Ayuub 36:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Weliba in yar ii sii kaadi, oo anna wax baan ku tusayaa, Waayo, weli waxaan hayaa wax aan Ilaah daraaddiis u odhanayo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 21:3 : 3 Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.
  • 2 Kor 5:20 : 20 ¶ Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
  • Cib 13:22 : 22 ¶ Walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray.
  • Bax 4:16 : 16 Oo isagu wuxuu kuu noqon doonaa ninka dadka kuula hadla, oo waxay noqon doontaa inuu isagu af kuu noqdo, adna waxaad isaga u noqon doontaa Ilaah oo kale.
  • Ayuub 13:7-8 : 7 War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan? 8 War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
  • Ayuub 33:6 : 6 Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo.
  • Ayuub 33:31-33 : 31 Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa. 32 Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo. 33 Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.
  • Yer 15:19 : 19 ¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
  • Yex 2:7 : 7 Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1Oo weliba Eliihuu hadalkiisii buu watay oo wuxuu yidhi,

  • Ayuub 35:1-2
    2 aayado
    78%

    1Oo weliba Eliihuu wuu sii jawaabay oo wuxuu yidhi,

    2Ma waxaad u malaynaysaa in taasu xaq tahay, Amase ma waxaad leedahay, Xaqnimadaydu way ka sii badan tahay tan Ilaah?

  • Ayuub 34:1-2
    2 aayado
    77%

    1Oo weliba Eliihuu wuu jawaabay oo wuxuu yidhi,

    2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

  • 3Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda.

  • 4Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.

  • 3Aqoontayda meel fog baan ka keeni doonaa, Oo xaqnimana waan ka sheegi doonaa kii i abuuray.

  • Ayuub 32:4-7
    4 aayado
    75%

    4Haddaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen.

    5Oo Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.

    6¶ Oo Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin, Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.

    7Waxaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan, Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.

  • 74%

    31Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa.

    32Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo.

    33Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.

  • 3Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.

  • 13Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.

  • 2Waxaan Ilaah ku odhan doonaa, Ha i xukumine. Bal waxaad i tustaa waxa aad aawadood iila diriraysid.

  • 71%

    10Sidaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta; Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.

    11Bal eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.

  • 17Bal i maqal, wax baan ku tusayaa, Oo wixii aan arkay oo dhan waan kuu sheegayaa;

  • 17Haddaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa, Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.

  • 71%

    19Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

    20Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo.

  • 1Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • Ayuub 23:4-6
    3 aayado
    71%

    4Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa, Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.

    5Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo, Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.

    6Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan? Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.

  • 11Waxaan idin barayaa wax gacanta Ilaah ku saabsan, Oo waxa Ilaaha Qaadirka ah la jirana idinka qarin maayo.

  • 5Mar baan hadlay, jawaab dambena u noqon maayo, Laba jeer oo qudha ayaan hadlay, laakiinse hadda ka dib sii wadi maayo.

  • 2War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa.

  • 22Waayo, markii dhawr sannadood dhaafaan, Waxaan mari doonaa jidka aanan mar kale dib uga soo noqonayn.

  • 20War cimriga noloshaydu sow wax yar ma aha? Haddaba iska kay daa Oo i dhaaf, aan in yar nastee,

  • 32Haddaba waxaanan u jeedin i bar, Oo haddaan xumaan sameeyeyna mar dambe u noqon maayo?

  • 20Anigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.

  • 36Waxaan jeclaan lahaa in Ayuub tan iyo ugudambaysta la sii imtixaamo, Maxaa yeelay, wuxuu u jawaabaa sida dadka sharka ah.

  • 5Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag.

  • 24Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay.

  • 1Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • Ayuub 40:2-3
    2 aayado
    69%

    2Kii murmayaa ma Ilaaha Qaadirka ah buu la diriri karaa? Kii Ilaah la doodayaa ha ka jawaabo taas.

    3Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

  • 34Nin kasta oo xigmad leh oo i maqla iyo dadka waxgaradka ahuba Waxay igu odhan doonaan,

  • 6Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.

  • 14Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

  • 15Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.

  • 6Oo bal muu ku tuso waxyaalaha qarsoon ee xigmadda ah, Waayo, way badan yihiin. Haddaba bal ogow in Ilaah kaa jisaynayo in ka sii yar ciqaabta dembigaagu istaahilo.

  • 2Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa? Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?

  • 7¶ Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.