Ishacyaah 24:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Codkooday kor u qaadi doonaan, wayna dhawaaqi doonaan, oo haybadda Rabbiga ayay badda aad ugaga qaylin doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 12:1-6 : 1 ¶ Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay. 2 Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda. 3 Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada. 4 Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay. 5 Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya. 6 Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.
  • Ish 25:1 : 1 ¶ Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahay. Waan ku sarraysiin doonaa, oo magacaagana waan ammaani doonaa, waayo, waxaad samaysay waxyaalo yaab badan oo ah talooyin aad waa hore aaminnimo iyo run ku talaggashay.
  • Ish 26:1 : 1 ¶ Oo maalintaas dalka Yahuudah waxaa lagaga gabyi doonaa gabaygan, Annagu magaalo xoog badan baannu leennahay, oo Rabbigu wuxuu derbiyo iyo qalcado nooga dhigi doonaa badbaado.
  • Ish 27:2 : 2 ¶ Oo wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.
  • Ish 35:2 : 2 Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.
  • Ish 35:10 : 10 Oo kuwii Rabbigu soo madaxfurtayna way soo noqon doonaan, oo iyagoo gabyaya oo weligoodba aad u faraxsan ayay Siyoon iman doonaan, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo caloolxumo iyo taahiduna way iska dhammaan doonaan.
  • Ish 40:9 : 9 ¶ Kaaga warka wanaagsan Siyoon u keenayow, buurta dheer kor u sii fuul, kaaga warka wanaagsan Yeruusaalem keenayow, codkaaga kor xoog ugu qaad, kor u sii qaad, oo innaba ha cabsan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaa, War bal Ilaahiinna eega!
  • Ish 42:10-12 : 10 ¶ Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada. 11 Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen. 12 Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.
  • Ish 44:23 : 23 Samooyinkow, heesa, waayo, Rabbigaa sameeyey. Dhulka meelaha ugu hooseeyow, qayliya. Buuraha, iyo duudda, iyo geed kasta oo ku dhex yaallow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu soo furtay oo wuxuu isku dhex weynayn doonaa reer binu Israa'iil.
  • Ish 51:11 : 11 Oo kuwa Rabbigu soo furtay way soo noqon doonaan, iyagoo gabyaya ayay Siyoon iman doonaan, oo madaxoodana farxad weligood ah ayaa saarnaan doonta, oo waxay heli doonaan farxad iyo rayrayn, oo tiiraanyo iyo taahna way carari doonaan.
  • Ish 52:7-9 : 7 ¶ Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta. 8 Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo. 9 Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.
  • Ish 54:1 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.
  • Yer 30:19 : 19 Oo waxaa iyaga ka soo dhex bixi doona mahadnaqid iyo kuwa reyreeya codkood, oo iyaga waan tarmin doonaa, oo mana ay dhinmi doonaan, oo weliba waan sharfi doonaa, oo ma ay yaraan doonaan.
  • Yer 31:12 : 12 Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.
  • Yer 33:11 : 11 codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Saf 3:14-20 : 14 ¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree. 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid. 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin. 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa. 18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd. 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 2:10 : 10 Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Haddaba sidaas daraaddeed xagga bari Rabbiga ka ammaana, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisana waxaad ka ammaantaan gasiiradaha badda.

  • Ish 42:10-12
    3 aayado
    79%

    10¶ Kuwiinna badda ku sii dhaadhacayow, iyo waxa dhexdeeda ku jira oo dhammow, gasiiradaha iyo kuwa degganow, Rabbiga hees cusub ugu heesa, oo ammaantiisana dhulka darafkiisa ka qaada.

    11Cidlada iyo magaalooyinkeeda iyo tuulooyinka ay reer Qedaar deggan yihiinba, codkooda kor ha u qaadeen, kuwa Selac degganu ha heeseen, oo buuraha dushooda ha ka qayliyeen.

    12Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.

  • Sab 98:6-8
    3 aayado
    78%

    6Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya Turumbooyin iyo buunan.

    7Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen, Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,

    8Webiyadu ha sacbiyeen, Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,

  • 77%

    31Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.

    32Badda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,

  • 11Haddaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo badda iyo waxa ka buuxaaba, ha guuxeen,

  • Sab 138:4-5
    2 aayado
    74%

    4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

    5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.

  • 74%

    23Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan,

    24Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira.

    25Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.

    26Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed.

  • 19Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • Sab 93:3-4
    2 aayado
    73%

    3Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.

    4Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.

  • 4Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.

  • 12¶ Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!

  • Yex 27:29-30
    2 aayado
    73%

    29Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.

    30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.

  • 24Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

  • Yex 26:16-18
    3 aayado
    72%

    16Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan.

    17Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!

    18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.

  • 4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

  • 26¶ Oo isna meel fog ayuu calan uga taagi doonaa quruumaha, oo wuxuu iyaga uga foodhyi doonaa dhulka dhammaadkiisa, oo bal eega, dhaqsay u iman doonaan.

  • 35Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.

  • 24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

  • 34Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.

  • Sab 29:3-4
    2 aayado
    71%

    3Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.

    4Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.

  • 7Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda.

  • 30Sidaas daraaddeed erayadan oo dhan iyaga kaga sii hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu xagga saruu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga soo hadli doonaa hoygiisa quduuska ah, oo wuxuu si weyn ugu qaylin doonaa xeradiisa, oo dadka dhulka deggan oo dhanna wuxuu ugu qaylin doonaa sida kuwa canabka ku tunta.

  • 3Kuwiinna dunida deggan oo dhammow, kuwiinna dhulka joogow, markii buuraha korkooda calan laga taago fiiriya, oo markii buunka la yeedhiyana maqla.

  • 28Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda.

  • 7iyadoo cod weyn ku leh, Ilaah ka cabsada, oo isaga ammaana, waayo, saacaddii xukunkiisu way timid. Oo caabuda kii sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo ilaha biyaha ah.

  • 16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,

  • 7Dunida oo dhammu way nasan tahay oo way xasilloon tahay, farxad baana lala gabyayaa.

  • 14Waayo, sida biyuhu badda u daboolaan oo kale ayaa dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta sharafta Rabbiga.

  • 13Waayo, sidaasay ahaan doontaa dalka iyo dadyowga dhexdoodaba, oo waxay noqon doontaa sida ruxruxidda geedka saytuunka ah iyo sida xaaxaabka canabka marka midhaha laga gurto dabadeed.

  • 42Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.

  • 16Oo canaantii Rabbiga aawadeed, iyo dulalka sankiisa neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii baddu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.

  • 14addoommadaydu farxadda qalbigooda ayay la gabyi doonaan, idinkuse murugta qalbigiinna ayaad la ooyi doontaan, oo dhibta ruuxiinna ayaad la barooran doontaan.

  • 5Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.

  • 32Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?

  • 25Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.