Yashuuca 22:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 32:18-33 : 18 Oo annagu guryahayaga ku soo noqon mayno ilamaa reer binu Israa'iil nin waluba dhaxalkiisa dhaxlo. 19 Waayo, annagu iyaga la dhaxli mayno Webi Urdun dhankiisa kale iyo xaggaas hore toona, maxaa yeelay, dhaxalkayagii wuxuu noogu dhacay Webi Urdun dhankiisan bari. 20 Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddaad waxan samaynaysaan, oo aad Rabbiga hortiisa hub ugu qaadanaysaan dagaalka, 21 oo aad raggiinna hubka leh oo dhammu Webi Urdun ku dhaafaysaan Rabbiga hortiisa ilamaa uu isagu cadaawayaashiisa ka wada eryo hortiisa, 22 oo dalkana Rabbiga hortiisa lagaga adkaado, markaas dabadeed idinku waad soo noqonaysaan, oo xagga Rabbiga iyo reer binu Israa'iilba waad ka eedla'aanaysaan, oo dalkanuna Rabbiga hortiisa hanti buu idiinku ahaan doonaa. 23 Laakiinse haddaydnan sidaas yeelin, bal eega, Rabbigaad ku dembaabteen, oo bal ogaada, dembigiinnuna wuu idinku soo bixi doonaa. 24 Haddaba dhallaankiinna magaalooyin u dhista, idihiinnana xeryo u oota, oo sameeya wixii afkiinna ka soo baxay. 25 Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen la hadleen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waannu samaynaynaa wixii aad nagu amartay, sayidkayagiiyow. 26 Haddaba dhallaankayaga, iyo afooyinkayaga, iyo idahayaga, iyo xoolahayaga oo dhammu halkaasay wada joogi doonaan xagga magaalooyinka Gilecaad; 27 laakiinse annagoo addoommadaada ah kulli intayada dagaalka hub u leh oo dhammu Webi Urdun waannu gudbaynaa, oo Rabbiga hortiisa ayaannu ku dagaal galaynaa sidaad tidhi, sayidkayagiiyow. 28 ¶ Sidaas daraaddeed ayaa Muuse amar iyaga ku saabsan siiyey wadaadkii Elecaasaar iyo Yashuuca ina Nuun iyo madaxdii reeraha qabiilooyinka reer binu Israa'iil. 29 Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad. 30 Laakiinse haddayan idinla gudbin iyagoo hub leh, waxay hanti ku yeelan doonaan dhexdiinna dalka reer Kancaan. 31 Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa. 32 Annagoo hub leh ayaannu gudbaynaa oo Rabbiga hortiisa waxaannu galaynaa dalka reer Kancaan, oo hantidii aan dhaxalka u helnayna waxay noogu hadhaysaa Webi Urdun dhinacan. 33 Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.
  • Sharc 29:7-8 : 7 Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay. 8 Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 1:10-13
    4 aayado
    91%

    10¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,

    11Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.

    12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

    13Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.

  • 15Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,

  • 21¶ Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,

  • Yash 22:9-11
    3 aayado
    79%

    9¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

    10Oo markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.

    11Markaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.

  • 2oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.

  • Yash 22:6-7
    2 aayado
    78%

    6Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.

    7¶ Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,

  • 12Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga.

  • 4Markaasaa Yashuuca u yeedhay laba iyo tobankii nin, oo uu ka diyaariyey reer binu Israa'iil, oo qabiil walbana nin buu ka soo soocay.

  • Yash 4:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo markii quruuntii oo dhammu ay ka wada gudubtay Webi Urdun, ayaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

    2Dadka kala bax laba iyo toban nin, qabiil walba nin,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.

  • Tir 32:28-29
    2 aayado
    76%

    28¶ Sidaas daraaddeed ayaa Muuse amar iyaga ku saabsan siiyey wadaadkii Elecaasaar iyo Yashuuca ina Nuun iyo madaxdii reeraha qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

    29Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.

  • 7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

  • Tir 32:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Haddaba reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay lahaayeen xoolo faro badan, oo markay arkeen dalkii Yacser iyo dalkii Gilecaad inay meeshaasu xoolo u wanaagsan tahay,

    2ayay reer Gaad iyo reer Ruubeen u yimaadeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo amiirradii shirka, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 15¶ Markaasaa Rabbigu Yashuuca la hadlay, oo ku yidhi,

  • 6Markaasaa Muuse wuxuu reer Gaad iyo reer Ruubeen ku yidhi, War, walaalihiin ma dagaalkay galayaan oo idinku aad iska fadhiisanaysaan?

  • 17Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;

  • 2ayaa Yashuuca u yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo waayeelladoodii, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waan da' weynahay oo gabow baan la dhacay;

  • 8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • 6Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

  • Yash 13:7-8
    2 aayado
    74%

    7Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,

    8¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

  • Yash 3:8-9
    2 aayado
    74%

    8Oo waa inaad amartaa wadaaddada sanduuqa axdiga sida, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markii aad gaadhaan biyaha Webi Urdun qarkooda waa inaad Webi Urdun isdhex taagtaan.

    9¶ Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Kaalaya halkan, oo maqla erayada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 14waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.

  • 13¶ Oo reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.

  • 22Markaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan?

  • 25Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen la hadleen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waannu samaynaynaa wixii aad nagu amartay, sayidkayagiiyow.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa madaxdii reer Laawi waxay u soo dhowaadeen wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii.

  • Yash 1:15-16
    2 aayado
    73%

    15ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.

    16Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.

  • 25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

  • 3Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyagii kula hadleen bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun ku ag yaal oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 12¶ Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.

  • 16Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,

  • 37Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis.

  • 31Markaasaa reer Gaad iyo reer Ruubeen u jawaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sidii Rabbigu nagu yidhi, annagoo addoommadaada ah, ayaannu yeelaynaa.