1 Taariikhdii 27:31
oo adhyahana waxaa u talinayay Yaasiis oo ahaa reer Hagrii. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen taliyayaashii maalkii Boqor Daa'uud.
oo adhyahana waxaa u talinayay Yaasiis oo ahaa reer Hagrii. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen taliyayaashii maalkii Boqor Daa'uud.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
25¶ Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah.
26Oo kuwii samayn jiray shuqulka beeraha inay dhulka qodaanna waxaa u talinayay Cesrii ina Keluub.
27Oo beeraha canabka ahna waxaa u talinayay Shimcii oo ahaa reer Raamad, oo guryihii lagu kaydiyey khamrigii laga helay beeraha canabka ahna waxaa u talinayay Sabdii oo ahaa reer Shifmii.
28Oo dhirtii saytuunka ahayd iyo dhirtii darayga ahayd oo dalkii dooxada ahaa ku yiilna waxaa u talinayay Bacal Xaanaan oo ahaa reer Geder, guryihii saliidda lagu kaydiyeyna waxaa u talinayay Yoo'aash.
29Oo lo'dii Shaaroon daaqi jirtayna waxaa u talinayay Shitray oo ahaa reer Shaaroon, oo lo'dii dooxooyinka joogtayna waxaa u talinayay Shaafaad ina Adlay.
30Oo geelashana waxaa u talinayay Oobiil oo ahaa reer Ismaaciil, oo dameerahana waxaa u talinayay Yexdeyaah oo ahaa reer Meeronotii,
32¶ Oo weliba Yoonaataan oo ahaa Daa'uud adeerkiis wuxuu ahaa lataliye waxgarasho weyn leh, iyo karraaniba, oo Yexii'eel ina Xakmooniina wuxuu la jiray boqorka wiilashiisa.
14¶ Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey, oo wuxuu dadkiisa oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
15Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
16oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.
17Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.
13Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah.
15¶ Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
16Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
17oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;
18Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.
22reer Daanna waxaa u talinayay Casareel ina Yeroxaam. Oo kuwaasu waxay ahaayeen saraakiishii qabiilooyinka reer binu Israa'iil.
1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.
26oo Ciiraa oo reer Yaa'iir ahaa isna Daa'uud buu wadaad u ahaa.
20Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud.
7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
10¶ Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.
31Oo reer Xebroonna Yeriyaah madax buu ahaa, intaasu waa reer Xebroon sidii dadka reerahoodu u kala dhasheen. Oo waxaa iyaga la doondoonay sannaddii afartanaad oo boqortooyadii Daa'uud, oo waxaa iyaga dhexdoodii laga helay rag xoog badan oo jooga Yacser tii reer Gilecaad.
32Oo walaalihiis oo ahaa rag xoog badanuna waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol oo nin, oo ah madaxdii qolooyinka kuwaasoo boqor Daa'uud uu ka dhigay inay taliyayaal ugu ahaadaan reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, xagga wax kasta oo xag Ilaah ku saabsan, iyo xagga danaha boqorkaba.
34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.
22iyo Yooqiim, iyo dadka reer Kosebaa, iyo Yoo'aash, iyo Saaraaf oo u talin jiray Moo'aab, iyo Yaashubilexem. Oo taariikhduna waa wax aad u gaboobay.
6oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.
4iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad,
8Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
12kuwaas oo ahaa reer Suuriya, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq, iyo dhicii uu boqorkii Soobaah oo ahaa Hadadceser ina Rexob ka helay.
27oo wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay,
23¶ Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.
24Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,
26¶ Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.
28Oo kuwaasu qarniyadoodii oo dhan waxay ahaayeen madaxdii reerahooda, oo waxay degganaayeen Yeruusaalem.
30Oo waxaa halkaas ku qoran kulli wakhtiyadii ay soo mareen boqortooyadiisii iyo xooggiisii, iyo wakhtiyadii ay isaga iyo reer binu Israa'iil, iyo boqortooyooyinkii waddammada oo dhammuba soo mareen.
12¶ Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.
70Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,
71Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
24Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan.
27¶ Markii Daa'uud yimid Maxanayim waxaa u yimid Shobii oo ahaa ina Naaxaash ee ahaa reer Cammoonkii degganaa Rabbaah, iyo Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel ee ahaa reer Loo Debaar, iyo Barsillay oo ahaa reer Gilecaadkii degganaa Rogeliim,
41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,
2Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.
23Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa.
2¶ Oo waxaa jiray nin reer Maacoon ahaa oo ay xoolihiisu Karmel joogeen, oo ninkaasuna aad buu u weynaa, oo wuxuu lahaa saddex kun oo ido ah iyo kun riyo ah, oo isna idihiisii ayuu Karmel ku xiirayay.