Sharciga Kunoqoshadiisa 4:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 20:8 : 8 Oo Webi Urdun shishadiisa meel Yerixoo u dhow oo bari ka xigta waxay ka sooceen Beser oo ku tiil cidladii ku tiil bannaankii qabiilka reer Ruubeen, iyo Raamod oo ku tiil Gilecaad oo ay qabiilkii reer Gaad lahaayeen, iyo Goolaan oo ku tiil Baashaan oo ay qabiilkii reer Manaseh lahaayeen.
  • Yash 21:27 : 27 ¶ Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.
  • Yash 21:38 : 38 Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,
  • 1 Boq 4:13 : 13 Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah.
  • 1 Boq 22:3-4 : 3 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn inaan iska leennahay Raamod Gilecaad? Oo annana waannu iska fadhinnaa, oo kalama aannu bixin gacantii boqorka Suuriya! 4 Oo wuxuu Yehooshaafaad ku yidhi, Dagaal baan Raamod Gilecaad u tegayaaye ma i raacaysaa? Oo Yehooshaafaadna wuxuu boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Anigu kula mid baan ahay, oo dadkayguna waa dadkaagoo kale, fardahayguna waa fardahaagoo kale.
  • 1 Taar 6:71 : 71 Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii.
  • 1 Taar 6:80 : 80 Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 20:7-9
    3 aayado
    88%

    7Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.

    8Oo Webi Urdun shishadiisa meel Yerixoo u dhow oo bari ka xigta waxay ka sooceen Beser oo ku tiil cidladii ku tiil bannaankii qabiilka reer Ruubeen, iyo Raamod oo ku tiil Gilecaad oo ay qabiilkii reer Gaad lahaayeen, iyo Goolaan oo ku tiil Baashaan oo ay qabiilkii reer Manaseh lahaayeen.

    9Intaasu waa magaalooyinkii loo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo qariibkii dhexdooda degganaa, in ku alla kii qof dilaa, isagoo aan u kasayn, uu halkaas ku carari karo inaanu ku dhiman gacanta kan dhiigga ka aarsada, ilaa uu hor istaago shirka.

  • 79%

    36Oo waxay qabiilkii reer Ruubeenna ka heleen Beser iyo agagaarkeedii, iyo Yahas iyo agagaarkeedii,

    37iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    38Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,

    39iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yaser iyo agagaarkeedii, oo intaasu dhammaantood waxay ahaayeen afar magaalo.

  • 77%

    41¶ Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,

    42in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.

  • 27¶ Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.

  • 78Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii,

  • 80Oo qabiilka reer Gaadna waxaa laga siiyey Raamod oo Gilecaad ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,

  • 44¶ Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,

  • 33Markaasaa Muuse reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh oo ahaa wiilkii Yuusuf badhkood wuxuu siiyey boqorkii reer Amor oo ahaa Siixon boqortooyadiisii, iyo boqorkii Baashaan oo ahaa Coog boqortooyadiisii, oo wuxuu waddankii ugu qaybshay sidii ay ahaayeen magaalooyinka iyo soohdintoodii, xataa magaalooyinkii dalka iyaga ku wareegsan oo dhan.

  • 33oo laga bilaaba Webi Urdun ilaa barigiisa, intaas oo ah dalka Gilecaad oo dhan, iyo reer Gaad, iyo reer Ruubeen, iyo reer Manaseh, iyo tan iyo Carooceerta ku ag taal Webi Arnoon, iyo xataa Gilecaad iyo Baashaan.

  • 12¶ Oo dalkan waagaas ayaan hanti u qaadannay. Oo tan iyo Carooceer oo ku taal dooxada Arnoon agtiisa, iyo dalka buuraha leh oo reer Gilecaad badhkiis iyo magaalooyinkiisaba waxaan siiyey reer Ruubeen iyo reer Gaad.

  • Yash 13:8-9
    2 aayado
    74%

    8¶ Kuwaasoo ay reer Ruubeen iyo reer Gaadba la heleen dhaxalkoodii uu Muuse ka siiyey xagga bari oo Webi Urdun ka shishaysa, xataa sidii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa uu u siiyey iyaga,

    9tan iyo Carooceer oo ku taal dooxadii Arnoon darafkeeda, iyo magaalada ku taal dooxada dhexdeeda, iyo banka Meedebaa oo dhan iyo xataa tan iyo Diibon,

  • Tir 35:13-14
    2 aayado
    74%

    13Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.

    14Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.

  • 74%

    23Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.

    24¶ Oo Muuse wax buu siiyey qabiilkii reer Gaad, oo wuxuu wax u siiyey reer Gaad sidii reerahoodu ahaayeen.

    25Oo xuduudkooduna wuxuu ka koobnaa Yacser, iyo magaalooyinkii Gilecaad oo dhan, iyo dalkii reer Cammoon badhkiis, iyo tan iyo Carooceer oo ku hor taal Rabbaah,

  • 8Oo dalkoodiina intaan qaadannay ayaan dhaxal u siinnay reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood.

  • 74%

    27iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.

    28Kanu waa dhaxalkii ay reer Gaad u heleen sidii reerahoodu ahaayeen iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodii.

  • 3Cataarood, iyo Diboon, iyo Yacser, iyo Nimraah, iyo Xeshboon, iyo Elecaaleeh, iyo Sebaam, iyo Neboo, iyo Becon,

  • 9¶ Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

  • 29Oo Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Haddii reer Gaad iyo reer Ruubeen Webi Urdun idinla gudbaan, intooda Rabbiga hortiisa dagaalka hub u leh oo dhammu, oo dalka lagaga adkaado hortiinna, markaas waa inaad iyaga hanti u siisaan dalka Gilecaad.

  • 73%

    30Oo xuduudkoodu wuxuu ka koobnaa Maxanayim, iyo Baashaan oo dhan, iyo boqorkii Baashaan oo Coog ahaa boqortooyadiisii oo dhan, iyo magaalooyinkii Yaa'iir oo Baashaan ku yiil oo dhan, kuwaasoo ahaa lixdan magaalo;

    31iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.

    32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.

  • 6Addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa iyo reer binu Israa'iil baa laayay iyagii, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ayaa reer Ruubeen iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkood hanti ahaan u siiyey.

  • 12¶ Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah.

  • 12Oo reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis ayaa reer binu Israa'iil ka hor gudbay, iyagoo hub leh, sidii Muuse kula hadlay iyaga.

  • 1¶ Haddaba reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay lahaayeen xoolo faro badan, oo markay arkeen dalkii Yacser iyo dalkii Gilecaad inay meeshaasu xoolo u wanaagsan tahay,

  • 72%

    16Oo reer Ruubeen iyo reer Gaadna waxaan Gilecaad ka siiyey tan iyo dooxada Arnoon taas oo ah dooxada badhtankeeda oo ah soohdinta, iyo xataa ilaa Webi Yabboq kaasoo ah soohdinta reer Cammoon,

    17iyo Caraabaah, iyo Webi Urdun oo soohdinta ah, tan iyo Kinnered iyo xataa ilaa badda Caraabaah oo ah Badda Cusbada oo ka hoosaysa dalcadaha Buur Fisgaah xaggeeda bari.

  • 2markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan.

  • 1¶ Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

  • 11iyo Gilecaad, iyo soohdinta reer Geshuur, iyo reer Macakaad, iyo Buur Xermoon oo dhan, iyo Baashaan oo dhan iyo ilaa Salkaah,

  • 14waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • 2La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 5Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;

  • 71Oo reer Gershoomna waxaa qabiilka reer Manaseh badhkiisii laga siiyey Goolaan oo Baashaan ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Cashtarod iyo agagaarkeedii.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,