Yashuuca 22:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 32:8 : 8 oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.
  • Laaw 5:19 : 19 Waa qurbaan xadgudub, maxaa yeelay, sida xaqiiqada ah isagu Rabbiga hortiisa eed buu ku leeyahay.
  • Laaw 17:8-9 : 8 ¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari, 9 isagoo aan keenin iridda teendhada shirka inuu Rabbiga u bixiyo daraaddeed, ninkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.
  • Laaw 26:40 : 40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen
  • Tir 5:6 : 6 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,
  • Tir 14:43 : 43 Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.
  • Tir 32:15 : 15 Waayo, haddaad Rabbiga ka noqotaan, cidlada dhexdeeda ayuu haddana iyaga kaga tegi doonaa, oo dadkan oo dhan waad wada baabbi'in doontaan.
  • Sharc 7:4 : 4 Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.
  • Sharc 12:4-6 : 4 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn. 5 Laakiinse meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu qabiilooyinkiinna oo dhan ka dooranayo inuu magiciisa halkaas dhigo, taasoo ah rugtiisa, waa inaad doontaan, oo halkaas waa inaad timaadaan. 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.
  • Sharc 12:13-14 : 13 Digtoonaada, oo qurbaannadiinna la gubo ha ku bixinina meel alla meeshii aad aragtaanba, 14 laakiinse qurbaannadiinna la gubo waa inaad ku bixisaan meesha Rabbigu ka dhex dooranayo qabiilooyinkiinna middood, oo halkaas waa inaad ku wada yeeshaan waxaan idinku amrayo oo dhan.
  • Sharc 30:17 : 17 Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan,
  • Yash 22:12 : 12 Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.
  • Yash 22:18 : 18 inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
  • 1 Sam 15:23 : 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.
  • 1 Taar 21:3 : 3 Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa?
  • 2 Taar 10:19 : 19 Sidaasay dadkii Israa'iil ugu caasiyoobeen Daa'uud reerkiisii ilaa maantadan la joogo.
  • 2 Taar 25:27 : 27 Haddaba Amasyaah markuu gees uga leexday Rabbiga lasocodkiisii dabadeed shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
  • 2 Taar 26:18 : 18 Markaasay Boqor Cusiyaah hor istaageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Cusiyaahow, adigu ma lihid inaad Rabbiga foox u shiddid, laakiinse waxaa leh wadaaddada reer Haaruun oo quduus looga dhigay inay foox shidaan; haddaba meesha quduuska ah ka bax, waayo, waad xadgudubtay, oo tanuna kuuma ahaan doonto sharaf Rabbiga Ilaaha ah xaggiisa kaaga timaada.
  • 2 Taar 28:13 : 13 Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.
  • Cesr 9:2 : 2 Waayo, iyaga iyo wiilashoodiiba waxay guursadeen gabdhahoodii, oo sidaasuu farcankii quduuska ahaa ugu qasmay dadyowgii dalka degganaa; oo weliba xadgudubkaas waxaa madax u ahaa amiirrada iyo taliyayaasha.
  • Cesr 9:15 : 15 Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaq baad tahay, waayo, waxaannu nahay dad hadhay oo baxsaday, sida ay maantadan tahay; bal eeg, waxaannu kula hor joognaa xujadayada, waayo, taas aawadeed ninna hortaada ma istaagi karo.
  • Sab 78:8 : 8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.
  • Ish 63:10 : 10 Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
  • Mat 6:14-15 : 14 ¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona. 15 Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
  • Mat 18:17 : 17 Oo hadduu iyaga maqli waayo, dadka kiniisadda u sheeg, oo hadduu dadka kiniisadda maqli waayona, ha kuu ahaado sida qof aan Ilaah aaminin iyo cashuurqaade.
  • 1 Kor 1:10 : 10 ¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.
  • 1 Kor 5:4 : 4 magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise,
  • Gal 1:1-2 : 1 ¶ Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah rasuul aan xagga dadka ka iman, oo aan dadna ku iman, laakiinse ku yimid Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ah oo isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay. 2 Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.
  • Cib 12:25 : 25 Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 21¶ Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,

  • Tir 32:1-2
    2 aayado
    86%

    1¶ Haddaba reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay lahaayeen xoolo faro badan, oo markay arkeen dalkii Yacser iyo dalkii Gilecaad inay meeshaasu xoolo u wanaagsan tahay,

    2ayay reer Gaad iyo reer Ruubeen u yimaadeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo amiirradii shirka, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • Yash 22:9-13
    5 aayado
    82%

    9¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

    10Oo markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.

    11Markaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.

    12Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.

    13¶ Oo reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

  • 12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

  • 79%

    30¶ Oo wadaadkii Fiinexaas ahaa iyo amiirradii shirka, oo ahaa madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil oo isaga la socday, kolkay maqleen warkii ay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ku hadleen ayay aad ugu farxeen.

    31Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar wuxuu ku yidhi reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh, Maanta waannu og nahay in Rabbigu ina dhex joogo, maxaa yeelay, idinku xadgudubkan kuma aydnaan samayn Rabbiga. Haddaba idinku waxaad reer binu Israa'iil ka samatabbixiseen gacantii Rabbiga.

    32Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar, iyo amiirradii waxay ka noqdeen reer Ruubeen iyo reer Gaad oo joogay dalkii Gilecaad, oo waxay tageen dalkii reer Kancaan, oo reer binu Israa'iil ayay warkii u sheegeen.

    33Oo reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.

    34Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.

  • 16Shirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?

  • Tir 32:25-26
    2 aayado
    77%

    25Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen la hadleen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waannu samaynaynaa wixii aad nagu amartay, sayidkayagiiyow.

    26Haddaba dhallaankayaga, iyo afooyinkayaga, iyo idahayaga, iyo xoolahayaga oo dhammu halkaasay wada joogi doonaan xagga magaalooyinka Gilecaad;

  • 12Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga.

  • Tir 32:5-7
    3 aayado
    76%

    5Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin.

    6Markaasaa Muuse wuxuu reer Gaad iyo reer Ruubeen ku yidhi, War, walaalihiin ma dagaalkay galayaan oo idinku aad iska fadhiisanaysaan?

    7Oo maxaad reer binu Israa'iil uga qalbi jebinaysaan inay u gudbaan oo galaan dalkii Rabbigu iyaga siiyey?

  • Tir 32:29-33
    5 aayado
    76%

    29Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.

    30Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan.

    31Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa.

    32Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan.

    33Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.

  • 75%

    24oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?

    25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

    26Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,

  • 1¶ Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil,

  • 14waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.

  • 1¶ Markaasaa madaxdii reer Laawi waxay u soo dhowaadeen wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii.

  • 8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • 3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 16Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,

  • 6Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta.

  • 13¶ Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad.

  • 14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

  • 12¶ Markaasay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil rag u direen qabiilkii reer Benyaamiin oo dhan, oo waxay ku yidhaahdeen, War xumaantan dhexdiinna ka dhacday waa maxay?

  • 12¶ Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.

  • 22Oo mid kastoo idinka mid ahuba wuu ii soo dhowaaday oo wuxuu igu yidhi, War aynu niman iska hor marinno, si ay dalka inoogu soo baadhaan, oo ay inoogu soo sheegaan jidka aan marayno iyo magaalooyinka aan tegayno.

  • 16Markaasay isagii u soo dhowaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu halkanaannu xoolahayaga xeryo uga oodaynaa, dhallaankayagana magaalooyin waannu uga dhisaynaa,

  • 5Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa.

  • 3(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 16Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda.

  • 17¶ Markaasaa waxaa soo wada ururay reer Cammoon oo waxay soo degeen Gilecaad. Oo reer binu Israa'iilna way isa soo urursadeen oo iyana waxay soo degeen Misfaah.

  • 8¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

  • 2Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen,

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,