1 Taariikhdii 2:35
Markaasaa Sheeshaan gabadhiisii u guuriyey addoonkiisii Yarxaac la odhan jiray, oo iyana waxay isagii u dhashay Catay.
Markaasaa Sheeshaan gabadhiisii u guuriyey addoonkiisii Yarxaac la odhan jiray, oo iyana waxay isagii u dhashay Catay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
31Ina Afayimna wuxuu ahaa Yishcii. Ina Yishciina wuxuu ahaa Sheeshaan. Ina Sheeshaanna wuxuu ahaa Axlay.
32Shammay walaalkiisii oo Yaadaac ahaa wiilashiisiina waxay ahaayeen Yeter, iyo Yoonaataan, Yeterna wiilalla'aan buu ku dhintay.
33Wiilashii Yoonaataanna waxay ahaayeen Feled, iyo Saasaa. Kuwaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Yeraxme'eel.
34Haddaba Sheeshaan wiilal ma lahayn, gabdho mooyaane. Oo Sheeshaan wuxuu lahaa addoon Masri ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Yarxaac.
36Catayna wuxuu dhalay Naataan, Naataanna wuxuu dhalay Saabaad,
37Saabaadna wuxuu dhalay Eflaal, Eflaalna wuxuu dhalay Coobeed,
26Oo Yeraxme'eelna wuxuu qabay naag kale, oo magaceeda la odhan jiray Cataaraah, oo iyana waxay ahayd Oonaam hooyadiis.
19oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham.
20Oo iyada dabadeedna wuxuu guursaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, oo waxay isagii u dhashay Abiiyaah, iyo Catay, iyo Siisaa, iyo Shelomiid.
47Wiilashii Yaahdayna waxay ahaayeen Regem, iyo Yootam, iyo Geeshaan, iyo Feled, iyo Ceefah, iyo Shacaf.
48Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah.
49Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.
11Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad,
17Abiigayilna waxay dhashay Camaasaa, oo Camaasaa aabbihiisna wuxuu ahaa Yeter oo reer Ismaaciil ahaa.
18¶ Kaaleeb ina Xesroonna wuxuu carruur ka dhalay naagtiisii Casuubaah, iyo Yeriicood, oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilasheedii, waana Yeesher, iyo Shoobaab, iyo Ardoon.
2Oo waxay u dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah.
28Wiilashii Oonaamna waxay ahaayeen Shammay, iyo Yaadaac, wiilashii Shammayna waxay ahaayeen Naadaab iyo Abiishuur.
29Oo naagtii Abiishuur magaceedana waxaa la odhan jiray Abiixayil, iyana waxay isagii u dhashay Axbaan iyo Mooliid.
24Oo gabadhiisana waxaa la odhan jiray She'eraah, oo iyadu waxay dhistay Beytxooroon tan hoose iyo tan sareba, iyo weliba Useen She'eraah.
8Oo Shaxarayimna wuxuu carruur ku dhalay dalkii Moo'aab markuu iska diray naagihiisii ahaa Xushiim iyo Bacaraa dabadeed.
45Shammay wiilkiisiina wuxuu ahaa Maacoon, Maacoonna wuxuu ahaa Beytsuur aabbihiis.
16Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
17Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
12Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
13Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
32Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.
15Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.
26iyo Shamsheray, iyo Shexaryaah, iyo Catalyaah,
27Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale.
18Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday.
19Oo Hoodiyaah naagtiisii oo ahayd Naxam walaashiis wiilasheediina waxay ahaayeen Qeciilaah kii reer Garmii aabbihiis, iyo Eshtemooca oo ahaa reer Macakaad.
12Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
13Yesayna wuxuu dhalay curadkiisii oo ahaa Elii'aab, iyo Abiinaadaab oo ahaa wiilkiisii labaad, iyo Shimcaa oo ahaa wiilkiisii saddexaad,
32¶ Oo kuwanuna waa wiilashii Qetuurah, taas oo ahayd Ibraahim naagtiisii addoonta ahayd. Iyadu waxay dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. Yoqshaan wiilashiisiina waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.
40Elecaasaahna wuxuu dhalay Sismay, Sismayna wuxuu dhalay Shalluum,
22Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix.
6Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii.