Nexemyaah 11:19
Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan.
Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
40¶ Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.
41¶ Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan.
42¶ Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay, kulligood waxay isku ahaayeen boqol iyo sagaal iyo soddon.
25Oo Matanyaah, iyo Baqbuqyaah, iyo Cobadyaah, iyo Meshullaam, iyo Talmon, iyo Caquub waxay ahaayeen irid-dhawryadii dhawri jiray bakhaarradii u dhowaa irdaha.
21Oo Sekaryaah ina Meshelemyaahna wuxuu ahaan jiray iridjoogihii iridda teendhadii shirka.
22Oo kulligood intaas loo doortay inay iridjoogayaal ahaadaan waxay dhammaantood ahaayeen laba boqol iyo laba iyo toban. Oo kuwaas abtiriskooda waxaa lagu tiriyey tuulooyinkoodii, kuwaasoo Daa'uud iyo Samuu'eel oo ahaa waxarkihii ay u doorteen shuqulkoodii lagu aaminay.
23Haddaba iyaga iyo carruurtooduba waxay u sarrayn jireen irdaha guriga Rabbiga, kaasoo ahaa gurigii taambuugga iyagoo waardiyayaal ah.
24Oo afarta dhinacba waxaa joogay iridjoogayaashii xagga bari, iyo xagga galbeed, iyo xagga woqooyi, iyo xagga koonfureedba.
45Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay waxay isku ahaayeen boqol iyo siddeed iyo soddon.
17Oo iridjoogayaashiina waxaa ka joogay Shalluum, iyo Caquub, iyo Talmon, iyo Axiiman, iyo walaalahood, oo waxaa iyaga madax u ahaa Shalluum,
18oo ilaa maantadan la joogo boqorka iriddiisa xaggeeda bari joogi jiray, oo iyagu waxay iridjoogayaal u ahaayeen xeradii reer Laawi.
19Oo Shalluum ina Qore oo ahaa ina Ebiyaasaaf, ina Qorax, iyo walaalihiis oo ahaa reer Qorax, waxay u talin jireen shuqulkii adeegidda, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii irdaha taambuugga, oo awowayaashoodna waxay u talin jireen xeradii Rabbiga, oo waxay ahaayeen waardiyayaashii iridda.
18Kuwii reer Laawi oo dhan oo magaalada quduuska ah joogay waxay ahaayeen laba boqol iyo afar iyo siddeetan.
12Oo iridjoogayaasha kooxahooduna intaasay ka koobnaayeen, waxayna ahaayeen rag madax ah, oo sida walaalahood hawl madax ka ah inay guriga Rabbiga ka dhex adeegaan.
38isaga iyo Cobeed Edoom oo ay la jiraan siddeed iyo lixdan nin oo walaalahood ah, oo weliba Cobeed Edoom oo ahaa ina Yeduutuun iyo Xosaahna wuxuu uga tegey inay ahaadaan iridjoogayaal.
18oo iyaga waxaa la jiray walaalahood oo ahaa darajadii labaad, waxayna ahaayeen Sekaryaah, iyo Been, iyo Yacasii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Cunnii, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matityaah, iyo Eliifeleehuu, iyo Miqneeyaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo dhammaantood wada ahaa iridjoogayaal.
26waayo, afarta iridjooge oo sare oo ahaa reer Laawi waxay ku jireen jagooyin joogto ah, oo waxay u talin jireen qolalka, iyo khasnadihii guriga Ilaah.
14iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim.
18Oo Farbaar dhankeedii galbeed, oo u dhow jidkiina waxaa dhawri jiray afar, oo Farbaarna waxaa dhawri jiray laba.
19Intaasu waxay ahaayeen kooxihii iridjoogayaasha, oo waxayna ahaayeen reer Qorax iyo reer Meraarii.
31raggii reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
32raggii reer Beytel iyo reer Aaciina boqol iyo saddex iyo labaatan,
19Oo kuwanu waxay ahaayeen intii boqorka u adeegi jirtay, oo ayan ku jirin kuwii uu boqorku fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah ku yiil oo dhan.
27reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
28reer Beytel iyo reer Aaciina laba boqol iyo saddex iyo labaatan,
20Oo intii ka hadhay reer binu Israa'iil oo ahaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay joogeen magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan, oo mid waluba wuxuu degganaa dhulkii uu dhaxalka u helay.
39iyo xagga ka sarraysa Iridda Efrayim, iyo Iridda Gabooday agteeda, iyo Iridda Kalluunka, iyo Munaaradda Xananeel, iyo Munaaradda Mee'aah, iyo xataa Iridda Idaha; oo waxay joogsadeen Iriddii Waardiyaha.
21reer Beytlaxamna boqol iyo saddex iyo labaatan,
22reer Netofaahna lix iyo konton,
23reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan,
24reer Casmaawedna laba iyo afartan,
70Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.
6oo meel saddexaadna iridda Suur ha joogeen; meel saddexaadna ha joogeen iridda askartii ordi jirtay ka dambaysa; sidaas waa inaad guriga u ilaalisaan oo aad wax uga celisaan.
7Oo labadiinna guuto oo ah kulli inta sabtida baxda oo dhanba waa inay guriga Rabbiga ilaaliyaan iyagoo boqorka ku wareegsan.
12iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah,
19Oo iridjoogayaashiina wuxuu joojiyey irdihii guriga Rabbiga si uusan u soo gelin mid wax ku nijaasoobay wax kasta ha ahaadee.
3Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
9Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen.
16reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,
17reer Beesayna saddex boqol iyo saddex iyo labaatan,
20iyo reer Netiiniim oo ay Daa'uud iyo amiirradiisii u dhiibeen adeegiddii reer Laawi oo laba boqol iyo labaatan ahaa, oo dhammaantoodna ninba magiciisii baa loogu yeedhi jiray.
12Wiilashii Casgaadna waxaa ka socday Yooxaanaan oo ahaa ina Haqaataan, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo toban nin.
4Haddaba idinku sidan yeela: qaybtiinna saddexaad ee sabtida gasha oo ah reer Laawi iyo wadaaddadu, waa inay ahaadaan iridjoogayaal albaabbada jooga,
8Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
15Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi.
3Oo waxaan iyagii ku idhi, Jeer ay qorraxdu kululaato yaan la furin irdaha Yeruusaalem, oo intay waardiyayaashu taagan yihiin albaabbada ha la xidho, oo idinku qataara, dadka Yeruusaalem degganna waardiyayaal ka doorta, oo mid waluba ha dhawro meel gurigiisa ka soo hor jeedda.
12reer Casgaadna kun iyo laba boqol iyo laba iyo labaatan,
8Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.
4Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,