Ishacyaah 61:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 19:7-8 : 7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay. 8 Oo waxaa iyadii lagu amray inay xidhato dhar wanaagsan oo dhalaalaya oo daahir ah; waayo, dharka wanaagsanu waxa weeye falimihii xaqa ahaa oo quduusiinta.
  • Muj 21:2 : 2 Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay.
  • Ish 49:18 : 18 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale.
  • Sab 132:9 : 9 Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
  • Sab 132:16 : 16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
  • Room 14:17 : 17 Waayo, boqortooyada Ilaah ma aha cunid iyo cabbid, laakiinse waa xaqnimada iyo nabadda iyo farxadda ku jira Ruuxa Quduuskaa.
  • Xab 3:18 : 18 Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa, Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.
  • Room 3:22 : 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh.
  • Fil 3:9 : 9 oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,
  • Fil 4:4 : 4 ¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.
  • 1 But 1:8 : 8 Isaga ma aydin arkin, waadse jeceshihiin, hadda in kastoo aydnaan arkin, waadse rumaysan tihiin, oo waxaad ku faraxdaan farxad aan la sheegi karin oo ammaan leh.
  • Room 5:11 : 11 oo taas oo keliyana ma ahaane, weliba waxaynu ku faraxnaa Ilaah xagga Rabbigeenna Ciise Masiix, kan aynu haatan heshiiska ku helnay.
  • Luuk 15:22 : 22 Laakiin aabbihii ayaa addoommadiisii ku yidhi, Dhaqso u soo bixiya khamiiska ugu wanaagsan oo u geliya, kaatunna gacanta u geliya, kabona cagaha u geliya.
  • 2 Taar 6:41 : 41 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiyow, Ilaahow, sara joogso oo gal meeshaada nasashada, adiga iyo sanduuqa xooggaaguba. Rabbiyow, Ilaahow, wadaaddadaadu badbaado ha huwaadeen, oo quduusiintaaduna wanaag ha ku farxeen.
  • Ish 51:11 : 11 Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.
  • Ish 52:1 : 1 ¶ Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan.
  • Ish 61:3 : 3 iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
  • 1 Sam 2:1 : 1 ¶ Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi: Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay, Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday. Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda, Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
  • Yex 16:8-9 : 8 Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 9 Oo markaasaan biyo kugu maydhay, oo dhiiggaagiina waan kaa wada dhaqay, oo saliid baan kugu subkay. 10 Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey. 11 Oo weliba wax baan kugu sharraxay, oo gacmahana jijimmo baan kuu geliyey, oo qoortana silsilad baan kuu sudhay. 12 Oo sangelis baan kuu sudhay, oo dhegahaagana hilqado baan ka lulay, oo madaxana taaj qurux badan baan kuu saaray. 13 Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay. 14 Oo quruxdaada aawadeed ayaa warkaagii quruumaha ku dhex faafay, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay ku dhammaystirantay haybaddaydii aan ku dul saaray. 15 ¶ Laakiinse quruxdaadaad isku hallaysay, oo warkaagii faafay aawadiis ayaad u dhillowday, oo dhillanimadaadiina waxaad u badisay mid alla midkii ku soo ag marayba, oo waad isu dhiibtay. 16 Oo dharkaagiina waad iska furtay, oo meelo sarsare ayaad samaysatay oo waxaad ku sharraxday marooyin midabyo badan, oo halkaasaad ku dhillaysatay. Waxyaalahaas oo kale ma jirin, oo weligood ma ay noqon doonaan.
  • Ish 25:9 : 9 ¶ Oo waxaa maalintaas la odhan doonaa, Bal eega, waa kan Ilaahayagu. Isagaannu sugaynay, wuuna na badbaadin doonaa. Kanu waa Rabbiga, isagaannu sugaynay, oo waxaannu ku farxi oo ku rayrayn doonnaa badbaadintiisa.
  • Ish 35:10 : 10 Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.
