Ayuub 10:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 9:29 : 29 Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?
  • Sab 143:2 : 2 Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.
  • Bar 3:40-42 : 40 Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno. 41 Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira. 42 Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin.
  • Bar 5:16-17 : 16 Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay! 17 Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
  • Room 8:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.
  • 1 Kor 11:31-32 : 31 Laakiin haddaynu innagu dhexdeenna iska xukumi lahayn, laynama xukumeen. 32 Markii layna xukumo, Rabbiga ayaa ina edbiya, inaan laynala xukumin dunida.
  • Ayuub 34:31-32 : 31 Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo, 32 Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?
  • Sab 6:1-4 : 1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin. 2 Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan. 3 Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa? 4 Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
  • Sab 25:7 : 7 Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
  • Sab 38:1-8 : 1 Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin. 2 Waayo, fallaadhahaagii aad bay ii mudeen, Oo gacantaaduna way igu soo degtay. 3 Jidhkaygu fayoobaan ma leh, waana xanaaqaaga daraaddiis, Oo lafahayguna caafimaad ma leh, waana dembigayga daraaddiis. 4 Waayo, xumaatooyinkaygii waxay ka sare mareen madaxayga, Sida rar culus ayay igu culus yihiin aad iyo aad. 5 Nabrahaygu way urayaan, wayna qudhmuun yihiin, Waana nacasnimadayda daraaddeed. 6 Waan xanuunsanayaa, oo aad baan hoos ugu gotay, Oo maalinta oo dhanna oohin baan la wareegaa. 7 Waayo, dhexdayda waxaa ka buuxa olol, Oo jidhkayguna fayoobaan ma leh. 8 Waan itaal daranahay, oo aad baan u burbursanahay, Oo waxaan la cabaaday buuqa qalbigayga ku jira.
  • Sab 109:21 : 21 Laakiinse Ilaahow, Sayidow, magacaaga daraaddiis wax iigu yeel, Naxariistaadu waa wanaagsan tahay, ee sidaas daraaddeed ii samatabbixi,
  • Sab 139:23-24 : 23 Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow, 24 Oo bal fiiri inuu jid xumaan ahu igu jiro iyo in kale, Oo igu hoggaami jidka weligiis ah.
  • Ayuub 8:5-6 : 5 Haddaad aad u barido Ilaah, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka, 6 Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1Naftaydu noloshadayday la daallan tahay, Oo joojinla'aan waan ku sii caban doonaa, Oo qadhaadhka naftayda waan ku hadli doonaa.

  • 8War ma xukunkaygaad burinaysaa? Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?

  • 77%

    19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

    20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.

  • Ayuub 23:6-7
    2 aayado
    76%

    6Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

    7Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa, Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.

  • Ayuub 10:6-7
    2 aayado
    76%

    6Oo bal ma sidaas daraaddeed baad xumaantayda u daba joogtaa, Oo aad dembigayga u baadhaysaa,

    7In kastoo aad ogtahay inaanan sharrow ahayn, Oo uusan jirin mid gacantaada iga samatabbixinaya?

  • 35Oo weliba waxaad istidhaahdaa, Anigu xaq ma qabo. Sida xaqiiqada ah cadhadiisu way iga noqotay. Bal ogow, anigu waan kula muddici doonaaye, maxaa yeelay, waxaad tidhaahdaa, Anigu ma aan dembaabin.

  • 4Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan?

  • 75%

    14Haddaan dembaabo waad iska kay fiirsataa, Oo ma aad caddaysid inaan dembi la'ahay.

    15Haddaan sharrow ahay, anaa iska hoogay, Oo haddaan xaq ahayna, innaba madaxayga kor u qaadi maayo Anigoo ceeb ka buuxa Oo dhibaatadayda fiirinaya.

  • 3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?

  • 75%

    20Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo?

    21Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono.

  • 10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

  • 17Waxaad ii keensataa markhaatiyaal cusub, Oo dhirifkaagana waad igu sii kordhisaa, Oo hadba waxaad igu soo daysaa col iyo belaayo isu kay bedbeddela.

  • 5Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

  • 3Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

  • 24Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah?

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • 3Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa?

  • 8Ka xaq iga dhiga wuu dhow yahay, bal yaa ila diriraya? Aannu isla wada istaagno. Waa kuma kan cadowgayga ahu? Ha ii soo dhowaado.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 8Aniguse Ilaah baan baryi lahaa, Oo xaalkaygana Ilaah baan u dhiibi lahaa,

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 32Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.

  • 13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

  • 14Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

  • 24Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn.

  • 32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

  • 11Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda.

  • 3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

  • Sab 43:1-2
    2 aayado
    73%

    1Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn, Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.

    2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 8War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?

  • 28Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

  • 19Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

  • 2Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.

  • Sab 42:9-10
    2 aayado
    73%

    9Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?

    10Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?

  • 2Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.

  • 4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

  • 24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 10Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay;