Yashuuca 13:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba dalkan dhaxal ahaan ugu qaybi sagaalka qabiil iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 26:53-56 : 53 Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu. 54 Kuwii badan waa inaad siisaa dhaxal badan oo kuwii yarna waa inaad siisaa dhaxal yar. Oo mid kasta sida kuwii laga tiriyey ay ahaayeen dhaxalka ha loo siiyo. 55 Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen. 56 Oo kuwa badan iyo kuwa yarba dhaxalkooda saami ha lagu kala qaybiyo.
  • Tir 32:2-9 : 2 ayay reer Gaad iyo reer Ruubeen u yimaadeen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo amiirradii shirka, oo waxay ku yidhaahdeen, 3 Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon, 4 oo ah dalkii Rabbigu wax kaga dhuftay reer binu Israa'iil hortooda waa dal xoolo u wanaagsan, oo annagoo addoommadaada ahuna xoolo baannu leennahay. 5 Oo weliba waxay yidhaahdeen, Haddaad raalli naga tihiin, annagoo addoommadaada ah dalkan inaannu hantinno noo sii, oo Webi Urdun ha naga gudbin. 6 Markaasaa Muuse wuxuu reer Gaad iyo reer Ruubeen ku yidhi, War, walaalihiin ma dagaalkay galayaan oo idinku aad iska fadhiisanaysaan? 7 Oo maxaad reer binu Israa'iil uga qalbi jebinaysaan inay u gudbaan oo galaan dalkii Rabbigu iyaga siiyey? 8 Aabbayaashiinna sidaasay yeeleen markaan iyaga ka diray Qaadeesh Barneeca inay dalka soo arkaan aawadeed. 9 Waayo, markay tageen dooxadii Eshkol oo ay dalkii arkeen ayay reer binu Israa'iil qalbi jebiyeen si ayan u gelin dalkii Rabbigu iyaga siiyey. 10 Maalintaas Rabbigu aad buu u cadhooday, oo intuu dhaartay ayuu yidhi, 11 Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin, 12 Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane; maxaa yeelay, iyagu qalbigay Rabbiga ka wada raaceen. 13 Markaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil u cadhooday, oo wuxuu iyagii ka dhigay inay intii afartan sannadood ah cidlada hor iyo dib ugu warwareegaan, ilamaa qarnigii Rabbiga hortiisa xumaanta ku sameeyey oo dhan la wada baabbi'iyey. 14 Haddaba bal eega, idinku meeshii aabbayaashiin baad ka kacdeen, oo waxaad tihiin niman dembi miidhan ah oo soo kordhay inaad Rabbiga kaga sii cadhaysiisaan reer binu Israa'iil.
  • Tir 33:54 : 54 Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
  • Yex 47:13-23 : 13 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa. 14 Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa. 15 Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad, 16 iyo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan. 17 Oo soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi. 18 Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari. 19 Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed. 20 Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed. 21 Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin. 22 Oo waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda. 23 Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.
  • Yex 48:23-29 : 23 ¶ Oo qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan. 24 Oo waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon. 25 Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar. 26 Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun. 27 Oo waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad. 28 Oo xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn. 29 Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 34:13-18
    6 aayado
    85%

    13Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,

    14waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.

    15Labadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa.

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    17Nimanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun.

    18Oo qabiil kastana waa inaad amiir kala soo baxdaan inay dalka dhaxal u kala qaybiyaan.

  • 29¶ Oo Muusena wuxuu dhaxal siiyey qabiilkii reer Manaseh badhkiis. Wuxuu u ahaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis sidii reerahoodu ahaayeen.

  • Yash 14:1-5
    5 aayado
    81%

    1¶ Kuwanu waa dhaxalkii ay reer binu Israa'iil ka qaateen dalkii reer Kancaan, oo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii qabiilooyinkii reer binu Israa'iil ay u qaybiyeen.

    2Oo sidii Rabbigu ku amray Muuse sagaal qabiil iyo qabiil badhkiis saami bay ku heleen dhaxalkoodii.

    3Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.

    4Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.

    5Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay reer binu Israa'iil yeeleen, oo dalkiina way qaybsadeen.

  • 6Dadka deggan dalka buuraha leh oo dhan, tan iyo Lubnaan iyo ilaa Misrefood Mayim, iyo xataa reer Siidoon oo dhan kulligood waxaan ka eryi doonaa reer binu Israa'iil hortooda; laakiinse waa inaad dhaxal ahaan ugu qori riddaa reer binu Israa'iil sidaan kugu amray.

  • Yash 18:5-7
    3 aayado
    79%

    5Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.

    6Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.

    7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

  • 21Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.

  • 7¶ Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,

  • Yash 17:5-6
    2 aayado
    78%

    5Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;

    6maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

  • 78%

    31iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.

    32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.

    33Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.

  • Yex 47:13-14
    2 aayado
    77%

    13¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.

    14Oo waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.

  • 8¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

  • 8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • 12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

  • 19Oo markuu toddoba quruumood ka baabbi'iyey dhulka Kancaan dabadeed ayuu dhulkoodii dhaxal u siiyey iyagii abbaaraha afar boqol iyo konton sannadood;

  • 42Oo reer binu Israa'iil badhkoodii wuxuu Muuse gooni uga dhigay qaybtii raggii dagaallamay.

  • Yash 12:6-7
    2 aayado
    75%

    6Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

    7¶ Oo kuwanu waa boqorradii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ka laayeen Webi Urdun shishadiisa xagga galbeed ka xigta, markii laga bilaaba Bacal Gaad oo ku tiil dooxadii Lubnaan iyo tan iyo Buur Xaalaaq oo kor u kacsan Seciir; oo Yashuuca wuxuu siiyey qabiilooyinkii reer binu Israa'iil, oo hanti ahaan buu ugu qaybiyey,

  • 54Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.

  • 4Bal eega waan idiin qaybiyey quruumahan hadhay inay qabiilooyinkiinna dhaxal u ahaadaan, tan iyo Webi Urdun iyo kulli quruumihii aan gooyay, iyo xataa tan iyo xagga gabbalku u dhaco ee badda weyn.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

  • 55Habase yeeshee dhulka waa in saami loo ritaa marka la qaybsanayo. Sida magacyada qabiilooyinka awowayaashoodu ahaayeen ha u dhaxleen.

  • 29Kuwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa'iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan.

  • 2Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.

  • 17Markaasaa Yashuuca wuxuu la hadlay reer Yuusuf, kuwaasoo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh, oo wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin dad badan, oo waxaad leedihiin xoog badan; haddaba qayb keliya heli maysaan;

  • 2Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

  • 53Kuwan ayaa dalka dhaxal ahaan loogu qaybin doonaa sida ay tahay tirada magacyadoodu.

  • 61Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.

  • 4Oo waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.

  • 29iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.

  • 51¶ Kuwanu waa qaybihii dhaxalka ahaa ee wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo madaxdii reer binu Israa'iil qabiilooyinkoodii, ay saamiga ugu qaybiyeen Rabbiga hortiisa, iyagoo jooga Shiiloh, oo fadhiya teendhadii shirka iriddeeda. Wayna dhammeeyeen qaybintii dhulka.

  • 9¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

  • 29Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.