1 Taariikhdii 2:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:41-42 : 41 Oo reer Yaa'iir ina Manasehna wuu tegey Gilecaad, oo magaalooyinkeedii qabsaday, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey Hawood Yaa'iir. 42 Oo Nobaxna wuu tegey oo wuxuu qabsaday Qenaad iyo tuulooyinkeediiba, markaasuu u bixiyey magiciisa Nobax.
  • Sharc 3:14 : 14 Reer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.)
  • Yash 13:13 : 13 Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo.
  • Yash 13:30 : 30 Oo xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo;
  • 2 Sam 13:38 : 38 Sidaasuu Absaaloom u cararay, oo Geshuur u tegey, oo saddex sannadood buu halkaas joogay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    21Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.

    22Seguubna wuxuu dhalay Yaa'iir, oo dalka reer Gilecaad ku lahaa saddex iyo labaatan magaalo.

  • Tir 32:39-41
    3 aayado
    76%

    39Oo reer Maakiir oo ahaa Manaseh wiilkiisiina waxay tageen dalkii Gilecaad, oo way qabsadeen, oo dadkii reer Amor oo halkaas degganaa ayay hanti tireen.

    40Oo Muuse wuxuu Gilecaad siiyey reer Maakiir oo ahaa wiilkii Manaseh, oo iyana halkaasay degeen.

    41Oo reer Yaa'iir ina Manasehna wuu tegey Gilecaad, oo magaalooyinkeedii qabsaday, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey Hawood Yaa'iir.

  • 13Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah.

  • 75%

    14Reer Yaa'iir oo ahaa ina Manasehna wuxuu qabsaday gobolka Argob oo dhan iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo reer Macakaah, oo Baashaanna wuu isugu magacaabay oo u bixiyey Hawood Yaa'iir, oo ilaa maantadanna waa loo yaqaan.)

    15Oo Gilecaadna waxaan siiyey reer Maakiir.

  • 75%

    30Oo xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo;

    31iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.

  • Xaak 10:3-4
    2 aayado
    74%

    3¶ Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.

    4Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad.

  • Tir 26:29-30
    2 aayado
    74%

    29Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad.

    30Wiilashii Gilecaad waa kuwan: Iiceser oo dhalay qabiilka reer Iiceser, iyo Xeeleq oo dhalay qabiilka reer Xeeleq,

  • 73%

    14¶ Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,

    15Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.

    16Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.

    17Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.

  • 11iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,

  • 25Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,

  • 41iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 23Wiilashii Araamna waxay ahaayeen Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mash.

  • 33oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.

  • 12¶ Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.

  • 25Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkan oo dhan ayay qabsadeen, oo reer binu Israa'iil waxay degeen magaalooyinkii reer Amor oo dhan, xataa Xeshboon iyo magaalooyinkeedii oo dhan.

  • 11Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.

  • 80Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,

  • 25Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.

  • 28Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.

  • 36iyo Shacarayim, iyo Cadiitayim, iyo Gedeeraah, iyo Gedeerootayim, oo iyana waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 25Xagga tuulooyinkii iyo beerahooda qaar reer Yahuudah ah waxay degganaayeen Qiryad Arbac iyo magaalooyinkeedii, iyo Diibon iyo magaalooyinkeedii, iyo Yeqabseel iyo tuulooyinkeedii,

  • 6maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

  • 23iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan,

  • 26reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,

  • 1¶ Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.

  • 53iyo Yaaniim iyo Beyd Tafuu'ax, iyo Afeeqaah,

  • 22iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay.

  • 16Oo waxay degganaayeen Gilecaad oo Baashaan ku tiil iyo magaalooyinkeedii, iyo Shaaroon agagaarkeedii oo dhan, iyo tan iyo soohdintooda meesha ugu fog.

  • 28iyo kuwii Carooceer joogay, iyo kuwii Sifmood joogay, iyo kuwii Eshtemooca joogay,

  • 33Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.

  • 29iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.

  • 71Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii.

  • 25Markaasaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas ayaa Benhadad ina Xasaa'eel mar kale ka qaatay magaalooyinkii uu dagaalka kaga qaatay aabbihiis Yehoo'aaxaas. Oo Yoo'aash saddex jeer buu isagii dagaal ku dhuftay oo ka soo dhacsaday magaalooyinkii dalka Israa'iil.

  • 19iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada,

  • 13Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo.

  • 62Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan.

  • 4Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay, oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.

  • 6Kuwanuna waa wiilashii Eehuud, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ahaa dadkii Gebac degganaa, oo iyaga maxaabiis ahaan waa loogu kaxaystay Maanahad.