  • Nex 8:10 : 10 Oo haddana wuxuu iyagii ku yidhi, Taga, oo baruurta cuna, oo wax macaan cabba, oo kii aan wax u diyaarsanaynna qayb u dira, waayo, maanta waxay Rabbigeenna u tahay maalin quduus ah, hana murugoonina, waayo, idinka waxaa xoog idiin ah farxadda Rabbiga.
  • Sab 28:7 : 7 Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
  • Sab 45:8-9 : 8 Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh. 9 Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
  • Sab 45:13-14 : 13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey. 14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
  • Bax 28:2-9 : 2 Oo walaalkaa Haaruun waa inaad u samaysaa dhar quduus ah, ammaan iyo qurux aawadood. 3 Oo waxaad la hadashaa kulli inta qalbigooda xigmadu ku jirto, oo aan ruuxii xigmadda ka buuxiyey, inay Haaruun dharkiisa u sameeyaan oo ay isaga quduus ka dhigaan inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 4 Oo dharka ay u samaynayaanna waxa weeyaan laabgashi, iyo eefod, iyo khamiis, iyo jubbad, iyo duub, iyo dhex-xidh, oo waa inay dhar quduus ah u sameeyaan walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada. 5 Oo ha qaateen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 6 ¶ Oo eefodka ha ka sameeyeen dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo daabacna ha lagu sameeyo. 7 Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii. 8 Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 9 Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil; 10 magacyadooda lix waa inaad isku dhagax ku dhigtaa, oo lixda magac oo hadhayna waa inaad dhagaxa kale ku dhigtaa, siday u kala hor dhasheen. 11 Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa. 12 Oo labada dhagax waa inaad ku dhejisaa eefodka garbihiisa inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, oo Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa magacyadooda ku qaadaa garbihiisa xusuus ahaan aawadeed. 13 ¶ Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah, 14 oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada. 15 ¶ Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 16 Waa inuu ahaadaa afargeesood oo isku laalaaban; dhererkiisuna ha ahaado taako, ballaadhkiisuna ha ahaado taako. 17 Oo waa inaad afar saf oo dhagaxyo ah ku dul dhejisaa; safka kowaad ha ahaado sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya; 18 safka labaadna ha ahaado sumurud, iyo safayr, iyo dheemman; 19 safka saddexaadna ha ahaado yakintos, iyo agate, iyo ametustos; 20 safka afraadna ha ahaado berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waa in lagu dhejiyo saldhigyo dahab ah. 21 Oo dhagaxyadu waa inay tiro le'ekaadaan sida magacyada reer binu Israa'iil, ha ahaadeen laba iyo toban sida magacyadooda, oo laba iyo tobanka qabiil waa in mid kasta magiciisa lagu xardho sida xaradhka shaabadda. 22 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah. 23 Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood. 24 Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood. 25 Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore. 26 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga. 27 Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah. 28 Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka. 29 Oo magacyada reer binu Israa'iil waa in Haaruun ku qaadaa laabgashiga xukumaadda oo qalbigiisa saaran markuu galo meesha quduuska ah, inay xusuus noqdaan Rabbiga hortiisa had iyo goor. 30 Oo laabgashiga xukumaadda waa inaad gelisaa Uuriimka iyo Tummiimka, oo waa inay Haaruun qalbigiisa saarnaadaan markuu Rabbiga hortiisa tago; oo Haaruun waa inuu qalbigiisa ku qaadaa xukumaadda reer binu Israa'iil had iyo goorba. 31 ¶ Oo khamiiska eefodka kulligiis waa inaad ka dhigtaa buluug. 32 Oo waa inuu meel daloosha oo madaxu maro ku lahaadaa; oo waa inuu ahaado sida dhar leh tolmo wanaagsan oo daloolkiisa ku wareegsan inuusan dillaacin aawadeed. 