1 Taariikhdii 16:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 29:1-2 : 1 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog. 2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
  • Sab 66:1-2 : 1 Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya, 2 Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
  • Sab 67:4 : 4 Quruumuhu ha farxeen oo ha gabyeen farxad aawadeed, Waayo, dadyowga waxaad ku xukumi doontaa caddaalad, Oo quruumahana dhulkaad ugu talin doontaa. (Selaah)
  • Sab 67:7 : 7 Ilaah waa ina barakayn doonaa, Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.
  • Sab 68:34 : 34 Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.
  • Sab 86:8-9 : 8 Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan. 9 Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga. 10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
  • Sab 98:4 : 4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya, Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
  • Sab 100:1-2 : 1 Inta dhulka deggan oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya. 2 Rabbiga farxad ugu adeega, Oo hortiisa gabay la kaalaya.
  • Sab 115:1-2 : 1 Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood. 2 Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?
  • Ish 11:10 : 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
  • 1 Kor 15:10 : 10 Laakiin Ilaah nimcadiisa ayaan ku ahay waxaan ahayba, oo nimcadiisii lay siiyeyna wax aan waxtar lahayn ma ay noqon, laakiin anigu waxaan u hawshooday si ka badan dhammaantood, anigase ma aha laakiin waa nimcada Ilaah ee ila jirtay.
  • 2 Kor 12:9-9 : 9 Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego. 10 Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.
  • Ef 1:6 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.
  • Ef 1:17-19 : 17 in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin. 18 Oo waxaan Ilaah baryayaa in indhaha qalbigiinna la nuuriyo, si aad u ogaataan waxa ay tahay rajada yeedhistiisu, iyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta dhaxalkiisa ee ku jirta quduusiinta, 19 iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa
  • Fil 4:13 : 13 Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.
  • 1 Taar 29:10-14 : 10 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed ayaa Daa'uud Rabbiga ku ammaanay shirkii oo dhan hortiisa, oo yidhi, Rabbiyow, awowgayo Israa'iil Ilaahiisiiyow, weligaa iyo weligaaba ammaanu ha kuu ahaato. 11 Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya. 12 Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta. 13 Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa. 14 Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 96:6-9
    4 aayado
    94%

    6Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo quruxuna meeshiisa quduuska ah ayay ku jiraan.

    7Dadka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

    8Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan keena, oo barxadihiisa soo gala.

    9Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada, Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira.

  • Sab 29:1-2
    2 aayado
    88%

    1Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.

    2Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.

  • 82%

    29Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya, Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,

    30Dadka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

  • 27Sharaf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.

  • 2Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

  • 74%

    8Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

    9Isaga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

    10Ku faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

  • 1Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.

  • 73%

    24Ammaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

    25Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • Sab 96:3-4
    2 aayado
    73%

    3Ammaantiisa quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulkiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

    4Waayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano. Isaga waa in laga cabsadaa in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

  • Sab 150:1-2
    2 aayado
    72%

    1Rabbiga ammaana. Ilaah ku dhex ammaana meeshiisa quduuska ah, Ku dhex ammaana samada xooggiisa.

    2Falimihiisa waaweyn aawadood u ammaana, U ammaana si waafaqsan weynaantiisa sare.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 71%

    11Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.

    12Oo maal iyo sharafuba xaggaagay ka yimaadaan, oo wax kasta adigaa u taliya, oo gacantaadana waxaa ku jira xoog iyo itaal, oo gacantaada weeye midda wax weynayn karta oo qof kastaba xoog siin karta.

    13Haddaba sidaas daraaddeed, Ilaahayagiiyow, waannu kugu mahadnaqaynaa, oo magacaaga haybadda badanna waannu ammaanaynaa.

    14Laakiinse bal anigu yaan ahay, dadkayguse waa ayo, inaan annagu awoodno inaan sidan wax u bixinno annagoo raalli ka ah? Waayo, wax kastaaba xaggaagay ka yimaadeen, oo annana waxaagii baan wax ka siinnay.

  • 11Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya, Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.

  • 28Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.

  • 9Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

  • 12Rabbiga ha sharfeen, oo ammaantiisana gasiiradaha ha ka naadiyeen.

  • 16Samooyinku waa samooyinkii Rabbiga, Laakiinse dhulka wuxuu siiyey binu-aadmiga.

  • 3Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga. Idinku weyneeya Ilaaheenna.

  • Sab 22:27-28
    2 aayado
    70%

    27Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.

    28Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.

  • 34Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.

  • 4Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.

  • 4Irdihiisa mahadnaqid la gala, Barxadihiisana ammaan. Isaga u mahadnaqa, oo magiciisa ammaana.

  • 1Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga gabay cusub ugu gabya, Oo ammaantiisana shirka quduusiinta kaga dhex gabya.

  • 1Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,

  • 1Rabbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 1Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana.

  • 22Markii dadyowgu isu soo wada ururaan, Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.

  • 28Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

  • 16Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.

  • 5Haah, way ka gabyi doonaan jidadka Rabbiga, Waayo, ammaanta Rabbigu waa weyn tahay.

  • 13Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.

  • 16Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah.

  • 16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.

  • 4Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.