4iyo reer Heemaan: oo wiilashii Heemaanna waxay ahaayeen Buqiyaah, iyo Matanyaah, iyo Cusii'eel, iyo Shebuu'eel, iyo Yeriimood, iyo Xananyaah, iyo Xanaanii, iyo Elii'aataah, iyo Giddaltii, iyo Romamtii Ceser, iyo Yaashbeqaashaah, iyo Mallootii, iyo Hootiir, iyo Maxasii'ood.
5Oo kuwaas oo dhammuna waxay ahaayeen wiilashii Heemaan kaasoo ahaa waxarkihii boqorka u sheegi jiray erayadii Ilaah, oo geeska kor u qaadi jiray. Oo Ilaahna wuxuu Heemaan siiyey afar iyo toban wiil iyo saddex gabdhood.
6Oo intaas oo dhammu waxay ka hooseeyeen aabbahood inay gurigii Rabbiga ku dhex gabyaan iyagoo haysta suxuun laysku garaaco, iyo shareerado, iyo kataarado, inay ka adeegaan guriga Ilaah, oo boqorku wuxuu saas ku amray Aasaaf iyo Yeduutuun iyo Heemaan.
7Oo iyagii iyo walaalahood la jiray ee la baray inay Rabbiga u gabyaan kuwaasoo dhammaan farsamada yiqiin tiradoodu waxay ahayd laba boqol iyo siddeed iyo siddeetan nin.