Maahmaahyadii 22:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 16:13 : 13 Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.
  • Mat 5:8 : 8 Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.
  • Sab 101:6 : 6 Indhahaygu waxay la jiri doonaan kuwa aamiinka ah oo dalka deggan, si ay iila joogaan aawadeed, Kii si qumman u socda ayaa ii adeegi doona.
  • Maah 14:35 : 35 Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.
  • Luuk 4:22 : 22 Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?
  • Daan 2:46-49 : 46 Markaasaa boqorkii ahaa Nebukadnesar wejigiisa u dhacay, oo u sujuuday Daanyeel, oo wuxuu amray inay u bixiyaan qurbaan iyo foox udgoon. 47 Boqorkiina waa u jawaabay Daanyeel oo wuxuu ku yidhi, Sida runta ah Ilaahaagu waa Ilaaha ilaahyada iyo Sayidka boqorrada, iyo mid muujiya waxyaalo qarsoon, maxaa yeelay, waxaad awoodday inaad daaha ka qaaddid qarsoodigan. 48 Markaasaa boqorkii Daanyeel derejeeyey, oo wuxuu siiyey hadiyado badan oo waaweyn, wuuna u dhiibay taladii gobolkii Baabuloon oo dhan, oo wuxuu ka dhigay taliyaha madaxda u ah ragga xigmadda leh oo Baabuloon oo dhan. 49 Daanyeelna boqorkuu weyddiistay inuu ka dhigo Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, Daanyeelse wuxuu joogay iridda boqorka.
  • Daan 3:30 : 30 Markaasaa boqorkii Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo derejo sare ku siiyey gobolkii Baabuloon.
  • Daan 6:20-23 : 20 Oo markuu u soo dhowaaday bohoshii Daanyeel ku jiray ayuu si weyn u ooyay; markaasa boqorkii hadlay oo Daanyeel ku yidhi, Daanyeelow, Ilaaha nool midiidinkiisow, Ilaahaaga aad had iyo goor u adeegtaa ma awoodi karaa inuu libaaxyada kaa samatabbixiyo? 21 Markaasaa Daanyeel boqorkii ku yidhi, Boqorow, weligaaba noolow. 22 Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin. 23 Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey.
  • Bil 41:39-57 : 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. 40 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa. 41 ¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey. 42 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay; 43 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan. 44 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan. 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray. 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan. 47 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan. 48 Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey. 49 Markaasaa Yuusuf hadhuudh aad u badan wuxuu u kaydiyey sida cammuudda badda, ilaa uu tirintii daayay, maxaa yeelay, waxay ahayd wax aan tiro lahayn. 50 Oo Yuusuf waxaa u dhashay laba wiil intii aan sannaddii abaarta ahayd iman, oo waxaa u dhashay Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. 51 Markaasaa Yuusuf wuxuu curadkii magiciisii u bixiyey Manaseh; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa i illowsiiyey dhibaatadaydii oo dhan, iyo gurigii aabbahay oo dhan. 52 Kii labaadna magiciisii wuxuu u bixiyey Efrayim. Waayo, wuxuu yidhi, Ilaah waa igu badiyey dalkii aan ku dhibtooday. 53 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen. 54 Oo waxaa bilaabatay toddobadii sannadood oo abaarta ahayd, sidii Yuusuf yidhi. Dalalkii oo dhanna abaar baa ka dhacday; laakiinse dalka Masar oo dhan cuntaa jirtay. 55 Oo markii dalkii Masar oo dhammu wada abaarsaday ayaa dadkii Fircoon cunto ugu qayliyeen. Markaasaa Fircoon wuxuu ku yidhi Masriyiintii oo dhan, Yuusuf u taga, oo wuxuu idin yidhaahdo yeela. 56 Oo abaartuna waxay ka dhacday dhulka dushiisa oo dhan. Markaasaa Yuusuf wada furay maqsinnadii oo dhan, oo wuxuu hadhuudhkii ka iibiyey Masriyiintii, abaartuna aad bay ugu xumayd dalka Masar. 57 Markaasaa dalalkii oo dhammu waxay u soo safreen Masar, oo Yuusuf bay ugu yimaadeen inay hadhuudh ka iibsadaan; maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xumayd dhulka oo dhan.
  • Cesr 7:6-9 : 6 oo Cesraahan ayaa ka tegey Baabuloon, oo wuxuu ahaa karraani aad u yaqaan sharcigii Muuse uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil siiyey; oo boqorkuna wuxuu siiyey wixii uu weyddiistay oo dhan sidii ay gacantii Rabbiga Ilaahiis ahu u saarnayd. 7 Oo sannaddii toddobaad oo dowladnimadii Boqor Artaxshasta waxaa Yeruusaalem tegey qaar ah reer binu Israa'iil, iyo wadaaddada, iyo reer Laawi, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniim. 8 Oo wuxuu Yeruusaalem yimid boqorka sannaddiisii toddobaad, bisheedii shanaad. 9 Baabuloon ayuu ka soo baxay bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo wuxuu Yeruusaalem yimid bishii shanaad maalinteedii kowaad, sidii ay gacantii Ilaahiisa oo wanaagsanayd u saarnayd. 10 Waayo, Cesraa wuxuu qalbigiisa u diyaariyey inuu doondoono oo sameeyo Rabbiga sharcigiisa iyo inuu reer binu Israa'iil baro qaynuunno iyo xukummo. 11 ¶ Haddaba kanu waa naqilkii warqaddii uu Boqor Artaxshasta siiyey Cesraa oo ahaa wadaadkii iyo karraanigii kaasoo ahaa karraanigii erayadii amarrada Rabbiga iyo qaynuunnadiisii uu reer binu Israa'iil siiyey.
  • Nex 2:4-6 : 4 Markaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, Hadda maxaad iga baryaysaa? Kolkaasaan Ilaaha samada baryay. 5 Oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, hadday ku farxiso, oo haddaad raalli iga tahay anoo addoonkaaga ah, waxaan doonayaa inaad ii dirtid dalka Yahuudah oo ay ku taal magaalada awowayaashay xabaalahoodu yihiin, inaan dhiso. 6 Kolkaasaa boqorkii wuxuu igu yidhi, (iyadoo boqoraddiina agtiisa fadhido) Sodcaalkaagu tan iyo goormuu ahaanayaa? Goormaadse soo noqonaysaa? Markaasuu boqorku ku farxay inuu i diro; oo waxaan u qabtay wakhti.
  • Est 10:3 : 3 Haddaba Yuhuudigii Mordekay ahaa wuxuu ahaa ninkii ku xigay Boqor Ahashwerus, oo xagga Yuhuuddana wuxuu ahaa nin weyn, oo walaalihiisa badanuna way aqbaleen; oo wuxuuna ahaa nin doondoonaa wanaagga dadkiisa oo nabaadiino kula hadla farcankiisa oo dhan.
  • Sab 45:2 : 2 Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    12Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

    13Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

    14Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

    15Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

  • 16Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.

  • 10Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

  • 12Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka.

  • 21Kii qalbigiisu caqli leeyahay waxaa loogu yeedhi doonaa mid miyir leh, Oo bushimaha macaankooduna waxbarashuu kordhiyaa.

  • 28Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.

  • 9Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.

  • 18Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.

  • 22Bushimaha beenta sheega Rabbigu wuu karhaa. Laakiinse kuwa runta ku shaqeeya wuu ku farxaa.

  • 4Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.

  • 2Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.

  • 35Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.

  • 6Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.

  • 2Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

  • 4Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.

  • 10Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin.

  • 26Rabbigu fikirrada sharka ah aad buu u karhaa, Laakiinse kuwa daahirkaa hadal wanaagsan bay ku hadlaan.

  • 7Maxaa yeelay, afkaygu run buu ku hadlayaa; Oo bushimahayguna shar bay karhaan.

  • 7Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.

  • 23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 9Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.

  • 3Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan.

  • 69%

    19Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

    20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 69%

    31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.

    32Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.

  • 24Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.

  • 8Nin waxaa loogu bogi doonaa sida xigmaddiisu tahay, Laakiinse kii qalbigiisu qalloocan yahay waa la quudhsan doonaa.

  • 8Kii xigmadda helaa naftiisuu jecel yahay, Oo kii waxgarashada xajistaana wax wanaagsan buu heli doonaa.

  • 27Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa. Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

  • 140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

  • 5Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.

  • 2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

  • 10Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.

  • 24Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.

  • 20Kuwa qalbigoodu qalloocan yahay Rabbigu aad buu u karhaa; Laakiinse kuwa jidkooda ku qumman wuu ku farxaa.

  • 12Kii xigmad leh erayada afkiisu waa raxmad miidhan, laakiinse bushimaha nacasku isaga qudhiisay baabbi'iyaan.

  • 23Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.

  • 17Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.

  • 5Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.

  • 1Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.

  • 26Kii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.

  • 1Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.

  • 14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 15Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.