33 Oo khamiiska daraftiisa hoose waxaad u yeeshaa rummaanno oo ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo ku wada wareeji daraftiisa hareeraheeda oo dhan; oo dawanno dahab ahna dhexdooda geli oo ku wareeji. 34 Dawan dahab ah iyo rummaan, haddana dawan dahab ah iyo rummaan, waa inaad ku wareejisaa khamiiska daraftiisa. 35 Oo Haaruun waa inuu gashado inuu ku adeego; oo sanqadhiisana waa la maqli doonaa markuu tago Rabbiga hortiisa oo uu galo meesha quduuska ah, iyo markii uu ka soo baxaba, inuusan dhiman aawadeed. 36 ¶ Oo waa inaad samaysaa waslad khafiifa oo dahab saafiya ah, waxaad ku xaradhaa xaradhka u eg xaradhka shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA. 37 Oo waa inaad ku xidhaa shalash buluug ah, oo ku dhejisaa duubka, oo duubka intiisa hore ha ku taallo. 38 Oo ha ku taallo Haaruun fooddiisa, Oo Haaruun baa qaadi doona dembiga alaabta quduuska ah, oo ay reer binu Israa'iil quduus kaga dhigi doonaan hadiyadahooda quduuska ah; oo mar kasta waxay ku oolli doontaa fooddiisa, in iyaga laga aqbalo Rabbiga hortiisa. 39 Oo jubbadda marada wanaagsan laga sameeyey waa inaad daabacdaa oo waa inaad duub ka samaysaa maro wanaagsan, oo dhex-xidh waa inaad ka samaysaa daabac. 40 ¶ Oo wiilasha Haaruunna waa inaad u samaysaa jubbado iyo dhex-xidho, iyo duubab, iyagu ha u ahaadeen ammaan iyo qurux. 41 Oo waxaad dharkaas u lebbistaa walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa la joogaba; oo waa inaad iyaga subagtaa, oo daahirisaa oo quduus ka dhigtaa, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada. 42 Oo waa inaad iyaga u samaysaa sirwaallo maro wanaagsan ah oo gaadha dhexdooda ilaa bowdyahooda, oo ay ku qariyaan cawradooda; 43 Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gashadaan markay galaan taambuugga shirka ama markay meesha allabariga u dhowaadaan inay ka dhex adeegaan meesha quduuska ah inaanay dembi qaadin oo dhiman. Waxay isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba ku noqon doontaa qaynuun weligiis ah.
  • Yer 2:32 : 32 Gabadhu miyey illoobi kartaa wixii ay isku sharaxdo, aroosadduse miyey illoobi kartaa wixii ay xidhato? Laakiinse dadkaygu waxay i illoobeen maalmo badan oo aan la tirin karin.
  • Muj 7:9-9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin. 13 ¶ Oo odayaashii midkood baa jawaabay oo wuxuu igu yidhi, Kuwan khamiisyada cadcad qabaa yay yihiin, xaggee bayse ka yimaadeen? 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.
  • Gal 3:27 : 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix.
  • Fil 3:1-3 : 1 ¶ Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha, laakiinse idinka way idiin roon tahay. 2 Eeyaha iska jira, oo iska jira kuwa sharka sameeya, oo iska jira gudniinta beenta ah, 3 waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
  • Muj 21:9 : 9 ¶ Markaasaa waxaa yimid mid ka mid ah toddobadii malaa'igood oo haystay toddobadii fijaan oo ay ka buuxeen toddobadii belaayo ee ugu dambeeyey; oo iyana way ila hadashay, oo waxay igu tidhi, Bal kaalay halkan oo waxaan ku tusayaa aroosadda oo ah Wanka afadiisa.
  • Room 13:14 : 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
  • Sak 10:7 : 7 Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga.
  • Luuk 1:46-47 : 46 Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa, 47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
  • Muj 4:4 : 4 Oo carshigii hareerihiisana waxaa yiil afar iyo labaatan carshi oo kale; oo carshiyadii dushoodana waxaan ku arkay afar iyo labaatan oday oo ku fadhiya, oo dhar cad qaba; madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab ah.
  • Bil 24:53 : 53 Markaasuu addoonkii soo bixiyey jowharro lacag ah iyo jowharro dahab ah, iyo dhar, oo Rebeqah siiyey: walaalkeed iyo hooyadeedna wuxuu siiyey waxyaalo qaali ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 16Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.

  • 9Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.

  • 3iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.

  • 18Haddana Rabbiga waan ku rayrayn doonaa, Oo Ilaaha badbaadadayda ah waan ku farxi doonaa.

  • Ish 62:2-5
    4 aayado
    76%

    2Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.

    3Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

    4Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.

    5Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.

  • 18Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale.

  • 11Waayo, sida dhulku biqilkiisa u soo bixiyo, iyo sida beertu wixii lagu dhex abuuray u soo bixiso, ayaa Sayidka Rabbiga ahu ka dhigi doonaa in xaqnimo iyo ammaanu ay quruumaha oo dhan ka soo hor baxaan.

  • 14Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.

  • 17Sida laabdhawr oo kale ayuu xaqnimo u soo xidhay, oo madaxana wuxuu saartay koofiyad badbaado ah, oo wuxuu dhar ahaan u guntaday aarsasho, oo qiiro kulul ayuu soo huwaday.

  • Yer 31:12-14
    3 aayado
    74%

    12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.

    13Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.

    14Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wadaaddada naftooda aad baan u dhergin doonaa, oo dadkayguna wanaaggaygay ka dhergi doonaan.

  • Yex 16:10-12
    3 aayado
    74%

    10Oo weliba dhar daabac leh ayaan kuu xidhay, oo waxaan kuu geliyey kabo adhidibadeed hargahood laga sameeyey, oo dhexdana maro wanaagsan baan kuugu xidhay, oo xariir baan kuu hagoojiyey.

    11Oo weliba wax baan kugu sharraxay, oo gacmahana jijimmo baan kuu geliyey, oo qoortana silsilad baan kuu sudhay.

    12Oo sangelis baan kuu sudhay, oo dhegahaagana hilqado baan ka lulay, oo madaxana taaj qurux badan baan kuu saaray.

  • 11Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu ku farxaa dadkiisa, Wuxuu kuwa camalka qabowna ku qurxin doonaa badbaado.

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 2Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.

  • 7Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

  • 11Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.

  • Ish 12:2-3
    2 aayado
    72%

    2Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.

    3Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada.

  • 14Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • Ish 63:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan.

    2Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada?

  • 2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.

  • Saf 3:17-18
    2 aayado
    71%

    17Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.

    18Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 5Xaqnimadaydii way soo dhowdahay, badbaadintaydiina way soo baxday, oo gacmahayguna dadyowgay u garsoori doonaan, gasiiraduhuna anigay i sugi doonaan, oo gacantayday isku hallayn doonaan.

  • Ish 52:9-10
    2 aayado
    71%

    9Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.

    10Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.

  • 10Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.

  • 10¶ Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya,

  • 11codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 23Bushimahaygu aad bay ugu farxi doonaan, markaan ammaan kuugu gabyo, Oo xataa naftaydii aad soo furatayna way rayrayn doonta.

  • 10Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.

  • 9Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.

  • 11Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku farxa oo reyreeya, Oo inta qalbigoodu qumman yahayow, kulligiin farxad la dhawaaqa.

  • 10Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

  • 10Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.

  • 1¶ Sare joogso, oo dhalaal, waayo, iftiinkaagii waa yimid, oo ammaantii Rabbiguna way soo baxday oo ku iftiimisay.

  • 19Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.

  • 11Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.

  • 3Adigu quruunta waad badisay, oo farxaddoodiina waad sii kordhisay, oo waxay hortaada ugu farxaan sida farxadda wakhtiga beeraha la goosto, iyo sida niman booli qaybsanayaa ay u reyreeyaan oo kale.