Ayuub 7:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 7:17 : 17 Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?
  • Ayuub 38:6-9 : 6 Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah 7 Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen? 8 Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay, 9 Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay, 10 Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo, 11 Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan?
  • Ayuub 41:1-9 : 1 War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa? 2 Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa? 3 Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa? Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa? 4 Ma axdi buu kula dhigan doonaa, Si aad addoon uga dhigatid weligiisba? 5 Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa? 6 Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan? Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan? 7 Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa? 8 Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid! 9 Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo? 10 Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara? 11 Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa? Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh. 12 Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa, Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan. 13 Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara? 14 Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara? Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa. 15 Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro, Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo. 16 Midba midda kale way ku dhow dahay, Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto. 17 Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo. 18 Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin, Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga. 19 Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya, Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah. 20 Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya. 21 Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa. 22 Luquntiisu xoog bay leedahay, Oo cabsina hortiisay ku booddaa. 23 Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin, Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo. 24 Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale, Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose. 25 Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan. 26 In kastoo lagula kaco seef, Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan. 27 Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale, Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay. 28 Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale. 29 Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale, Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa. 30 Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan, Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo. 31 Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale, Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale. 32 Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale. 33 Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale, Oo cabsila'aan la abuuray. 34 Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.
  • Bar 3:7 : 7 Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.
  • Yex 32:2-3 : 2 Wiilka Aadamow, Fircoon oo ah boqorka Masar u barooro, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Adiga waxaa laguu ekaysiiyey aaran libaax oo quruumaha, laakiinse waxaad tahay sida yaxaas badaha ku dhex jira. Webiyaashaadaad la butaacdaa, oo biyahana cagahaagaad ku qastaa, oo webiyaashoodana waad wasakhaysaa. 3 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

  • 13Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta,

  • 77%

    17Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga?

    18Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa, Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa?

    19Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo?

    20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

    21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

  • 4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?

  • Yoon 2:3-5
    3 aayado
    76%

    3Waayo, waxaad igu dhex tuurtay moolka iyo badda uurkeeda. Hareerahaygana waxaa ku wareegsanaa daad, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammuna way i dul mareen.

    4Kolkaasaan idhi, Indhahaaga hortooda waa layga tuuray; Welise waxaan mar kale eegayaa macbudkaaga quduuskaa.

    5Biyihii way i hareerayeen xataa naftayda, Moolkiina wuu igu wareegsanaa; Madaxaygana waxaa ku duudduubnaa caws badeed.

  • 19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

  • 14Oo maxaad dadka uga dhigtaa sida kalluunka badda, iyo sida waxa gurguurta oo aan lahayn mid iyaga u taliya?

  • 13War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan?

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 24Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa, Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.

  • Ayuub 7:3-4
    2 aayado
    73%

    3Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan.

    4Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa.

  • 6Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.

  • Ayuub 10:6-7
    2 aayado
    73%

    6Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,

    7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?

  • 7Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.

  • 72%

    16Oo haddii madaxaygu kor isu qaadona, waxaad ii ugaadhsataa sida libaax oo kale, Oo haddana wax laga yaabo ayaad igu samaysaa.

    17Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.

    18Bal maxaad iiga soo bixisay uurkii hooyaday? Waxaa wanaagsanaan lahayd in naftu iga baxdo iyadoo aan iluna i arag!

  • 7Cadhadaadii baa igu soo degtay, Oo waxaad igu dhibtay hirarkaagii oo dhan. (Selaah)

  • 16Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay?

  • 8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

  • Ayuub 10:1-2
    2 aayado
    72%

    1Naftaydu noloshadayday la daallan tahay, Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa, Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.

    2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

  • 7Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay.

  • 13Hahe bal maad She'ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go'an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid!

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 16Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga, Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn?

  • 4Indhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 3Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday.

  • 13Oo aad ruuxaaga Ilaah ugu soo jeedisaa, Oo erayo caynkaas ah aad afkaaga uga soo daysaa?

  • 1War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa?

  • 14Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.

  • 20Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.

  • 7Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.

  • 3War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay?

  • 18Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.

  • 28Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

  • 22Kor baad iigu qaaddaa dabaysha, Oo waxaad i fuushisaa dusheeda, Oo haddana waxaad igu baabbi'isaa duufaanka.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 15Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.