Yashuuca 6:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidii bay noqotay. Markii Yashuuca la hadlay dadkii waxaa socday oo Rabbiga hortiisa maray toddobadii wadaad oo sidda toddobadii buun oo wanan geesahood ah; oo waxay afuufeen buunankii; oo sanduuqii axdiga Rabbiguna waa lala daba socday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:20 : 20 Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka,
  • Yash 6:3-4 : 3 Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood. 4 Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 6:2-7
    6 aayado
    91%

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Bal eeg, adigaan gacanta kuu geliyey Yerixoo, iyo boqorkeeda, iyo ragga xoogga leh.

    3Oo waa inaad magaalada hareeraysaan, oo raggiinna dagaalyahannada ah oo dhammu magaalada mar ku soo wareega. Oo sidaas waxaad yeeshaan lix maalmood.

    4Oo toddoba wadaad waa inay sanduuqa hortiisa socdaan iyagoo wata toddoba buun oo wanan geesahood ah, oo maalinta toddobaad waa inaad magaalada ku soo wareegtaan toddoba jeer, oo wadaaddaduna waa inay buunanka afuufaan.

    5Oo markay aad u afuufaan buunanka wananka geesahooda ah, oo idinku aad maqashaan dhawaaqa buunka, dadka oo dhammu qaylo dheer waa inay ku qayliyaan, oo markaasaa derbiga magaaladu meeshiisa ku dhici doonaa, dadkuna waa inuu nin waluba hortiisa qummaati ugu socdaa.

    6Markaasaa Yashuuca ina Nuun wadaaddadii u yeedhay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga kor u qaada, oo sanduuqa Rabbiga toddoba wadaad ha la hor socdeen toddoba buun oo wanan geesahood ah.

    7Oo waxay dadkii ku yidhaahdeen, Socda oo magaalada hareereeya, oo ragga hubka sitaana ha ka hor mareen sanduuqa Rabbiga.

  • Yash 6:9-16
    8 aayado
    91%

    9Oo raggii hubka sitayna waxay hor socdeen wadaaddadii buunanka afuufayay, oo ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqa, oo wadaaddaduna buunankay afuufayeen intay socdeen.

    10Oo Yashuuca wuxuu dadkii ku amray oo ku yidhi, Waa inaydnaan qaylin, codkiinnana waa inaan la maqlin, afkiinnana eray qudh ah yaanu ka soo bixin, ilaa maalintii aan idinku amro inaad qaylisaan; oo markaas waa inaad qaylisaan.

    11Oo sidaasuu sanduuqii Rabbiga ugu soo wareejiyey magaaladii, oo mar bay ku soo wareegeen hareeraheeda; oo markaasay ku noqdeen xeradii, waxayna u hoydeen xeradii.

    12¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wadaaddadiina waxay kor u qaadeen sanduuqii Rabbiga.

    13Toddobadii wadaad oo sidday toddobadii buun oo wanan geesahood ahna, waxay had iyo goorba hor socdeen sanduuqii Rabbiga, oo waxay afuufeen buunankii; oo raggii hubka sitayna iyagay ka horreeyeen; ururkii intiisii kalena waxay daba socdeen sanduuqii Rabbiga, wadaaddaduna waxay afuufayeen buunankii intay socdeen.

    14Oo maalintii labaadna mar bay ku soo wareegeen magaaladii, oo waxay ku noqdeen xeradii; oo sidaasay intii lix maalmood ah yeeleen.

    15Oo maalintii toddobaad aroor horay keceen markii waagu beryay, oo sidii oo kale ayay magaaladii toddoba jeer ugu soo wareegeen; laakiin maalintaas ayay magaalada toddoba jeer ku soo wareegeen.

    16Oo markii toddobaad, markii wadaaddadii afuufeen buunankii ayaa Yashuuca dadkii ku yidhi, Qayliya, waayo, Rabbigu waa idin siiyey magaalada.

  • 6Oo Yashuuca wadaaddadii buu la hadlay, oo ku yidhi, Sanduuqa axdiga qaada, oo dadka ka hor gudba. Kolkaasay waxay qaadeen sanduuqii axdiga, oo dadkiina way ka hor mareen.

  • Yash 4:10-11
    2 aayado
    78%

    10Waayo, wadaaddadii siday sanduuqa waxay istaageen Webi Urdun dhexdiisa, ilaa ay dhammaadeen wax waluba wixii Rabbigu ku amray Yashuuca inuu dadka kula hadlo, sidii wixii Muuse ku amray Yashuuca oo dhan, oo dadkiina way degdegeen oo gudbeen.

    11Oo waxaa dhacday markii ay dadkii oo dhammu wada gudbeen inuu sanduuqii Rabbiguna gudbay, isaga iyo wadaaddadiiba, dadkii oo arka.

