Yexesqeel 19:8
Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.
Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa'iil looga maqlin.
4Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen.
20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
13Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono.
15Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
7Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis.
7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.
8Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin.
9Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona.
10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.
11Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.
22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.
7Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.
8Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.
3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.
22Oo iyaga waxaa laysugu soo ururin doonaa sida maxaabiista godxabsiga loogu urursho, oo waa la xabbisi doonaa oo maalmo badan dabadeed ayaa la ciqaabi doonaa.
9Isagu wuxuu ku dhuuntaa meel qarsoon sida libaax godkiisa ku jira, Oo wuxuu u gaadaa inuu miskiinka qabsado, Oo intuu miskiinka qabsado ayuu ku soo jiitaa shabaggiisa.
17Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.
6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.
6Dabin bay cagahayga u diyaariyeen, Oo naftaydii baa foororsatay, Oo waxay hortayda ka qodeen god, Oo iyaga qudhoodii baa ku dhex dhacay. (Selaah)
19Markaasuu haddana u jeesan doona xagga qalcadaha waddankiisa, laakiinse wuu turunturoon doonaa oo dhici doonaa, lamana heli doono.
10Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.
11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.
38Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.
12Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan.
5Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay, Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey, Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin.
24Baabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay.
19Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan.
11sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.
12Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen.
15Libaaxyo qayrabyo ah ayaa ku ciyey, oo codkoodiina way dheereeyeen, oo dalkiisiina way baabbi'iyeen, oo magaalooyinkiisiina way gubteen oo ciduna ma deggana.
17Bal eeg, ninka xoogga badanow, Rabbigu xoog buu kuu tuuri doonaa. Aad buu kuu qaban doonaa.
13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.
14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.
15Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.
7Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.
2Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.
12Markay tagaan waxaan ku kor fidin doonaa shabaggayga, oo iyagaan u soo dejin doonaa sida haadda samada, oo sidii ururkoodu maqlay ayaan iyaga u edbin doonaa.
10Waayo, waxaan maqlay kuwa badan oo i caayaya, iyo cabsi dhan kasta iga wareegsan. Oo waxay yidhaahdaan, Soo ashtakeeya oo annana waannu ashtakaynaynaa. Kuwii ila nabad ahaa oo dhammu waxay sugayaan dhiciddayda, oo waxay yidhaahdaan, Mindhaa isaga waa la khiyaanayn doonaa, oo waannu ka adkaan doonnaa, oo waannu aargudan doonnaa.
17Haddaba miyuu shabaggiisa madhin doonaa, oo miyuu quruumaha had iyo goorba layn doonaa, isagoo aan u tudhin?
12inaan wax ka dhaco, oo aan wax ka boobo, si aad gacanta ugu dul fidisid meelihii cidlada ahaa haatanse la degay, iyo dadkii quruumaha laga soo dhex ururiyey, oo xoolo iyo alaabba helay, oo dhulka dhexdiisa deggan.
11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen.
17oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?
19Kuwii na eryanayay gorgorka samada way ka sii dheereeyeen. Waxay nagu eryadeen buuraha dushooda, oo cidlada dhexdeeda way noogu gabbadeen.
25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.
6Oo seef baa waxay ku dhici doontaa magaalooyinkooda, oo waxay baabbi'in doontaa qataarradooda, oo way wada dhammayn doontaa iyaga, waana taladooda daraaddeed.
10Habase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.