1 Taariikhdii 19:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 20:13 : 13 ¶ Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.
  • 1 Boq 20:19-21 : 19 Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday. 20 Oo kulligood mid waluba ninkiisii ayuu dilay; markaasaa ciidanka Suuriya cararay, oo ciidankii Israa'iilna way eryadeen; oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya faras buu fuulay oo rag fardooley ah la baxsaday. 21 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil baxay oo baabbi'iyey fardihii iyo gaadhifardoodkii, oo ciidankii Suuriyana aad buu u laayay.
  • 1 Boq 20:28-30 : 28 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil waxaa u yimid oo la hadlay nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Reer Suuriya waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa Ilaahii buuraha, laakiinse ma aha Ilaahii dooxooyinka, oo sidaas daraaddeed dadkan faraha badan oo dhan adigaan kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga. 29 Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah. 30 Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.
  • 2 Taar 13:5-9 : 5 War, miyeydnaan ogayn in Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu Daa'uud weligiis siiyey boqortooyada reer binu Israa'iil u talisa oo wuxuu isaga iyo wiilashiisana ku siiyey axdi cusbo leh? 6 Laakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii. 7 Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin. 8 Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan. 9 Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn. 10 Laakiinse Rabbigu waa Ilaahayaga, oo kama aannu tegin, oo waxaannu haysannaa wadaaddo Rabbiga u adeega, kuwaasoo ah ilma Haaruun, iyo kuwii reer Laawi oo shuqulkoodii ku jira. 11 Oo iyagu subax kasta iyo fiid kasta waxay Rabbiga u gubaan qurbaan la gubo iyo foox udgoon, oo kibistii tusniintana waxay ku hagaajiyaan miiska daahirka ah korkiisa, oo laambadda dahabka ah iyo laambadaheedii waxay shidaan fiid kasta, waayo, annagu waan xajinnaa amarkii Rabbiga Ilaahaya ah, laakiinse idinku waad ka tagteen. 12 Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan. 13 Laakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda. 14 Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii. 15 Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda. 16 Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.
  • Yer 46:15-16 : 15 Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday. 16 Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 95%

    12Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.

    13Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

    14Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.

    15Oo reer Suuriyana markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay dhammaantood isa soo wada urursadeen.

  • 87%

    15Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.

    16Oo reer Suuriya markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay wargeeyayaal u direen oo soo kaxeeyeen reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey, iyagoo uu madax u yahay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser.

    17Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen.

    18Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil hortooda. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka.

    19Oo markii Hadarceser addoommadiisii arkeen in reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen Daa'uud, wayna u adeegeen, oo reer Suuriyana way diideen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

  • 13Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.

  • 79%

    8Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

    9Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen magaalada iriddeeda, oo boqorradii yimidna duurkay keli ahaantood joogeen.

    10Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.

    11Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan.

  • 2 Sam 10:8-9
    2 aayado
    78%

    8Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen.

    9Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.

  • 75%

    17Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu ka soo gudbay Webi Urdun ayuu Xeelaam yimid. Markaasaa reer Suuriya isugu soo diyaariyeen inay Daa'uud la dagaallamaan, wayna la dirireen.

    18Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba boqol oo gaadhifaras raggoodii iyo afartan kun oo fardooley ah, oo wuxuu dilay Shoobag oo ahaa sirkaalkii ciidankooda, halkaasuuna ku dhintay.

    19Oo markii boqorradii Hadarceser addoommada u ahaa oo dhammu ay arkeen in iyaga reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen reer binu Israa'iil, wayna u adeegeen. Oo saas aawadeed reer Suuriya way ka cabsadeen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

  • 24Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash.

  • 7Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.

  • 74%

    21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

    22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • Yash 8:5-6
    2 aayado
    74%

    5oo aniga iyo dadka ila jira oo dhammuba waxaannu u dhowaan doonnaa magaalada, oo markay dibadda noogu soo baxaan sida kolkii ugu horraysay, waannu ka carari doonnaa hortooda.

    6Markaasay na soo eryan doonaan ilaa aannu iyaga magaalada ka fogayno; waayo, waxay is-odhan doonaan, Sidii markii ugu horraysay bay naga cararayaan, oo sidaasaannu uga hor carari doonnaa iyaga.

  • 74%

    14Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.

    15Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

    16Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.

  • 74%

    19Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday.

    20Oo kulligood mid waluba ninkiisii ayuu dilay; markaasaa ciidanka Suuriya cararay, oo ciidankii Israa'iilna way eryadeen; oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya faras buu fuulay oo rag fardooley ah la baxsaday.

    21Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil baxay oo baabbi'iyey fardihii iyo gaadhifardoodkii, oo ciidankii Suuriyana aad buu u laayay.

  • 15Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay iska dhigeen sidii iyagoo laga adkaaday, oo waxay ku carareen xaggii jidka cidlada.

  • 27Oo ciidankii Israa'iilna waa la tiriyey, oo saadkoodiina waa la siiyey, markaasay iyagii ka hor tageen; oo ciidankii Israa'iilna hortooday degeen iyagoo la moodo sidii laba xaymood oo yaryar oo waxarro ah, laakiinse ciidankii Suuriya dalkoo dhan bay buuxiyeen.

  • 12Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • 73%

    30Haddaba boqorkii dalka Suuriya wuxuu amray saraakiishii u taliyey gaadhifardoodkiisa, oo ku yidhi, Mid weyn iyo mid yar toona ha la diririna boqorka dalka Israa'iil oo keliya mooyaane.

    31Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay.

    32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.

  • 4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid.

  • 72%

    29Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah.

    30Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.

  • 14Daa'uudna wuxuu addoommadiisii Yeruusaalem la joogay oo dhan ku yidhi, War ina kiciya aynu cararnee; haddii kalese midkeenna Absaaloom ka baxsan maayo; haddaba dhaqsada oo baxa, waaba intaasoo uu haddiiba ina soo qabtaaye, oo belaayo inagu ridaaye, oo uu magaaladana seef ku laayaaye!

  • 72%

    12Oo sidaas daraaddeed Aasaa iyo dadkii Yahuudah hortooda ayaa Rabbigu ku jebiyey kuwii reer Itoobiya, kuwii reer Itoobiyana way carareen.

    13Markaasaa Aasaa iyo dadkii la socday u eryadeen xagga Geraar, oo waxaa kuwii reer Itoobiya ka dhintay dad faro badan oo iyaga ayan ka soo kaban karin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku hor baabbe'een Rabbiga iyo ciidankiisaba, oo weliba waxay kala tageen maal booli ah oo aad u badan.

  • 28Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.

  • 22Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • 15Oo habeennimo ayuu raggiisii u kala qaybiyey, isaga iyo addoommadiisiiba, oo waxay laayeen colkii, oo ay raacdaysteen ilaa Xoobah, oo Dimishaq xagga bidixda ka ah.

  • 5Oo markaasay fiidkii kaceen inay tagaan xeradii ciidanka Suuriya, oo markay yimaadeen dibadda sare oo xeradii ciidankii Suuriya waxay arkeen inaan ciduna halkaas joogin.

  • 16Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.

  • 32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.