6iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah,
7iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.
8Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.
9Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen.
10Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,