1 Taariikhdii 7:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 26:33 : 33 Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.
  • Tir 36:1-9 : 1 ¶ Markaas madaxdii qabiilka reer Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, ina Manaseh oo ka mid ahaa qabiilooyinkii ilma Yuusuf way soo dhowaadeen, oo waxay ku hor hadleen Muuse iyo amiirradii ahaa madaxdii qolooyinka reer binu Israa'iil, 2 oo waxay yidhaahdeen, Sayidkayagiiyow, Rabbigu wuxuu kugu amray inaad reer binu Israa'iil dalka dhaxal ahaan saami ugu kala qaybiso, oo weliba, sayidkayagiiyow, waxaa Rabbigu kugu amray inaad walaalkayo Selaafexaad gabdhihiisa dhaxalka siiso. 3 Oo hadday guursadaan wiilasha qabiilooyinka kale oo reer binu Israa'iil, markaas dhaxalkoodii waa laga gooynayaa dhaxalka awowayaashayo, oo waxaa lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa looga qaadan doonaa qaybtii dhaxalkayaga. 4 Oo markii reer binu Israa'iil ay gaadhaan sannaddii Yubilii, ayaa dhaxalkooda lagu dari doonaa dhaxalka qabiilka ay ka guursadeen, oo sidaasaa dhaxalkooda looga qaadi doonaa dhaxalka qabiilka awowayaashayo. 5 Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil ku amray sidii uu eraygii Rabbigu ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Qabiilka ilma Yuusuf wax qumman bay ku hadleen. 6 Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen. 7 Sidaasaanu dhaxalka reer binu Israa'iil qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, reer binu Israa'iil nin waluba waa inuu sii xajiyaa dhaxalkii qabiilka awowayaashiis. 8 Oo gabadh kasta oo dhaxal ku leh qabiilooyinka reer binu Israa'iil middood waa inay afo u ahaato mid ka mid ah qolada qabiilka aabbaheed, si reer binu Israa'iil nin waluba u lahaado dhaxalkii awowayaashiis. 9 Sidaasaanu dhaxalna qabiil uga tagayn oo qabiil kale ugu dhaafayn, waayo, qabiilooyinka reer binu Israa'iil mid waluba waa inuu dhaxalkiisa sii xajiyaa. 10 Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen, 11 waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood. 12 Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.
  • Tir 27:1-9 : 1 ¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah. 2 Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen, 3 Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn. 4 In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii. 5 Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa. 6 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 7 Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa. 8 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan. 9 Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis. 10 Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan. 11 Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    16Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.

    17Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.

    18Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.

  • 79%

    12iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.

    13¶ Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.

    14¶ Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,

  • 3Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.

  • 1¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

  • Tir 36:10-12
    3 aayado
    76%

    10Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,

    11waayo, Maxlaah, iyo Tirsaah, iyo Xoglaah, iyo Milkaah, iyo Nocaah, oo ahaa Selaafexaad gabdhihiisii, waxay wada guursadeen ilma-adeerradood.

    12Oo waxay ka guursadeen qabiilooyinkii ilma Manaseh oo ahaa ina Yuusuf, oo dhaxalkoodii wuxuu ku hadhay qabiilkii reerka aabbahood.

  • Tir 26:32-33
    2 aayado
    75%

    32iyo Shemiidaac oo dhalay qabiilka reer Shemiidaac, iyo Heefer oo dhalay qabiilka reer Heefer.

    33Oo Selaafexaad oo ahaa ina Heefer wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane. Oo Selaafexaad gabdhihiisa magacyadoodu waxay ahaayeen Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

  • 35¶ Oo Gibecoonna waxaa degganaa Gibecoon aabbihiis oo la odhan jiray Yecii'eel, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah,

  • 32Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.

  • 21Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.

  • 29Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad.

  • 72%

    18Naagtiisii Yahuudiyadda ahaydna waxay dhashay Yered oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Xeber oo ahaa Sookoo aabbihiis, iyo Yequutii'eel oo ahaa Saanoo'ax aabbihiis. Oo kuwanuna waa wiilashii Bityaah oo ahayd ina Fircoon oo uu Mered guursaday.

    19Oo Hoodiyaah naagtiisii oo ahayd Naxam walaashiis wiilasheediina waxay ahaayeen Qeciilaah kii reer Garmii aabbihiis, iyo Eshtemooca oo ahaa reer Macakaad.

  • 72%

    48Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah.

    49Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.

  • 29Oo Gibecoonna waxaa degganaa Gibecoon aabbihiis Yecii'eel, oo naagtiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah,

  • 7Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa.

  • 70%

    18¶ Oo Rexabcaam wuxuu guursaday Maxalad oo ay dhaleen Yeriimood ina Daa'uud iyo Abiixayil oo ahayd ina Elii'aab ina Yesay,

    19oo iyana waxay isagii u dhashay wiilal, waana Yecuush, iyo Shemaryaah, iyo Saham.

    20Oo iyada dabadeedna wuxuu guursaday Macakaah oo ahayd ina Absaaloom, oo waxay isagii u dhashay Abiiyaah, iyo Catay, iyo Siisaa, iyo Shelomiid.

  • 30¶ Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.

  • 70%

    16Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

    17Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.

  • 9Oo naagtiisii Xodeshna wuxuu ka dhalay Yoobaab, iyo Sibyaa, iyo Meeshaa, iyo Malkaam,

  • Xaak 1:12-13
    2 aayado
    69%

    12Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

    13Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.

  • 42¶ Yeraxme'eel walaalkiis Kaaleeb wiilashiisiina waxay ahaayeen curadkiisii Meeshaac, oo Siif aabbihiis ahaa, iyo wiilashii Maareeshaah oo ahaa Xebroon aabbihiis.

  • 6maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

  • 23Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.

  • 19Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood,

  • 61Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay.

  • 16oo walaalahoodii gabdhaha ahaana waxay ahaayeen Seruuyaah iyo Abiigayil, oo Seruuyaah wiilasheediina waxay ahaayeen saddex, Abishay iyo Yoo'aab iyo Casaaheel.

  • 6Waxyaalaha ku saabsan Selaafexaad gabdhihiisa oo Rabbigu amray waa kuwan, oo wuxuu yidhi, Iyagu ha guursadeen kii la wanaagsan iyaga, laakiinse qabiilka aabbahood uun ha ka guursadeen.

  • 29Oo naagtii Abiishuur magaceedana waxaa la odhan jiray Abiixayil, iyana waxay isagii u dhashay Axbaan iyo Mooliid.

  • 22Oo Elecaasaarna wuxuu dhintay isagoo gabdho keliya mooyaane aan wiilal lahayn, oo waxaa gabdhihiisii guursaday reer Qiish oo ahaa ilma-adeerradood.

  • 9Markaasuu Ceesaw wuxuu u kacay xagga Ismaaciil, oo wuxuu naagihii uu qabay ku daray Mahalad gabadhii Ismaaciil ina Ibraahim, taas oo ahayd Nebayod walaashiis, si ay naagtiisii u noqoto.