Sharciga Kunoqoshadiisa 3:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 2:36 : 36 Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.
  • Tir 32:32-38 : 32 Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan. 33 Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan. 34 Markaasaa reer Gaad waxay dhisteen Diboon, iyo Cataarood, iyo Carooceer, 35 iyo Catrood Shoofaan, iyo Yacser, iyo Yaagbehaah, 36 iyo Beytnimraah, iyo Beyd Haaraan, kuwaasoo ah magaalooyin deyrar leh, iyo xeryo idaad. 37 Oo reer Ruubeenna waxay dhisteen Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Qiryaatayim, 38 iyo Neboo, iyo Bacal Mecoon, (kuwaasoo magacyadoodii la beddelay,) iyo Sibmaah; oo magacyo kalay u bixiyeen magaalooyinkii ay dhisteen.
  • Sharc 4:48 : 48 Waxay qabsadeen tan iyo Carooceer oo ku taal Dooxada Arnoon qarkiisa iyo xataa Buur Sii'oon (taasu waa Buur Xermoon),
  • Yash 12:2-6 : 2 oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon, 3 iyo bankii Caraabaah iyo tan iyo baddii Kinnered, iyo xagga bari, iyo tan iyo baddii Caraabaah, taas oo ah Badda Cusbada leh, oo bari, ee ku taal jidkii Beytyeshimood, ee xagga koonfureed, ee ka hoosaysay dhaadhacyadii Fisgaah: 4 iyo xuduudkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo ka hadhay reer Rafaa ee Cashtarod agteeda joogay, Edrecii agteedana joogay. 5 Kaasu wuxuu xukumi jiray Buur Xermoon, iyo Salkaah, iyo Baashaan oo dhan, iyo tan iyo soohdinta reer Geshuur iyo kan reer Macakaad iyo Gilecaad badhkeed, iyo xuduudka Siixon oo boqor u ahaa Xeshboon. 6 Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.
  • Yash 13:8-9 : 8 ¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga, 9 tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon, 10 iyo dhammaan magaalooyinkii Siixon oo boqor u ahaa reer Amor uu ku xukumi jiray Xeshboon, tan iyo soohdinta reer Cammoon, 11 iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah, 12 iyo boqortooyadii Baashaan ku tiil oo dhan oo Coog ka xukumi jiray Cashtarod iyo Edrecii (Isagu wuxuu ka hadhay reer Rafaa), waayo, kuwaas waxaa laayay Muuse, wuuna eryay. 13 Habase yeeshee reer binu Israa'iil ma ay eryin reer Geshuur iyo reer Macakaad toona; laakiinse reer Geshuur iyo reer Macakaad waxay dhex deggan yihiin reer binu Israa'iil ilaa maantadan la joogo. 14 Oo waxaanu dhaxal siin qabiilkii reer Laawi oo keliya. Sidii Rabbigu kula hadlay isaga, waxaa dhaxal u ahaa qurbaannada loo bixiyo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 15 ¶ Oo Muuse wuxuu reer Ruubeen qabiilkoodii wax u siiyey sidii reerahoodu ahaayeen. 16 Oo xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan, 17 iyo Xeshboon, iyo kulli magaalooyinkeeda banka ku yaal oo dhan, kuwaasoo ah, Diibon iyo Baamood Bacal, iyo Beyd Bacal Mecoon, 18 iyo Yahas, iyo Qedemood, iyo Mefacad, 19 iyo Qiryatayim, iyo Sibmaah, iyo Sered Shahar oo ku taal buurta dooxada, 20 iyo Beytfecoor, iyo dhaadhacyadii Fisgaah, iyo Beytyeshimood, 21 iyo kulli magaalooyinkii banka oo dhan, iyo boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa boqortooyadiisii oo dhan, kaas oo xukumi jiray Xeshboon, oo Muuse la dilay madaxdii reer Midyaan, kuwaasoo ahaa Ewii, iyo Reqem, iyo Suur, iyo Xuur, iyo Rebac, oo ahaa amiirradii Siixon oo dalkaas degganaa. 22 Weliba faaliyaha Balcaam oo ahaa ina Becoor ayay reer binu Israa'iil seef kula dileen dadkii kaloo ay laayeen. 23 Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba. 24 ¶ Oo Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen. 25 Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah, 26 iyo ilaa Xeshboon iyo tan iyo Raamad-misfaah, iyo Betoniim, iyo tan iyo Maxanayim iyo ilaa soohdinta Debiir, 27 iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta. 28 Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.
  • 2 Boq 10:33 : 33 oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    15Oo Gilecaadna waxaan siiyey reer Maakiir.

