Sabuurradii 9:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa. Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 96:13 : 13 Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.
  • Sab 98:9 : 9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.
  • Sab 99:4 : 4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
  • Ish 11:4-5 : 4 laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa. 5 Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo.
  • Fal 17:31 : 31 maxaa yeelay, wuxuu dhigay maalin uu dunida si xaq ah ugu xukumi doono ninkuu doortay, taasoo uu dhammaan ugu caddeeyey sarakicidda uu isagii ka soo sara kiciyey kuwii dhintay.
  • Room 2:5-6 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah, 6 kan nin kasta u siin doona sida shuqulkiisu ahaa,
  • Room 2:16 : 16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.
  • Muj 20:12-13 : 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen. 13 Markaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen.
  • Bil 18:25 : 25 Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?
  • Sab 50:6 : 6 Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
  • Sab 94:15 : 15 Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 9Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo, Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana caddaalad.

  • 7Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor, Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.

  • Sab 7:8-9
    2 aayado
    84%

    8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

    9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.

  • Sab 72:2-4
    3 aayado
    84%

    2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.

    3Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada.

    4Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.

  • 13Waayo, isagu waa imanayaa, Oo wuxuu u imanayaa inuu dunida xukumo. Isagu wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo, Dadyowgana runtiisa.

  • 9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

  • 10Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.

  • 13Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.

  • 6Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan.

  • 15Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.

  • 5Oo carshigu naxariis buu ku dhismi doonaa, oo run ahaan waxaa carshiga taambuugga Daa'uud dhexdiisa ah ku fadhiisan doona mid caddaalad ku garsoora, caddaaladna doondoona, oo xaqnimada ku dhaqsada.

  • 4Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay, Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.

  • 11Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.

  • 2Isaga waxaa ku wareegsan daruuro iyo gudcur, Oo carshigiisana waxaa aasaas u ah xaqnimo iyo garsoorid.

  • 2Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.

  • 6Xaqnimadaada wuxuu u soo bixin doonaa sida nuurka oo kale, Gartaadana sida duhurka oo kale.

  • 4Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.

  • 6Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

  • 14Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa, Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.

  • 4Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.

  • 6Isagu quruumaha dhexdooda ayuu wax ku xukumi doonaa, Oo meel walba wuxuu ka buuxin doonaa meydad, Oo waddammo badan ayuu madaxda ka dili doonaa.

  • 4Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)

  • 5Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.

  • 4laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 3Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.

  • 11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.

  • 9Markuu Ilaah xukunka u sara kacay Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)

  • 7Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisuna waxay ku jiraan dhulka oo dhan.

  • 6Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.

  • 18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

  • 14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.

  • 5Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

  • Sab 25:8-9
    2 aayado
    73%

    8Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.

    9Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.

  • 6oo kan garsoorid u fadhiyana wuxuu u ahaan doonaa caddaalad, oo kuwa dagaalka iridda ka celiyana wuxuu u ahaan doonaa xoog.

  • 14Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad, Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.

  • 7Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.

  • 15¶ Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.

  • 7Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan,

  • 1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

  • 2Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah)

  • 4Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.

  • 9Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.

  • 14Isagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.

  • 8Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.