Maahmaahyadii 17:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 15:12 : 12 Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
  • 2 Sam 16:5-9 : 5 ¶ Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday. 6 Oo dhagxan buuna ku tuuray Daa'uud iyo addoommadii Boqor Daa'uud oo dhanba, oo dadkii oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuna waxay joogeen midigtiisa iyo bidixdiisaba. 7 Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi! 8 Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba. 9 Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.
  • 2 Sam 18:15 : 15 Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.
  • 2 Sam 18:19 : 19 ¶ Markaasaa Axiimacas oo ahaa ina Saadooq yidhi, Haddaba i daaya aan ordee, oo aan boqorkii u soo warramee, sida Rabbigu uga aarguday cadaawayaashiisii.
  • 2 Sam 20:1 : 1 ¶ Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.
  • 2 Sam 20:22 : 22 Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.
  • 1 Boq 2:24-25 : 24 Haddaba waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii xoogga ii yeelay, oo igu fadhiisiyey carshigii aabbahay Daa'uud, oo reerka iigu yeelay siduu iigu ballanqaaday, hubaal Adoniiyaah maanta waa la dilayaa. 25 Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.
  • 1 Boq 2:31 : 31 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.
  • 1 Boq 2:46 : 46 Sidaas daraaddeed ayaa boqorkii amray Benaayaah ina Yehooyaadaac; kolkaasuu isna tegey oo dilay Shimcii, wuuna dhintay. Oo boqortooyadiina waxay ku sii dhisnaatay gacantii Sulaymaan.
  • Mat 21:41 : 41 Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda.
  • Mat 22:7 : 7 Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.
  • Luuk 19:27 : 27 Laakiin cadowyadaydan oo aan doonin inaan boqor u ahaado halkan keena oo hortayda ku laaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 78%

    12Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.

    13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

  • 11Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.

  • 11Waxaa kaa soo baxay mid Rabbiga wax shar ah u fikira, oo xumaato ku taliya.

  • 75%

    27Ninkii waxmatare ahu xumaan buu qodqodaa, Oo bushimihiisana waxaa ku jira dab wax gubaya.

    28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

    29Ninka wax dulmaa deriskiisuu sasabtaa, Oo wuxuu u kaxeeyaa jid aan wanaagsanayn.

    30Kii indhaha isugu qabta inuu wax qalloocan hindiso, Oo bushimihiisa qaniinaa, shar buu soo wadaa.

  • 10Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.

  • 74%

    19Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

    20Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

  • 8Kii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.

  • 2Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.

  • 22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

  • 27Kii wanaag aad u doonaa wuxuu doonayaa raallinimo, Laakiinse kii xumaan doona, way u iman doontaa.

  • 17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 17Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.

  • Maah 6:14-15
    2 aayado
    73%

    14Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran.

    15Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • 12Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan;

  • 21Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.

  • 27Ninkii xaqdaranu waa u karaahiyo kuwa xaqa ah, Oo kii jidka ku qummanuna waa u karaahiyo kii shar ah.

  • 4Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

  • 7Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.

  • 21kuwaasoo ah kuwa nin hadal aawadiis xumaanfale kaga dhiga, oo dabinka u dhiga kan iridda ku garnaqa oo kan xaqa ahna ku leexiya wax aan waxba ahayn.

  • 19Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

  • 17Ninkii naxariis badanu naftiisuu wanaag u sameeyaa, Laakiinse kii aan naxariis lahaynu jidhkiisuu dhibaa.

  • 23Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

  • 1Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

  • 21Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.

  • 16Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.

  • 6Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.

  • 15Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

  • 32Kan sharka lahu wuxuu fiiriyaa kan xaqa ah, Oo wuxuu doondoonaa inuu isaga dilo.

  • 5¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Belaayo! Belaayo gooni ah! Bal fiiriya, way soo socotaaye!

  • 19Xaqnimadu waxay u kacdaa xagga nolosha, Sidaas oo kalena kii sharka raacaa wuxuu u raacaa dhimashadiisa.

  • 29Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 23Kuwa xaqa ah waxay doonayaan wanaag keliya, Laakiinse kuwa sharka ah filashadoodu waa cadho.

  • 15Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.

  • 11Waxaa hoogay kan sharka ah, waayo, belaayaa ku dhici doonta, oo waxaa loo samayn doonaa wixii gacmihiisu sameeyeen oo kale.

  • 30Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada?

  • 4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.

  • 10Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.

  • 29Kuwa wax quudhsada waxaa loo diyaariyey xukunno, Oo dhabarka nacasyadana waxaa loo diyaariyey karbaash.

  • 18Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • 12Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah, Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,

  • 3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.

  • 3Markii kii shar lahu yimaado waxaa kaloo timaada quudhsasho, Sharafla'aantana waxaa la timaada ceeb.