1 Taariikhdii 17:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isla habeenkaas eraygii Ilaah baa u yimid Naataan oo ku yidhi,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 12:6 : 6 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaba bal hadalladayda maqla. Haddii nebi idinku dhex jiro, anigoo Rabbiga ah ayaa muujin isku tusi doona, oo riyo baan kula hadli doonaa.
  • 2 Boq 20:1-5 : 1 ¶ Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u yimid oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid. 2 Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi, 3 Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay. 4 Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi, 5 Dib u noqo, oo Xisqiyaah oo ah amiirka dadkayga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba waan ku bogsiinayaa, oo maalinta saddexaad waxaad u bixi doontaa guriga Rabbiga.
  • Ish 30:21 : 21 Oo markaad midigta u leexataan iyo markaad bidixda u leexataanba waxaad xagga dambe ka maqli doontaan eray leh, Jidkii waa kan ee ku socda.
  • Aam 3:7 : 7 Sida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 7:1-5
    5 aayado
    94%

    1¶ Oo waxay noqotay markii boqorkii gurigiisii degay oo uu Rabbigu nasasho ka siiyey cadaawayaashiisii ku wareegsanaa oo dhan,

    2in boqorkii Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg haatan, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii Ilaah wuxuu dhex yaal daahyo.

    3Markaasaa Naataan wuxuu boqorkii ku yidhi, Tag, oo wax alla wixii qalbigaaga ku jira samee, waayo, Rabbiga ayaa kula jira.

    4Oo isla habeenkaas Rabbiga eraygiisii baa Naataan u yimid oo ku yidhi,

    5Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, War guri aan dego ma ii dhisaysaa?

  • 84%

    15Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.

    16¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Rabbow Ilaahow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?

  • 84%

    16Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

    17Haddaba siday erayadaas oo dhan iyo tusniintaas oo dhammu ahaayeen ayaa Naataan kula hadlay Daa'uud.

    18¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay?

  • 83%

    1¶ Oo waxay noqotay markii Daa'uud gurigiisii degay, in Daa'uud Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii axdiga Rabbigu wuxuu yaal daahyo hoostood.

    2Markaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii qalbigaaga ku jira oo dhan samee, waayo, Ilaah baa kula jira.

  • 79%

    21Haddii kalese, boqorow, sayidkaygiiyow, markaad dhimatid oo aad awowayaashaa la seexatid, aniga iyo wiilkayga Sulaymaanba waxaa lagu tirin doonaa kuwa dembaabay.

    22Oo bal eeg, intii ay weli boqorkii la hadlaysay ayaa Nebi Naataan soo galay.

    23Oo waxaa boqorkii loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Waa kan Nebi Naataan. Oo isna markuu soo galay, oo uu boqorkii hor yimid, ayuu ku sujuuday boqorka hortiisa, oo wejigiisuu dhulka saaray.

    24Markaasaa Naataan wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, ma waxaad tidhi, Aniga dabaday waxaa boqor ahaan doona Adoniiyaah, carshigayguuna ku fadhiisan doonaa?

  • 1¶ Dabadeedna Rabbigu wuxuu Daa'uud u soo diray Naataan. Isna waa u yimid oo ku yidhi, Waxaa jiray laba nin oo isku magaalo degganaa; midkood wuxuu ahaa taajir, midka kalena miskiin.

  • 4Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxba guri aan dego ha ii dhisin,

  • 7¶ Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,

  • 13Markaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid.

  • 75%

    11Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,

    12Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo.

  • 15Markaasaa Naataan gurigiisii tegey. Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.

  • 5Markaasaa Daa'uud aad ugu cadhooday ninkii; oo wuxuu Naataan ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartay, ninkii waxakan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho,

  • 74%

    9Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi,

    10Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo.

  • 11Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

  • 73%

    11Markaasaa Naataan la hadlay Batshebac oo Sulaymaan hooyadiis ahayd, oo ku yidhi, Naa miyaadan maqlin inuu boqor noqday Adoniiyaah kii ay Haggiid dhashay, oo sayidkeenna Daa'uudna uusan taas ogayn?

    12Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.

  • 32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.

  • 71%

    17Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    18Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

  • 19Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,

  • 7¶ Oo habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 2 Taar 6:7-8
    2 aayado
    70%

    7Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    8Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, eraygaagii aad addoonkaagii Daa'uud kula hadashay ha rumoobo.

  • 10¶ Markaasaa Samuu'eel waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh,

  • 23Haddaba Rabbow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah, oo ku saabsanaa reerkayga, weligaa adkee oo sidaad ku hadashay yeel.

  • 11Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.

  • 18Markaasaa malaggii Rabbigu Gaad ku amray inuu Daa'uud ku yidhaahdo, Tag oo Rabbiga meel allabari ugu dhis meeshii wax lagu tumi jiray ee Aarnaankii reer Yebuus leeyahay.

  • 25oo wuxuu u diray Nebi Naataan, magiciisiina wuxuu u bixiyey Yediidyaah, Rabbiga aawadiis.

  • 3Markaasaa shirkii oo dhammu axdi boqorkii kula dhigtay guriga Ilaah, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Bal eega, boqorka wiilkiisu isagaa boqor noqon doonee, sidii Rabbigu uu kaga hadlay farcanka Daa'uud.

  • 7Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah.

  • 12Oo Rabbiga wuxuu Sulaymaan u muuqday goor habeennimo ah, oo ku yidhi, Baryadaadii waan maqlay oo meeshanna waan u doortay inay guri lagu allabaryo ii ahaato.

  • 28¶ Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu ugu jawaabay, Iigu yeedha Batshebac. Oo iyana way timid, wayna soo gashay meeshii boqorku joogay, oo soo hor istaagtay boqorkii.

  • 25Haddaba, Rabbow Ilaahow, eraygii aad ku hadashay oo igu saabsanaa anoo addoonkaaga ah oo ku saabsanaa reerkayga weligaa adkee oo sidaad ugu hadashay yeel.

  • 25Waayo, Ilaahayow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan hortaada kugu baryo.

  • 10taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.