1 Taariikhdii 26:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Intaasu waxay ahaayeen kooxihii iridjoogayaasha, oo waxayna ahaayeen reer Qorax iyo reer Meraarii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 16:11 : 11 Haddaba adiga iyo guutadaada oo dhammu waxaad isu soo urursateen oo aad gees ka tihiin Rabbiga. Balse maxaa dhacay oo aad Haaruun ugu gunuustaan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.

  • 1¶ Oo kooxihii iridjoogayaashiina waa kuwan: reer Qorax waxaa laga doortay Meshelemyaah ina Qore oo ahaa reer Aasaaf.

  • 79%

    17Oo iridjoogayaashiina waxaa ka joogay Shalluum, iyo Caquub, iyo Talmon, iyo Axiiman, iyo walaalahood, oo waxaa iyaga madax u ahaa Shalluum,

    18oo ilaa maantadan la joogo boqorka iriddiisa xaggeeda bari joogi jiray, oo iyagu waxay iridjoogayaal u ahaayeen xeradii reer Laawi.

    19Oo Shalluum ina Qore oo ahaa ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, iyo walaalihiis oo ahaa reer Qorax, waxay u talin jireen shuqulkii adeegidda, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii irdaha taambuugga, oo awowayaashoodna waxay u talin jireen xeradii Rabbiga, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii iridda.

  • 78%

    26waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.

    27Oo iyagu waxay u hoyan jireen guriga Ilaah hareerihiisa, maxaa yeelay, ilaalinta gurigu iyagay saarnayd, oo waxaa iyaga joogto u ahaa inay subax kasta furaan.

  • 77%

    16Shufiim iyo Xosaahna waxaa u soo baxay dhankii galbeed oo u dhowaa iriddii Shalleked la odhan jiray, oo ku ag tiil jidka kor u baxa, oo waardiyeba waardiyaha kaluu ka soo hor jeeday.

    17Dhanka bari waxaa joogi jiray lix reer Laawi ah, dhanka woqooyina maalintiiba waxaa dhawri jiray afar nin, dhanka koonfureedna maalintiiba waxaa dhawri jiray afar nin, oo guryaha wax lagu kaydiyana waxaa dhawri jiray laba laba nin.

    18Oo Farbaar dhankeedii galbeed, oo u dhow jidkiina waxaa dhawri jiray afar, oo Farbaarna waxaa dhawri jiray laba.

  • 14Oo Qore ina Yimnaah oo ahaa reer Laawi, oo ahaa iridjoogihii joogay iridda bari, isna wuxuu u talin jiray qurbaannada ikhtiyaarka loogu bixiyo Ilaah inuu qaybiyo qurbaannada Rabbiga iyo waxyaalaha ugu wada quduusan.

  • 6Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 74%

    21Oo Sekaryaah ina Meshelemyaahna wuxuu ahaan jiray iridjoogihii iridda teendhadii shirka.

    22Oo kulligood intaas loo doortay inay iridjoogayaal ahaadaan waxay dhammaantood ahaayeen laba boqol iyo laba iyo toban. Oo kuwaas abtiriskooda waxaa lagu tiriyey tuulooyinkoodii, kuwaasoo Daa'uud iyo Samuu'eel oo ahaa waxarkihii ay u doorteen shuqulkoodii lagu aaminay.

    23Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah.

    24Oo afarta dhinacba waxaa joogay iridjoogayaashii xagga bari, iyo xagga galbeed, iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.

  • 57¶ Kuwii laga tiriyey reer Laawi iyo qolooyinkoodii waa kuwan: Gershoon oo dhalay qabiilka reer Gershoon, iyo Qohaad oo dhalay qabiilka reer Qohaad, iyo Meraarii oo dhalay qabiilka reer Meraarii.

  • 20¶ Oo mid ka mid ahaa reer Laawi oo Axiiyaah ahaana wuxuu u talin jiray khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii ay alaabta quduuska ahu tiil.

  • 25Oo Matanyaah, iyo Baqbuqyaah, iyo Cobadyaah, iyo Meshullaam, iyo Talmon, iyo Caquub waxay ahaayeen irid-dhawryadii dhawri jiray bakhaarradii u dhowaa irdaha.

  • 13Oo weliba waxay kaloo u talin jireen xammaalladii, hore bayna u wadi jireen shuqulkii kuwii shaqayn jiray oo dhan, cayn kastoo hawshoodu ahaydba, oo reer Laawina waxaa ka joogay karraaniyo iyo saraakiil iyo iridjoogayaal.

  • 18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.

  • 38isaga iyo Cobeed Edoom oo ay la jiraan siddeed iyo lixdan nin oo walaalahood ah, oo weliba Cobeed Edoom oo ahaa ina Yeduutuun iyo Xosaahna wuxuu uga tegey inay ahaadaan iridjoogayaal.

  • 16¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoom, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 4Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,

  • 23Oo Berekyaah iyo Elqaanaahna waxay iridjoogayaal u ahaayeen sanduuqii.

  • 19Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan.

  • 19Wiilashii Meraariina waxay ahaayeen Maxlii iyo Mushii. Oo intaasu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay reerahoodu ahaayeen.

  • 42¶ Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay, kulligood waxay isku ahaayeen boqol iyo sagaal iyo soddon.

  • 15Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi.

  • 42¶ Oo kuwii qolooyinka reer Meraarii ee qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey,

  • 14Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.

  • 19Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.

  • 36Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,

  • 1¶ Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 70%

    16oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen,

    17oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen,

  • 19Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.

  • 45Oo waxay dhawreen wixii ku saabsanaa u adeegidda Ilaahood iyo wixii ku saabsanaa isdaahirinta, oo kuwii gabayaaga ahaa iyo irid-dhawryadiina saasoo kalay yeeleen, sidii uu amarkii Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaan ahaa.

  • 26Kii sagaal iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Mallootii, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 24Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.

  • 29¶ Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa.

  • 11Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 19Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan.

  • 17Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Laawi magacyadoodii: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

  • 33Taasu waa hawshii qolooyinka reer Meraarii, sida ay tahay dhammaan hawshooda ku saabsan teendhada shirka, oo waxay ka hoosaysaa gacantii Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.

  • 45Kuwanu waa kuwii qolooyinka reer Meraarii oo la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay ku tiriyeen amarkii Rabbiga ee uu gacanta Muuse u dhiibay.

  • 36Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.

  • 20Oo wiilashii Meraariina siday qolooyinkoodu yihiin waa Maxlii iyo Mushii, kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi siday reerahoodu yihiin.

  • 19iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,

  • 23Oo waxaana jiray reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel.