Tirintii 35:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 14:3-4 : 3 Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin. 4 Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.
  • Yex 48:8 : 8 ¶ Oo soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.
  • Yex 48:22 : 22 Oo weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.
  • 1 Kor 9:10-14 : 10 mise innagoo dhan buu inoola jeeda? Hubaal, aawadeen baa loo qoray, waayo, kan beerta qodaa waa inuu rajo ku qodo, kan tumaana waa inuu tumo isagoo rajaynaya inuu wax qayb u helo. 11 Haddaannu idinku beernay waxyaalaha ruuxa, ma wax weyn baa haddaannu waxyaalaha jidhka idinka urursaano? 12 Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix. 13 Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin? 14 Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan.
  • Yash 21:2-9 : 2 Wayna kula hadleen, iyagoo jooga Shiiloh oo ku taal dalkii reer Kancaan, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu noogu amray Muuse in nala siiyo magaalooyin aan degno iyo agagaarkoodii ay xoolahayagu daaqaan. 3 Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa. 4 ¶ Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo. 5 ¶ Oo reer Qohaad intoodii hadhay waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Efrayim, iyo reer Daan, iyo reer Manaseh badhkood toban magaalo. 6 ¶ Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo. 7 ¶ Oo reer Meraariina sidii ay reerahoodii ahaayeen waxay ka heleen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Sebulun laba iyo toban magaalo. 8 ¶ Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse. 9 Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo. 10 Oo waxaa iska lahaa reerkii Haaruun ee ahaa qolooyinkii reer Qohaad, kuwaasoo ka mid ahaa reer Laawi; maxaa yeelay, iyagaa saamiga hore lahaa. 11 Oo waxaa la siiyey Qiryad Arbac, oo Arbacna wuxuu ahaa Canaaq aabbihiis (oo taasuna waa Xebroon), oo waxay ku tiil dalka buuraha leh ee reer Yahuudah, iyada iyo agagaarkeeda ku wareegsanba. 12 Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxay siiyeen Kaaleeb ina Yefunneh inuu hanti ahaan u qaato. 13 ¶ Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii waxay siiyeen Xebroon iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Libnaah iyo agagaarkeedii, 14 iyo Yatiir iyo agagaarkeedii, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii, 15 iyo Xolon iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii, 16 iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo. 17 Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii, 18 iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo. 19 Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii. 20 ¶ Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim. 21 Oo waxay iyagii siiyeen Shekem iyo agagaarkeedii, oo waxay ku tiil dalka reer Efrayim oo buuraha leh, oo waxayna ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Geser iyo agagaarkeedii, 22 iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo. 23 Oo qabiilkii reer Daanna waxay ka heleen Elteqaah iyo agagaarkeedii, iyo Gibbetoon iyo agagaarkeedii, 24 iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo. 25 Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo. 26 Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii. 27 ¶ Oo reer Gershoon oo ahaa reer Laawi waxaa qabiilkii reer Manaseh badhkiis laga siiyey Goolaan, oo Baashaan ku dhex taal iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo weliba Beceshteraah iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo. 28 Oo waxay qabiilkii reer Isaakaarna ka heleen Qiishyoon iyo agagaarkeedii, iyo Daaberad iyo agagaarkeedii, 29 iyo Yarmuud iyo agagaarkeedii, iyo Ceyn Ganniim iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo. 30 Oo waxay qabiilkii reer Aasheerna ka heleen Mishaal iyo agagaarkeedii, iyo Cabdoon iyo agagaarkeedii, 31 iyo Xelqad iyo agagaarkeedii, iyo Rexob iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo. 32 Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo. 33 Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen. 34 ¶ Oo qolooyinkii reer Meraarii oo ahaa intii ka hadhay reer Laawi waxay qabiilkii reer Sebulun ka heleen Yoqnecaam iyo agagaarkeedii, iyo Qartaah iyo agagaarkeedii, 35 iyo Dimnaah iyo agagaarkeedii, iyo Nahalaal iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo. 36 Oo waxay qabiilkii reer Ruubeenna ka heleen Beser iyo agagaarkeedii, iyo Yahas iyo agagaarkeedii, 37 iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo. 38 Oo waxay qabiilkii reer Gaadna ka heleen Raamod oo ku dhex taal Gilecaad iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Maxanayim iyo agagaarkeedii, 39 iyo Xeshboon iyo agagaarkeedii, iyo Yaser iyo agagaarkeedii, oo intaasu dhammaantood waxay ahaayeen afar magaalo. 40 Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyinkii qolooyinkii reer Meraarii iyo xataa reer Laawi intoodii hadhay, oo qaybtoodii waxay ahayd laba iyo toban magaalo. 41 Oo reer Laawi magaalooyinkoodii ay qaybta u heleen ee ku dhex yiil dalkii hantida u ahaa reer binu Israa'iil kulligood waxay ahaayeen siddeed iyo afartan magaalo iyo agagaarkoodii. 42 Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.
  • Yex 45:1-8 : 1 ¶ Oo weliba markaad dhulka saami dhaxal ahaan ugu qaybsataan, waa inaad Rabbiga qurbaan ka siisaan, kaasoo ah dalka qaybtiisa quduuska ah. Meeshaas dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna waa inuu ahaadaa toban kun oo cawsduur. Oo meeshaas hareeraheeda ku wareegsan oo dhammu waa inay quduus wada ahaadaan. 2 Oo waa in taas meesha quduuska ah looga yeelaa jago dhererkeedu yahay shan boqol, oo ballaadhkeeduna yahay shan boqol, oo afar gees ah, oo waa in konton dhudhun agagaarkeeda laga dhigaa. 3 Oo intaasna waa inaad ka qiyaastaa meel dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun, ballaadhkeeduna yahay toban kun, oo waxaa dhexdeeda ku oolli doona meesha quduuska ah taas oo ah meesha ugu wada quduusan. 4 Waa dalka qaybtiisa quduuska ah, oo waxaa iska leh wadaaddada ah kuwa meesha quduuska ah ka adeega oo u soo dhowaado inay Rabbiga u adeegaan. Oo waxay ahaan doontaa meel ay guryo ka dhistaan, iyo meel quduus ah oo ay daarta quduuska ahu ku dhex taal. 5 Oo meesha dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo ballaadhkeeduna yahay toban kun waa inay hanti ahaan u ahaataa reer Laawi oo daarta ka adeega, taas iyo labaatan qolladood. 6 Oo hantida magaalada waa inaad doorataan, taasoo ah meel ballaadhkeedu yahay shan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ay ag taal qaybta quduuska ah, oo taasna waxaa iska lahaan doona reer binu Israa'iil oo dhan. 7 Oo meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh. 8 Oo taasu waxay amiirka u ahaan doontaa hantida uu reer binu Israa'iil ku dhex leeyahay, oo amiirradayduna waa inayan mar dambe dadkayga dulmin, laakiinse dalka waa inay reer binu Israa'iil u siiyaan siday qabiilooyinkoodu kala yihiin.
  • Laaw 25:32-34 : 32 Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin. 33 Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil. 34 Laakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 35:3-10
    8 aayado
    86%

