Baroorashadii 3:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 3:23 : 23 Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
  • Ayuub 19:8 : 8 Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.
  • Sab 88:8 : 8 Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.
  • Yer 38:6 : 6 Markaasay Yeremyaah soo qabteen oo ku dhex rideen godkii Malkiiyaah ina Hammeleg, ee barxadda waardiyayaasha ku dhex yiil, oo Yeremyaah xadhkay ku dejiyeen, oo godkiina biyo kuma jirin, laakiinse waxaa ka buuxday dhoobo, sidaas daraaddeed Yeremyaah dhoobaduu ku dhex tiimbaday.
  • Yer 40:4 : 4 Haddaba bal eeg, maanta silsiladihii gacanta kaaga xidhnaa waan kaa furay. Hadday kula wanaagsan tahay inaad Baabuloon ii raacdid, kaalay oo aniguna si wanaagsan baan kuu dhaqaalayn doonaa, laakiinse hadday kula xun tahay inaad Baabuloon ii raacdid, iska dhaaf. Bal eeg, dalkii oo dhammu adiguu ku hor yaal. Haddaba meel alla meeshii kula wanaagsan ee kula habboon inaad tagtid, tag.
  • Bar 1:14 : 14 Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.
  • Bar 3:9 : 9 Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.
  • Bar 5:5 : 5 Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
  • Daan 9:12 : 12 Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale.
  • Hos 2:6 : 6 Haddaba bal eeg, anigu jidkaaga waxaan ku awdi doonaa qodxan, oo deyr baan iyada hor dhigi doonaa, si ayan dhabbaheedii u helin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bar 3:8-12
    5 aayado
    84%

    8Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa.

    9Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey.

    10Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya.

    11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

    12Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha.

  • Bar 3:1-6
    6 aayado
    84%

    1Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay.

    2Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn.

    3Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa.

    4Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey.

    5Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib.

    6Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay.

  • 84%

    6Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey.

    7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

    8Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay.

    9Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday.

    10Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey.

    11Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa.

  • 53Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen.

  • Bar 1:13-14
    2 aayado
    76%

    13Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.

    14Harqoodkii xadgudubyadayda gacantiisaa xidhay. Way isku xidhan yihiin oo qoortay ii saaran yihiin. Xooggayguu yareeyey. Sayidku wuxuu igu riday gacmihii kuwa aanan iska daafici karin.

  • 11Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa.

  • 11Ilaah baa xadhiggaygii debciyey, wuuna i dhibay, Oo taas aawadeed iyagu hortayda iskuma celiyaan.

  • Sab 143:3-4
    2 aayado
    75%

    3Waayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

    4Sidaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

  • 23Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay, Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?

  • 6Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool; Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

  • 74%

    11Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha, Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.

    12Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey, Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey, Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.

    13Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya, Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa, Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.

    14Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa; Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.

  • 74%

    18Xoogga weyn oo cudurkayga daraaddiis ayaa dharkaygii ku xumaaday, Oo wuxuu iigu cidhiidhisan yahay sidii jubbaddayda qoorteeda.

    19Isagu wuxuu igu tuuray dhoobada dhexdeeda, Oo waxaan noqday sidii boodh iyo dambas oo kale.

  • 3Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.

  • 10Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo,

  • 5Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.

  • 3Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.

  • 3Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

  • 18Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.

  • 8Kuwii aan iqiin waad iga fogaysay, Oo karaahiyaad iga dhigtay xaggooda. Waa lay xidhay, oo sooma aan bixi karo.

  • 7Laakiinse haatan wuu i daaliyey, Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.

  • Bar 3:15-16
    2 aayado
    73%

    15Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey.

    16Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay.

  • 5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

  • 3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

  • 17Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in, Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.

  • 7Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa.

  • 5Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)

  • 12War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa?

  • 8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

  • 13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?