Maahmaahyadii 6:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 25:16 : 16 Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.
  • Sab 11:5 : 5 Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
  • Maah 3:32 : 32 Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.
  • Maah 8:13 : 13 Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.
  • Maah 11:1 : 1 Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.
  • Maah 11:20 : 20 Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.
  • Maah 15:8-9 : 8 Allabariga kuwa sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse kuwa qumman baryadoodu isagay ka farxisaa. 9 Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.
  • Maah 17:15 : 15 Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.
  • Maah 30:18 : 18 Waxaa jira saddex waxyaalood oo anigu aan aad ula yaabo, Haah, afar baan garan waayay,
  • Maah 30:21 : 21 Saddex waxyaalood ayaa dhulku la gariiraa, Oo afar baanu qaadan karin,
  • Sharc 18:10-12 : 10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala, 11 ama falanfallow, ama mid qof ruuxaan leh la hadla, ama sixirow, ama mid kuwa dhintay la hadla. 12 Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.
  • Maah 30:24 : 24 Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
  • Maah 30:29 : 29 Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
  • Aam 1:3 : 3 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Dimishaq sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay reer Gilecaad kula tunteen alaab bir ah oo hadhuudh lagula tunto.
  • Aam 1:6 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Gaasa sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay maxaabiis ahaan u kaxaysteen si ay ugu gacangeliyaan reer Edom.
  • Aam 1:9 : 9 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay u gacangeliyeen reer Edom, oo soo mana ay xusuusan axdigii walaalnimada.
  • Aam 1:11 : 11 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba.
  • Aam 2:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen.
  • Aam 2:4 : 4 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Yahuudah sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu sharcigii Rabbiga way diideen, oo qaynuunnadiisiina ma ay xajin, oo beentoodii baa iyaga qaladday, taasoo ay awowayaashoodba daba socon jireen.
  • Aam 2:6 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.
  • Muj 21:27 : 27 oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.
  • Maah 20:10 : 10 Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
  • Maah 20:23 : 23 Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
  • Sharc 23:18 : 18 Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Sharc 24:4 : 4 ninkeedii hore oo iyada eryay yuusan mar dambe naagnimo u qaadan, kolkii iyadu ay nijaasowday dabadeed, maxaa yeelay, taasu Rabbiga hortiisa karaahiyo bay ku tahay, oo waa inaydaan dembi keenin dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 6:17-18
    2 aayado
    82%

    17Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,

    18Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,

  • 77%

    25Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.

    26In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

  • 13Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.

  • 16Waayo, kuwa waxyaalahaas oo kale sameeya oo ah kuwa si aan xaq ahayn wax u sameeya oo dhan waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • Maah 6:14-15
    2 aayado
    75%

    14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

    15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • Sab 5:5-6
    2 aayado
    75%

    5Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.

    6Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.

  • 9Jidka kan sharka lahu Rabbiga waa u karaahiyo, Laakiinse isagu waa jecel yahay kii xaqnimada raaca.

  • Maah 16:5-6
    2 aayado
    74%

    5Ku alla kii qalbiga ka kibirsanu Rabbiga waa u karaahiyo, Waxaan aad idiin ku xaqiijinayaa inaan isagu taqsiir la'aan doonayn.

    6Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.

  • 26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.

  • 26Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

  • 17oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.

  • 20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

  • 12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.

  • 1Kafaddii khiyaano ah Rabbigu aad buu u karhaa, Laakiinse dhagaxii miisaanka oo xaq ah wuu ku farxaa.

  • Miik 6:10-11
    2 aayado
    72%

    10Guriga sharowga weli miyey yaalliin khasnadihii sharnimadu iyo weliba qiyaastii dhimanayd oo karaahiyada ahayd?

    11Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?

  • 3Waayo, kii shar lahu wuxuu ku faanaa waxa qalbigiisu jecel yahay, Oo kii damaci ahuna Rabbiga wuu nacaa, wuuna quudhsadaa.

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 12Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

  • 10Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.

  • 22iyo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada.

  • 5Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.

  • 36Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

  • 1¶ Waxaa jira wax xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, taasuna waa wax dadka ku culus,

  • 6Waan neceb ahay kuwa hawada beenta ah ka fikira, Laakiinse Rabbigaan isku halleeyaa.

  • 15Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.

  • 23Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.

  • 16Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.

  • 70%

    21Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?

    22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.

  • 11She'ool iyo halligaaduba Rabbiga hortiisay yaalliin, Haddaba intee in ka sii badan buu arkaa qalbiga binu-aadmiga?

  • 16Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

  • 22Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.

  • 7Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

  • 3¶ Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.

  • 22Oo hana qotonsan tiir uu Rabbiga Ilaahiinna ahu neceb yahay.

  • 1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

  • 27(waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;)

  • 30¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.

  • 16Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.

  • 163Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

  • 19Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.