Maahmaahyadii 11:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 119:1 : 1 Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
  • 1 Taar 29:17 : 17 Weliba waan ogahay, Ilaahayow, inaad qalbiga imtixaantid, oo aad qummanaanta ku faraxdid. Oo aniguna iyadoo qalbigaygu qumman yahay ayaan waxyaalahan oo dhan bixiyey anigoo raalli ah, oo haddana farxad baan ku arkay dadkaaga halkan jooga oo wax bixinaya iyagoo raalli ah.
  • Sab 11:7 : 7 Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
  • Sab 18:25-26 : 25 Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa. 26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
  • Sab 51:6 : 6 Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.
  • Sab 140:13 : 13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
  • Maah 6:14 : 14 Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.
  • Maah 6:16-19 : 16 Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa, 17 Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya, 18 Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega, 19 Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.
  • Maah 8:13 : 13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
  • Maah 9:7 : 7 Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
  • Maah 12:22 : 22 Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.
  • Maah 13:6 : 6 Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
  • Maah 15:8 : 8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.
  • Maah 16:17 : 17 Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.
  • Maah 21:29 : 29 Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 32Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.

  • Maah 15:8-9
    2 aayado
    82%

    8Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa.

    9Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.

  • Maah 2:13-15
    3 aayado
    80%

    13Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga, Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,

    14Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan, Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;

    15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 22Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.

  • 26Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

  • 1Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.

  • 3Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.

  • 16Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 29Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.

  • 2Kii qummanaantiisa ku socda ayaa Rabbiga ka cabsada, Laakiinse kii jidkiisa ku qalloocan wuu quudhsadaa isaga.

  • 21Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.

  • 8Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.

  • 5Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.

  • 15Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 3Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.

  • 4Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.

  • 23Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.

  • 10Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.

  • 19Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.

  • 20Kuwa sharka ku fikira qalbigooda khiyaanaa ku jirta, Laakiinse taliyayaasha nabaddu farxad bay leeyihiin.

  • 16Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,

  • 27Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa. Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

  • 27Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo, Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!

  • 9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

  • 16Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.

  • 6Kuwa qumman xaqnimadoodaa samatabbixin doonta, Laakiinse khaayinnada waxaa qabsan doona damacooda xun.

  • 15Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 12Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

  • 13Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.

  • 18Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.

  • 11Guriga kuwa sharka leh waa la afgembiyi doonaa, Laakiinse taambuugga kuwa qummanu waa barwaaqoobi doonaa.

  • 14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

  • 11She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?

  • 5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.

  • 26Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

  • 11Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.

  • Sab 5:5-6
    2 aayado
    72%

    5Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.

    6Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.

  • 6Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.

  • 21Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.

  • 4Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,