? Ma waxaan u sujuudaa geed jiriddiis?

    20Isagu wuxuu cunaa dambas, oo qalbigiisa la khiyaaneeyey ayaa isaga leexiyey, oo naftiisana ma uu samatabbixin karo, mana uu odhan karo, Sow gacantayda midig beenu kuma jirto?

  • Ish 10:16-17
    2 aayado
    72%

    16¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.

    17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • Yex 22:21-22
    2 aayado
    71%

    21Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan.

    22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.

  • 20Maalinta Rabbigu sow ma ahaan doonto gudcur aan iftiin lahayn, iyo xataa gudcur weyn oo aan dhalaal lahayn?

  • 13Oo nuurka hortiisa yaal aawadiisna Dhuxulo dab ah ayaa shidmay.

  • 20Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey, Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.

  • 4Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.

  • 15Halkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.

  • 13Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?

  • 8Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale.

  • 5¶ Reer Yacquubow, kaalaya, oo aynu iftiinka Rabbiga ku dhex soconnee.

  • 22dhulkana way fiirin doonaan, oo bal eega, waxay ku arki doonaan dhib iyo gudcur, iyo cidhiidhiga madowgiisa, oo waxaa iyaga lagu eryi doonaa gudcur dam ah.

  • 11Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.

  • 48Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.

  • 14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

  • Ish 44:15-16
    2 aayado
    71%

    15Dabadeedna wuxuu noqon doonaa wax dad shito, waayo, wax buu ka qaadaa, oo wuu kulaalaa, wuuna shitaa oo kibis buu ku dubtaa, oo weliba wax ilaah ah buu ka samaystaa, wuuna u sujuudaa.

    16Oo in buu dabka ku gubaa, oo inna hilib buu ku bislaystaa, isagoo ku sosha oo ka dherga, wuuna kulaalaa oo wuxuu yidhaahdaa, Hadda waan kululahay, oo dabkii waan arkay.

  • 27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

  • 14addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.

  • 12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.

  • 23Laakiinse waxaan gacanta u gelin doonaa kuwa ku dhiba, oo naftaada ku yidhi, Dhambacaadso aan kugu gudubnee, oo adna kuwii gudbayay ayaad dhabarkaagii uga dhigtay sida dhulka oo kale, iyo sida jidka oo kale.

  • 18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.

  • 7Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

  • 7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.