  • Yash 3:14-15
    2 aayado
    78%

    14Oo markii dadku ka tegey teendhooyinkooda si ay Webi Urdun uga gudbaan aawadeed, iyadoo ay ka horreeyaan wadaaddada sida sanduuqii axdiga,

    15oo markii kuwa sanduuqa sida ay soo gaadheen Webi Urdun, oo wadaaddada sida sanduuqa ay cagahoodu galeen biyaha qarkooda, (waayo, xilliga waxgoosashada oo dhan Webi Urdun qararkiisa oo dhan buu buuxdhaafaa)

  • 20Sidaas daraaddeed dadkii way qayliyeen, oo wadaaddadiina buunankii bay afuufeen, oo markii dadkii maqleen dhawaaqii buunka ayaa dadkii ku qayliyey qaylo dheer, oo markaasaa derbigii meeshiisii ku dhacay, oo sidaasay dadkiina ku galeen magaaladii, oo nin waluba hortiisuu qummaati ugu socday, oo magaaladii bay qaateen.

  • 11Bal eega, Rabbiga dhulka oo dhan sanduuqiisii axdiga ayaa idin hor maraya xagga Webi Urdun dhexdiisa.

  • 1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • Yash 3:8-9
    2 aayado
    74%

    8Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

    9¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 6Oo Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa.

  • Yash 3:2-3
    2 aayado
    73%

    2Oo saddex maalmood dabadeed saraakiishii xeraday dhex mareen,

    3oo waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Markaad aragtaan sanduuqii axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah, iyo wadaaddada reer Laawi oo isaga sida waa inaad meeshiinna ka guurtaan, oo daba gashaan isaga.

  • Yash 4:15-18
    4 aayado
    73%

    15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

    16Wadaaddada sanduuqa maragga sida waxaad ku amartaa inay ka soo baxaan Webi Urdun.

    17Oo sidaas daraaddeed Yashuuca baa amray wadaaddadii, oo ku yidhi, Ka soo baxa Webi Urdun.

    18Oo markii wadaaddadii siday sanduuqa axdigii Rabbiga ay ka soo dhex bexeen Webi Urdun, oo ay cagaha u qaadeen dhul engegan, ayay biyihii Webi Urdun meeshoodii ku soo noqdeen, oo ay qararkiisii oo dhan ka daateen sidii markii hore.

  • 6Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa'iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.

  • 18Markaan buunka afuufo, aniga iyo inta ila jirta oo dhammu, idinkuna buunanka dhinac walba kaga afuufa xerada, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbiga aawadiis iyo Gidcoon aawadiis.

  • 24Oo wadaaddadii ahaa Shebanyaah, iyo Yehooshaafaad, iyo Netaneel, iyo Camaasay, iyo Sekaryaah, iyo Benaayaah, iyo Eliiceserna turumbooyin ayay ku hor afuufayeen sanduuqii Ilaah, oo Cobeed Edoom iyo Yexiyaahna iridjoogayaal ayay sanduuqii u ahaayeen.

  • 13Oo markii kuwii sanduuqa Rabbiga siday ay lix tallaabo socdeen wuxuu allabari u qalay dibi iyo nef kale oo shilis.

  • Yash 1:10-11
    2 aayado
    71%

    10¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,

    11Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

  • 20Markaasay saddexdii guutoba buunankii afuufeen, oo jalxadihiina way burburiyeen, oo qoryihii ololayayna waxay ku wada qabsadeen gacanta bidix, buunankiina gacanta midig inay afuufaan, oo waxay ku wada qayliyeen, Seeftii Rabbiga iyo Gidcoon.

  • 17Oo wadaaddadii siday sanduuqii axdiga Rabbiga waxay istaageen dhul engegan oo Webi Urdun dhexdiisa ah, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku gudbeen dhul engegan, ilaa ay quruuntii oo dhammu ka wada gudubtay Webi Urdun.

  • 5Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.

  • 27Oo markuu yimid dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim ayuu afuufay buun, oo reer binu Israa'iilna isagay kala dhaadhaceen dalkii buuraha lahaa, oo isna wuu hor socday.

  • 5Oo Yashuuca wuxuu ku yidhi iyagii, Ka hor gudba sanduuqa Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waxaad tagtaan Webi Urdun dhexdiisa, oo midkiin waluba dhagax garabka ha ku qaado, inta reer binu Israa'iil qabiilooyinkooda tiradoodu tahay,

  • 28Haddaba reer binu Israa'iil oo dhammu saasay u soo qaadeen sanduuqii axdiga Rabbiga iyagoo dhawaaqaya, oo afuufaya buun iyo turumbooyin, oo ka dhawaajinaya suxuun laysku garaaco, iyo shareerado iyo kataarado.

  • 1¶ Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

  • 15Sidaasay Daa'uud iyo reer binu Israa'iil oo dhammu u soo qaadeen sanduuqii Rabbiga, iyagoo qaylinaya oo buunna ka dhawaajinaya.