2 Samuu'eel 22:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa. Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 5:8 : 8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.
  • Bax 18:11 : 11 Oo haatan anigu waan ogahay in Rabbigu ka wada weyn yahay ilaahyada oo dhan; waayo, waxyaalihii ay kula macaamiloodeen iyagoo kibirsan aawadeed, isagaa ka sarreeyey.
  • Laaw 26:23-28 : 23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan. 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan. 27 ¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.
  • Sharc 28:58-61 : 58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH, 59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan.
  • Sab 18:26 : 26 Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
  • Sab 125:5 : 5 Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.
  • Ish 45:9 : 9 ¶ Waxaa iska hoogay ka Uumihiisa la dirira! Wuxuu la mid yahay dheri jabkiis oo ka mid ah jajabka dhulka! Dhoobadu miyey kan sameeya ku tidhaahdaa, War maxaad samaynaysaa? Amase shuqulkaaguu miyuu yidhaahdaa, Gacmo ma leh?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 18:25-27
    3 aayado
    97%

    25Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.

    26Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

    27Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.

  • 26Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.

  • 8Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.

  • 28Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa; Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.

  • 32Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.

  • 20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • 13Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay?

  • 4Waayo, waxaad leedahay, Cilmigaygu waa daahir, Oo nadiif baan ku ahay indhahaaga hortooda.

  • 12Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,

  • 3Kuwa qumman waxaa kaxayn doonta daacadnimadooda, Laakiinse khaayinnada qalloocnaantoodu waa baabbi'in doontaa iyaga.

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 15Kuwa daahirka ah wax waluba waa u daahir, laakiin kuwa nijaasaysan oo aan rumaysadka lahayn waxba daahir uma aha, laakiinse kaskooda iyo niyadooduba waa nijaasoobeen.

  • 15Oo jidadkoodu maroorsan yihiin, Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,

  • 4Qalbi qalloocanu wuu iga fogaan doonaa, Oo innaba wax shar ah ma aqoon doono.

  • 26Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

  • 17Laakiinse xukunka kuwa sharka ah ayaa kaa buuxa, Oo garsoorid iyo caddaalad ayaa ku qabsada.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 4Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • Ayuub 14:3-4
    2 aayado
    70%

    3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

    4Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.

  • 4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.

  • 3Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.

  • 7Kan xaqa ah jidkiisu waa qumman yahay oo adigoo qumman ayaa wadiiqada kan xaqa ah toosiya.

  • 12Waxaa jira farcan isla daahirsan, Oo weliba aan nijaastoodii ka maydhmin.

  • 15Hubaal markaasaad wejigaaga kor u qaadi doontaa isagoo aan ceeb lahayn; Oo waad adkaan doontaa, mana aad baqi doontid,

  • 30Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin; Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.

  • 11Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.

  • 20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 4Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.

  • 11Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.

  • 9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.

  • 13Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u qummanaataan.

  • 6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 17Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

  • 6Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.

  • 8Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha.

  • 6Bal eeg, waxaad uurka ka jeceshahay run, Oo meesha qarsoon waxaad iga ogeysiinaysaa xigmad.

  • 5Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga.

  • 12Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;

  • 4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

  • 32Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

  • 6Waxaa dembiga lagu kafaaraggudaa naxariis iyo run, Oo dadkuna waxay sharka kaga fogaadaan Rabbiga ka cabsashadiisa.

  • 11Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 7War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?

  • 9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.

  • 2Rabbigu ninka wanaagsan raalli buu ka ahaan doonaa. Laakiinse khaayinka wuu xukumi doonaa.