Yashuuca 21:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii waxay siiyeen Xebroon iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Libnaah iyo agagaarkeedii,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 15:42 : 42 ¶ Libnaah, iyo Ceter, iyo Caashaan,
  • Yash 15:54 : 54 Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
  • Yash 20:7 : 7 Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.
  • Yash 10:29 : 29 ¶ Oo Yashuuca iyo reer binu Israa'iil oo dhammu way dhaafeen Maqeedaah oo waxay tageen Libnaah, oo la dirireen reer Libnaah;
  • Tir 35:6 : 6 ¶ Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.
  • 1 Taar 6:56-57 : 56 Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh. 57 Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,
  • Ish 37:8 : 8 Markaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    55waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba.

    56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

    57Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,

    58iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,

  • Yash 21:8-12
    5 aayado
    79%

    8¶ Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse.

    9Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.

    10Oo waxaa iska lahaa reerkii Haaruun ee ahaa qolooyinkii reer Qohaad, kuwaasoo ka mid ahaa reer Laawi; maxaa yeelay, iyagaa saamiga hore lahaa.

    11Oo waxaa la siiyey Qiryad Arbac, oo Arbacna wuxuu ahaa Canaaq aabbihiis (oo taasuna waa Xebroon), oo waxay ku tiil dalka buuraha leh ee reer Yahuudah, iyada iyo agagaarkeeda ku wareegsanba.

    12Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxay siiyeen Kaaleeb ina Yefunneh inuu hanti ahaan u qaato.

  • 78%

    18iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    19Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii.

    20¶ Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim.

    21Oo waxay iyagii siiyeen Shekem iyo agagaarkeedii, oo waxay ku tiil dalka reer Efrayim oo buuraha leh, oo waxayna ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Geser iyo agagaarkeedii,

    22iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • Tir 35:11-15
    5 aayado
    74%

    11waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.

    12Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.

    13Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.

    14Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.

    15Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.

  • Yash 21:3-4
    2 aayado
    74%

    3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.

    4¶ Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo.

  • 74%

    31iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    32Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.

    33Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.

  • 73%

    26Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii.

    27¶ Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.

  • 73%

    14iyo Yatiir iyo agagaarkeedii, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,

    15iyo Xolon iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,

  • 7Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.

  • 13¶ Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).

  • 6¶ Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.

  • Yash 20:2-4
    3 aayado
    71%

    2La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,

    3in gacankudhiiglihii qof dilaa, isagoo aan u kasayn oo aan badheedh u samayn, uu halkaas u cararo; oo waxay idiin noqonayaan meeshaad ka magangeli lahaydeen kan dhiigga ka aarsada.

    4Oo magaalooyinkaas middood waa inuu u cararaa, oo waa inuu istaagaa iridda magaalada laga soo galo, oo xaalkiisa waa inuu u caddeeyaa odayaasha magaalada, oo iyana waa inay magaalada soo geliyaan, oo meel siiyaan inuu la degganaado.

  • 67Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii,

  • 42Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.

  • 13Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.

  • 70%

    37iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    38Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii,

  • 2Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.

  • 64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

  • 69%

    42in gacankudhiiglihii deriskiisa kama' u dilo, isagoo aan wakhti hore nebcayn, uu halkaas ku cararo, iyo in hadduu magaalooyinkan middood ku cararo uu noolaado.

    43Saddexdaas magaalona waxay ahaayeen Beser oo ku taal cidlada ah waddanka bannaan oo uu u doortay reer Ruubeen, iyo Raamod oo Gilecaad ku taal oo uu u doortay reer Gaad, iyo Goolaan oo Baashaan ku taal oo uu u doortay reer Manaseh.

  • 10iyo Sorcaah, iyo Ayaaloon, iyo Xebroon, oo dhammaantood ku yaal dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin, waxayna wada ahaayeen magaalooyin deyr leh.

  • 9Intaasu waa magaalooyinkii loo doortay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo qariibkii dhexdooda degganaa, in ku alla kii qof dilaa, isagoo aan u kasayn, uu halkaas ku carari karo inaanu ku dhiman gacanta kan dhiigga ka aarsada, ilaa uu hor istaago shirka.

  • 42¶ Libnaah, iyo Ceter, iyo Caashaan,

  • 19Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan.

  • 20Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.

  • 35iyo Dimnaah iyo agagaarkeedii, iyo Nahalaal iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 54Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.