    3Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan.

    4Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah.

    5Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.

    6¶ Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.

    7Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.

    8Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.

    9¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    10Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,

  • Yash 21:2-3
    2 aayado
    85%

    2Wayna kula hadleen, iyagoo jooga Shiiloh oo ku taal dalkii reer Kancaan, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu noogu amray Muuse in nala siiyo magaalooyin aan degno iyo agagaarkoodii ay xoolahayagu daaqaan.

    3Markaasaa reer binu Israa'iil waxay dhaxalkoodii reer Laawi ka siiyeen magaalooyinkaas iyo agagaarkooda sidii amarka Rabbigu ahaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,

  • 81%

    64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

    65Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.

  • Yash 21:8-9
    2 aayado
    80%

    8¶ Oo reer binu Israa'iil magaalooyinkaas iyo agagaarkoodiiba waxay saami ku siiyeen reer Laawi sidii Rabbigu ku amray Muuse.

    9Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.

  • Tir 34:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Reer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,)

  • Yash 14:3-4
    2 aayado
    79%

    3Waayo, Muuse wuxuu laba qabiil iyo qabiil badhkiis dhaxal ka siiyey Webi Urdun shishadiisa: laakiinse reer Laawi innaba dhaxal ma uu siin.

    4Maxaa yeelay, reer Yuusuf waxay ahaayeen laba qabiil, oo kala ah reer Manaseh iyo reer Efrayim; oo dhulkii qayb lagama siin reer Laawi magaalooyinkii ay degganaayeen mooyaane, iyo agagaarkoodii ay xoolahoodii iyo alaabtoodii ku hayn jireen.

  • 76%

    32Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin.

    33Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.

    34Laakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,

  • 74%

    41Oo reer Laawi magaalooyinkoodii ay qaybta u heleen ee ku dhex yiil dalkii hantida u ahaa reer binu Israa'iil kulligood waxay ahaayeen siddeed iyo afartan magaalo iyo agagaarkoodii.

    42Magaalooyinkaas mid waluba waxay lahayd agagaarkeedii ku wareegsanaa; oo magaalooyinku dhammaantood sidaasay ahaayeen.

  • 13Markaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,

  • 2markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • Yex 45:5-6
    2 aayado
    73%

    5Oo meesha dhererkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo ballaadhkeeduna yahay toban kun waa inay hanti ahaan u ahaataa reer Laawi oo daarta ka adeega, taas iyo labaatan qolladood.

    6Oo hantida magaalada waa inaad doorataan, taasoo ah meel ballaadhkeedu yahay shan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ay ag taal qaybta quduuska ah, oo taasna waxaa iska lahaan doona reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 73%

    55waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba.

    56Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

  • Tir 35:13-14
    2 aayado
    73%

    13Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.

    14Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.

  • 2Oo iyagu waa inayan walaalahood dhaxal ku dhex yeelan. Dhaxalkooda waxaa ah Rabbiga siduu u sheegay.

  • 72%

    32¶ Kuwanu waa dhaxalkii Muuse ku qaybiyey banaankii Moo'aab, oo ka shisheeya Webi Urdun, meel u dhow Yerixoo, oo xagga bari ka xigta.

    33Laakiinse qabiilkii reer Laawi Muuse dhaxal ma uu siin. Waxaa dhaxal u ah Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu kula hadlay iyaga.

  • 2La hadal reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sooca magaalooyinkii magangalka oo aan idiinku sheegay Muuse,

  • Tir 18:24-25
    2 aayado
    72%

    24Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.

    25¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 30Oo reer binu Israa'iil badhkoodana kontonkiiba mid ka soo bixi dadka, iyo lo'da, iyo dameerrada, iyo idaha, iyo xataa xoolaha oo dhan, oo waxaad siisaa reer Laawi oo haya shuqulka taambuugga Rabbiga.

  • 27Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.

  • 53Laakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.

  • 33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.

  • 29Kuwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa'iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan.

  • 20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 4Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga.

  • 7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.

  • 2Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.