2 Taariikhdii 13:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dadkii Yahuudah markay gadaashooda eegeen waxay arkeen in hore iyo gadaalba laga soo weeraray, markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo wadaaddadiina waxay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 14:11 : 11 Markaasaa Aasaa u qayshaday Rabbiga Ilaahiisa ah oo yidhi, Rabbiyow, adiga mooyaane ma jiro mid u kala hiilin kara kan itaalka badan iyo kan aan xoogga lahayn. Rabbiyow Ilaahayagow, na caawi, waayo, waannu isku kaa hallaynaynaa, oo magacaaga ayaannu dadkan badan ugu soo baxnay. Rabbiyow, waxaad tahay Ilaahayaga, haddaba ninna yuusan kaa adkaan.
  • 2 Taar 18:31 : 31 Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay.
  • Sab 50:15 : 15 Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
  • Sab 91:5 : 5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada, Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
  • Bax 14:10 : 10 Oo markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.
  • Yash 8:20 : 20 Oo dadkii reer Aacii markay dib u eegeen ayay waxay arkeen qiiqii magaalada oo samada kor ugu baxaya, oo mana ay lahayn xoog ay ugu cararaan xaggan ama xaggaa; oo dadkii u cararay xagga cidlada waxay dib ugu soo jeesteen raacdadii daba joogtay.
  • Xaak 20:33-43 : 33 Markaasay raggii reer binu Israa'iil oo dhammu ka kaceen meeshoodii, oo waxay dagaal isugu diyaariyeen Bacal Taamaar; oo raggii gaadmada ahaa oo reer binu Israa'iilna waxay ka soo yaaceen meeshoodii, taasoo ahayd duurka Gibecaah. 34 Oo waxaa Gibecaah hor yimid toban kun oo nin oo laga soo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, oo dagaalkiina aad iyo aad buu u sii kululaaday; laakiinse ma ay ogayn in belaayo ku soo dhow dahay. 35 Markaasuu Rabbigu reer Benyaamiin ku laayay reer binu Israa'iil hortooda; oo maalintaas reer binu Israa'iil waxay reer Benyaamiin ka baabbi'iyeen shan iyo labaatan kun iyo boqol nin oo wada seefqaad ah. 36 ¶ Sidaas daraaddeed reer Benyaamiin waxay arkeen in la jebiyey, waayo, reer binu Israa'iil waxay meel u banneeyeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, waxay isku halleeyeen raggii qarsoonaa ee ay Gibecaah gaadmada u geliyeen. 37 Markaasay raggii gaadmada ahaa soo dhaqsadeen oo haddiiba ku soo yaaceen Gibecaah, oo kuwii gaadmada ahaana intay soo baxeen ayay magaaladii oo dhan ku laayeen seef. 38 Haddaba reer binu Israa'iil iyo raggii gaadmada ahaa waxaa calaamad u ahaa inay qiiq weyn ka kiciyaan magaalada. 39 Markaasay raggii reer binu Israa'iil dagaalkii ka jeesteen, oo reer Benyaamiinna waxay bilaabeen inay laayaan oo dilaan, oo waxay raggii reer binu Israa'iil ka dileen in ku dhow soddon qof; waayo, waxay isyidhaahdeen, Hubaal sidii dagaalkii horay ku le'deen hortayada. 40 Laakiinse markii daruurtii ka kacday magaaladii iyadoo tiir qiiq ah ayaa reer Benyaamiin dib u fiiriyeen, oo waxay arkeen magaaladii oo dhammaanteed qiiq samada uga baxay. 41 Markaasay raggii reer binu Israa'iil soo jeesteen, oo raggii reer Benyaamiinna way yaabeen; waayo, waxay arkeen in belaayo ku dhacday iyaga. 42 Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay. 43 Oo intay hareereeyeen ayay reer Benyaamiin sii eryadeen, oo waxay ku gaadheen meeshii ay ku nasteen taasoo ka horraysa oo xagga qorrax ka soo baxa ka xigta Gibecaah.
  • 2 Sam 10:8-9 : 8 Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen. 9 Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan. 11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa. 12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan. 13 Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen. 14 Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen, ayay Abiishay iyana hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab ka soo noqday reer Cammoon, oo Yeruusaalem yimid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    12Oo bal eega waxaa nala jira Ilaah isagoo madax noo ah, iyo wadaaddadiisii oo wata turumbooyinkii lagu dhawaajiya, oo waxay idinku afuufi doonaan dhawaaq, haddaba dadka Israa'iilow, ha la diririna Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin, waayo, liibaani maysaan.

    13Laakiinse Yaaraabcaam wuxuu iyaga gadaal ka dhigay ciidan gaadmo ah, haddaba iyagu waxay hor joogeen dadkii Yahuudah oo ciidankii gaadmada ahaana wuxuu joogay gadaashooda.

  • 84%

    15Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

    16Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.

  • 18Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 13Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen.

