Tirintii 35:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 35:14-15
    2 aayado
    92%

    14Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.

    15Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.

  • Tir 35:2-12
    11 aayado
    91%

    2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.

    3Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan.

    4Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah.

    5Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.

    6¶ Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.

    7Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.

    8Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.

    9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    10Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,

    11waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.

    12Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.

  • Yash 20:2-4
    3 aayado
    77%

    2La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,

    3in gacankudhiiglihii qof dilaa, isagoo aan u kasayn oo aan badheedh u samayn, uu halkaas u cararo; oo waxay idiin noqonayaan meeshaad ka magangeli lahaydeen kan dhiigga ka aarsada.

    4Oo magaalooyinkaas middood waa inuu u cararaa, oo waa inuu istaagaa iridda magaalada laga soo galo, oo xaalkiisa waa inuu u caddeeyaa odayaasha magaalada, oo iyana waa inay magaalada soo geliyaan, oo meel siiyaan inuu la degganaado.

  • 77%

    64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

    65Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.

    66Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim.

    67Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii,

  • Sharc 19:2-3
    2 aayado
    76%

    2markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan.

    3Oo waa inaad jidka hagaagsataan oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo.

  • 76%

    41¶ Markaasaa Muuse wuxuu gooni ka dhigay saddex magaalo oo ku taal Webi Urdun shishadiisa xagga qorrax ka soo baxa,

    42in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.

    43Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

  • Sharc 19:6-7
    2 aayado
    76%

    6waaba intaasoo ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin, maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn.

    7Oo sidaas daraaddeed waxaan idinku amrayaa oo idinku leeyahay, Waa inaad saddex magaalo gaar ka dhigataan.

  • Tir 35:24-29
    6 aayado
    76%

    24markaas kii wax dilay iyo kan ah aardoonka dhiigga doonayo, shirku waa inuu ugu kala garsooraa sida xukummadanu yihiin.

    25Oo shirku waa inuu gacankudhiiglaha ka samatabbixiyaa gacanta kan ah aardoonka dhiigga doonayo, oo shirku waa inuu isaga ku celiyaa magaaladiisii uu magangalay, oo uu ku cararay, oo isagu waa inuu halkaas degganaado jeer uu dhinto wadaadka sare oo lagu subkay saliiddii quduuska ahayd.

    26Laakiinse gacankudhiigluhu mar kasta ha ahaatee hadduu ka gudbo soohdinta magaaladiisii uu magangalay oo uu ku cararay,

    27oo markaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo uu ka helo meel dibadda ka ah soohdinta magaaladiisii uu magangalay, kolkaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo hadduu gacankudhiiglaha dilo, isagu ma ahaan doono mid dhiig qaba,

    28waayo, waxaa isaga waajib ku ahaa inuu iska joogo magaaladiisii uu magangalay ilamaa uu wadaadka sare dhinto, laakiinse markuu wadaadka sare dhinto gacankudhiigluhu waa inuu markaas dabadeed ku noqdo dalkiisii hantida u ahaa.

    29Oo waxyaalahanu waa inay qaynuun xukun ah degmooyinkiinna oo dhan idiinku ahaadaan ab ka abkiin.

  • 9Intaasu waa magaalooyinkii loo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo qariibkii dhexdooda degganaa, in ku alla kii qof dilaa, isagoo aan u kasayn, uu halkaas ku carari karo inaanu ku dhiman gacanta kan dhiigga ka aarsada, ilaa uu hor istaago shirka.

  • 74%

    56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

    57Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,

  • 32Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto.

  • 74%

    32Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.

    33Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.

  • 13¶ Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii waxay siiyeen Xebroon iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Libnaah iyo agagaarkeedii,

  • 27¶ Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.

  • 21Oo waxay iyagii siiyeen Shekem iyo agagaarkeedii, oo waxay ku tiil dalka reer Efrayim oo buuraha leh, oo waxayna ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Geser iyo agagaarkeedii,

  • 6Oo magaaladaas waa inuu degganaadaa ilaa uu xukun isu hor taago shirka, iyo ilaa uu ka dhinto wadaadka sare oo jiri doona waayahaas, oo markaas ka dib gacankudhiigluhu waa inuu noqdaa, oo waa inuu magaaladiisii yimaadaa, iyo gurigiisii, ilaa magaaladii uu markii hore ka cararay.

  • 12waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee.

  • 38Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,

  • 13Oo haddii aanu gaadin, laakiinse Ilaah u dhiibo gacantiisa, de markaas anaa kuu samayn doona meel uu ku cararo.

  • 61Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.

  • 6iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

  • 3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.

  • 9oo haddaad xajisaan oo wada yeeshaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad weligiin jidadkiisa ku socotaan, kolkaas saddex magaalo oo kale oo aan saddexdan ahayn waa inaad ku darsataan,