    16Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,

    17iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.

  • 8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • Tir 32:32-34
    3 aayado
    80%

    32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.

    33Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.

    34Markaasaa reer Gaad waxay dhisteen Diboon, iyo Cataarood, iyo Carooceer,

  • 80%

    23Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.

    24¶ Oo Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen.

    25Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,

  • 13Oo waxaan qabiilka reer Manaseh badhkiis siiyey Gilecaad inteeda kale iyo Baashaan oo dhan oo ah boqortooyadii Coog, intaasoo ah gobolka Argob oo dhan iyo xataa Baashaan oo dhan. (Oo intaas waxaa lagu magacaabaa dalkii reer Refaa'iim.

  • Yash 12:6-7
    2 aayado
    79%

    6Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

    7¶ Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,

  • 33oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.

  • 36Oo magaalo inagu adag laguma arag tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon qarkeeda, iyo tan iyo magaalada dooxada ku dhex taal iyo tan iyo Gilecaad, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa kulligood gacanta inoo geliyey.

  • Sharc 3:7-8
    2 aayado
    78%

    7Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka.

    8Oo waagaas ayaynu dalka kala baxnay farihii labadii boqor oo reer Amor oo degganaa Webi Urdun shishadiisa tan iyo dooxada Arnoon iyo ilaa Buur Xermoon.

  • 12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

  • Yash 13:8-9
    2 aayado
    76%

    8¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

    9tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon,

  • 9¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

  • 1¶ Haddaba reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay lahaayeen xoolo faro badan, oo markay arkeen dalkii Yacser iyo dalkii Gilecaad inay meeshaasu xoolo u wanaagsan tahay,

  • Tir 32:29-30
    2 aayado
    76%

    29Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.

    30Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan.

  • Yash 12:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Haddaba kuwanu waa boqorradii dalka, oo ay reer binu Israa'iil laayeen oo ay dalkoodii ka qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo qorrax ka soo baxa ka xigta, markii laga bilaabo dooxadii Arnoon iyo tan iyo Buur Xermoon, iyo inta banka Caraabaah xagga bari ka xigta oo dhan:

    2oo waxay ahaayeen boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon, oo degganaa Xeshboon, oo xukumi jiray Carooceer oo ku tiil dooxadii Arnoon darafteeda, iyo magaaladii ku tiil dooxadii dhexdeeda, iyo Gilecaad badhkeed, iyo tan iyo Webi Yabboq, kaasoo ku yiil soohdintii reer Cammoon,

  • 43Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

  • 8Oo Webi Urdun shishadiisa meel Yerixoo u dhow oo bari ka xigta waxay ka sooceen Beser oo ku tiil cidladii ku tiil bannaankii qabiilka reer Ruubeen, iyo Raamod oo ku tiil Gilecaad oo ay qabiilkii reer Gaad lahaayeen, iyo Goolaan oo ku tiil Baashaan oo ay qabiilkii reer Manaseh lahaayeen.

  • Sharc 3:3-4
    2 aayado
    75%

    3Oo sidaasuu Rabbiga Ilaaheenna ahu Coogna oo ahaa boqorkii Baashaan iyo dadkiisii oo dhanba gacanteenna u soo geliyey, oo waynu wada laynay ilaa aan isagii midna u hadhin.

    4Oo waagaasaynu magaalooyinkiisii oo dhan wada qabsannay, oo magaalo aynaan isaga ka qabsan lama arag, oo waxaynu qabsannay lixdan magaalo oo ahayd gobolkii Argob oo dhan, kaasoo ahaa boqortooyadii Coog ee Baashaan ku tiil.

  • 16Oo xuduudkoodu wuxuu ka bilaaban jiray Carooceer taas oo ku taal dooxada Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo kulli banka Meedebaa u dhow oo dhan,

  • 74%

    27iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

    28Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.

  • 22Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun.

  • 14waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

  • 25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

  • 5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.

  • 5Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser,

  • 12Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga.

  • 21¶ Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,

  • 22Oo weliba waxaad iyaga siisay oo saami ugu qaybisay boqortooyooyin iyo dadyow kale, oo sidaasay u hantiyeen dalkii Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon, iyo dalkii Coog oo ahaa boqorkii Baashaan.

  • 15Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,

  • 33Oo reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.

  • 47Oo dalkiisii bay hanti u qaateen iyo dalkii boqorkii Baashaan oo Coog ahaa, kuwaasoo ahaa labadii boqor oo reer Amor oo joogay Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa.

  • 7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

  • 3Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon,

  • 29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

  • 32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.