  • 74%

    31Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isku yidhaahdeen, Kanu waa boqorkii dalka Israa'iil. Markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed, laakiinse Yehooshaafaad wuu qayliyey, oo Rabbiguna wuu caawiyey, oo Ilaah baa iyagii ka ceshay.

    32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.

  • Yash 6:8-9
    2 aayado
    74%

    8Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday.

    9Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen.

  • 14Oo waxay Rabbiga ugu dhaarteen cod weyn iyo qaylo iyo turumbooyin iyo buunan.

  • 12Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • 22Oo markay bilaabeen inay gabyaan oo Ilaah ammaanaan ayaa Rabbigu rag gaadmo ah ku soo kiciyey reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo ku soo kacay dadkii Yahuudah, oo iyagii waa la laayay.

  • 18Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.

  • 9Oo markaad waddankiinna dhexdiisa dagaal ugu baxaysaan cadowgiinna idin cadaadiya waa inaad digtoonaan kaga dhawaajisaan turumbooyinka, oo markaasuu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin xusuusan doonaa, oo cadaawayaashiinna ayaa laydinka badbaadin doonaa.

  • 72%

    32Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay Yehooshaafaad arkeen ayay isyidhaahdeen, Hubaal kanu waa boqorkii dalka Israa'iil, markaasay ku leexdeen inay la diriraan aawadeed; kolkaasaa Yehooshaafaad qayliyey.

    33Oo markii saraakiishii gaadhifardoodku ay arkeen inuusan ahayn boqorkii dalka Israa'iil ayay dib uga noqdeen.

  • 72%

    15Markaasuu yidhi, Kulligiin dadka Yahuudah, iyo kuwiinna Yeruusaalem deggan, iyo adiga Boqor Yehooshaafaad ahowba, wada maqla. Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Dadkan faraha badan daraaddiis ha u cabsanina, hana u qalbi jabina, waayo, dagaalka ma lihidin, laakiinse Ilaah baa iska leh.

    16Haddaba idinku berrito u dhaadhaca iyaga, oo bal eeg, waxay soo korayaan jiirta Siis, oo waxaad ka heli doontaan meesha dooxadu ku dhammaato oo ka horraysa cidlada Yeruu'eel.

    17Idinku uma baahnaan doontaan inaad dagaalkan gashaan, haddaba dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalemow, joogsada, oo iska taagnaada, oo eega badbaadada Rabbigu idin badbaadinayo; berrito iyaga u baxa, oo ha cabsanina, hana qalbi jabina, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idinla jira.

  • 72%

    27Markaasaa dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem oo dhammu iyagoo Yehooshaafaad u horreeyo waxay ku noqdeen Yeruusaalem iyagoo faraxsan, waayo, Rabbigu wuxuu kaga farxiyey libtii ay cadaawayaashoodii ka heleen.

    28Oo Yeruusaalem iyo gurigii Rabbiga ayay soo galeen iyagoo ka dhawaajinaya shareerado, iyo kataarado, iyo turumbooyin.

  • 14Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

  • 16Markaasaa Yoo'aab buunkii afuufay, oo dadkiina waxay ka soo noqdeen eryadkii ay reer binu Israa'iil eryanayeen, waayo, Yoo'aab baa u diiday.

  • 20Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen.

  • 20Meel alla meeshii aad ka maqashaan dhawaaqa buunka, halkaas noogu soo urura; waxaa inoo diriri doona Ilaaheenna.

  • 22Oo iyana waxay afuufeen saddexdii boqol oo buun, markaasaa Rabbigu wuxuu nin walba ku kiciyey saaxiibkiis iyo ciidankii oo dhan; oo ciidankiina wuxuu sii cararayay ilaa Beytshitah oo ah xagga Sereeraad, iyo tan iyo xuduudka Aabeel Mehoolaah oo u dhow Tabbaad.

  • 24Oo dadkii Yahuudah markay yimaadeen meeshii dheerayd ee cidlada ee wax laga dhawro ayay fiiriyeen dadkii faraha badnaa, oo waxay arkeen inay yihiin meydad dhulka ku dhacay, oo midna ma baxsan.

  • 13Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.

  • 4Markaasay dadkii Yahuudah oo dhammu iswada urursadeen inay Rabbiga caawimaad ka weyddiistaan, oo xataa magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan way uga soo baxeen inay Rabbiga doondoonaan.

  • 4Markaasaa Abiiyaah wuxuu kor fuulay Buur Semaarayim oo ku taal dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo wuxuu yidhi, Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil dhammaantiin i maqla.

  • 42Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.

  • 22Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

  • 14¶ Oo Rabbigiina waa lagu arki doonaa korkooda, oo fallaadhihiisuna waa u soo bixi doonaan sida hillaac. Oo Sayidka Rabbiga ahu buunkuu afuufi doonaa, oo wuxuu raaci doonaa dabaylo cirwareen ah ee koonfureed.

  • 13Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

  • 9Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.

  • 18Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.

  • 14Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.

  • 27Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.

  • 20Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.

  • 2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.

  • 28Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.

  • 5Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay.