2 Samuu'eel 20:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo Ciiraa oo reer Yaa'iir ahaa isna Daa'uud buu wadaad u ahaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 2:14 : 14 Markaasuu wuxuu yidhi, Bal yaa amiir iyo xaakin nooga kaa dhigay? Ma waxaad doonaysaa inaad ii disho sidaad u dishay Masriga? Markaasaa Muuse cabsaday, oo wuxuu isyidhi, Hubaal wixii waa la ogaaday.
  • 2 Sam 23:38 : 38 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
  • 1 Taar 11:40 : 40 iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,
  • 2 Taar 35:15 : 15 Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaafna waxay joogeen meeshoodii sidii uu ahaa amarkii Daa'uud, iyo Aasaaf, iyo Heemaan, iyo Yeduutuun oo ahaa boqorka wax arkihiisii, oo iridjoogayaashiina waxay joogeen irid kasta, oo iyagu uma ay baahnayn inay hawshooda ka tagaan, waayo, iyaga waxaa wax u diyaarin jiray walaalahoodii reer Laawi.
  • Bil 41:43 : 43 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan.
  • Bil 41:45 : 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray.
  • Bax 2:16 : 16 Haddaba wadaadkii Midyaan wuxuu lahaa toddoba gabdhood. Intay ceelkii yimaadeen ayay dhaamiyeen oo berkedihii biyo ka buuxiyeen inay waraabiyaan idihii aabbahood.
  • Bax 24:11 : 11 Oo odayaashii reer binu Israa'iilna far ma uu saarin, oo Ilaah bay arkeen, waxna way cuneen oo cabbeen.
  • Xaak 10:4-5 : 4 Oo isna wuxuu lahaa soddon wiil oo soddon qayl dameer fuuli jirtay, oo iyana waxay lahaayeen soddon magaalo, oo ilaa maantadan la joogo la yidhaahdo Hawood Yaa'iir, oo waxay ku yaalliin dalka Gilecaad. 5 Markaasaa Yaa'iir dhintay, oo waxaa lagu aasay Qaamoon.
  • 2 Sam 8:18 : 18 Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 76%

    40iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,

    41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,

  • 74%

    23¶ Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.

    24Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,

    25oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,

  • 28iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, iyo Abiiceser oo ahaa reer Canaatood,

  • 38iyo Ciiraa oo ahaa reer Yeter, iyo Gaareeb oo ahaa reer Yeter,

  • 70%

    16Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay; oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,

    17oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, oo Seraayaahna wuxuu ahaa karraani;

    18Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen wasiiro.

  • 70%

    15Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,

    16oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.

    17Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.

  • 10¶ Haddaba kuwanu waa kuwii u horreeyey ee nimankii xoogga badnaa oo Daa'uud haystay, kuwaasoo ismuujiyey inay isaga iyo boqortooyadiisa aad iyo aad ula jiraan si ay boqor uga dhigtaan iyadoo reer binu Israa'iil oo dhammu ay la wada jiraan, siduu ahaa Eraygii Rabbiga oo reer binu Israa'iil ku saabsanaa.

  • 69%

    29Oo lo'dii Shaaroon daaqi jirtayna waxaa u talinayay Shitray oo ahaa reer Shaaroon, oo lo'dii dooxooyinka joogtayna waxaa u talinayay Shaafaad ina Adlay.

    30Oo geelashana waxaa u talinayay Oobiil oo ahaa reer Ismaaciil, oo dameerahana waxaa u talinayay Yexdeyaah oo ahaa reer Meeronotii,

    31oo adhyahana waxaa u talinayay Yaasiis oo ahaa reer Hagrii. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen taliyayaashii maalkii Boqor Daa'uud.

    32¶ Oo weliba Yoonaataan oo ahaa Daa'uud adeerkiis wuxuu ahaa lataliye waxgarasho weyn leh, iyo karraaniba, oo Yexii'eel ina Xakmooniina wuxuu la jiray boqorka wiilashiisa.

  • 9Oo sirkaalkii lixaad oo bishii lixaad bixi jirayna wuxuu ahaa Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca, oo isaga kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

  • 68%

    31Oo reer Xebroonna Yeriyaah madax buu ahaa, intaasu waa reer Xebroon sidii dadka reerahoodu u kala dhasheen. Oo waxaa iyaga la doondoonay sannaddii afartanaad oo boqortooyadii Daa'uud, oo waxaa iyaga dhexdoodii laga helay rag xoog badan oo jooga Yacser tii reer Gilecaad.

    32Oo walaalihiis oo ahaa rag xoog badanuna waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol oo nin, oo ah madaxdii qolooyinka kuwaasoo boqor Daa'uud uu ka dhigay inay taliyayaal ugu ahaadaan reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilkii reer Manaseh badhkiis, xagga wax kasta oo xag Ilaah ku saabsan, iyo xagga danaha boqorkaba.

  • 34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.

  • 11Markaasaa Daa'uud u yeedhay Saadooq iyo Aabyaataar oo wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa Uurii'eel, iyo Casaayaah, iyo Yoo'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elii'eel, iyo Cammiinaadaab,

  • 26¶ Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 20iyo Eliiceenay, iyo Silletay, iyo Elii'eel,

  • 20¶ Oo mid ka mid ahaa reer Laawi oo Axiiyaah ahaana wuxuu u talin jiray khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii ay alaabta quduuska ahu tiil.

  • 18Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.

  • 6oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade.

  • 3¶ Oo kaas dabadiisna waxaa kacay Yaa'iir oo reer Gilecaad ahaa, oo isna wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba iyo labaatan sannadood.

  • 2Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta.

  • 66%

    20Oo waxaa ka baxsaday oo Daa'uud ka daba cararay mid ka mid ah wiilashii Axiimeleg ina Axiituub, magiciisana la odhan jiray Aabyaataar.

    21Markaasaa Aabyaataar wuxuu Daa'uud u sheegay in Saa'uul laayay wadaaddadii Rabbiga.

  • 3Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.

  • 66%

    21reer Manaseh badhkiisii kale oo joogay dalka Gilecaadna waxaa u talinayay Iddo ina Sekaryaah, reer Benyaamiinna waxaa u talinayay Yacasii'eel ina Abneer,

    22reer Daanna waxaa u talinayay Casareel ina Yeroxaam. Oo kuwaasu waxay ahaayeen saraakiishii qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

  • 2Waagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil.

  • 11iyo Seraayaah oo ahaa ina Xilqiyaah, ina Meshullaam, ina Saadooq, ina Meraayood, ina Axiituub oo u talin jiray guriga Ilaah,

  • 16iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled.

  • 26iyo Xeles oo ahaa reer Faltii, iyo Ciiraa ina Ciqeesh oo ahaa reer Teqooca,

  • 4Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo;

  • 24Oo kuwii reer Laawi madaxda u ahaa waxay ahaayeen Xashabyaah, iyo Sheereebyaah, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Qadmii'eel, iyo walaalahoodii iyaga ka soo hor jeeday inay Ilaah ammaanaan oo ay u mahadnaqaan, siduu amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah, iyagoo iska soo hor jeeda.

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 20Oo adna, sayidow, boqorkaygiiyow, indhihii dadka dalka Israa'iil oo dhammu adigay ku soo fiirinayaan, inaad u sheegtid qofka ku fadhiisan doona carshigaaga dabadaa, boqorow, sayidkaygiiyow.

  • 13Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah.

  • 29Oo Kenanyaah iyo wiilashiisii oo ahaa reer Isehaarna waxay saraakiil iyo xaakinno u ahaayeen hawlaha dibadda oo reer binu Israa'iil.

  • 6Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Ku alla kii marka hore reer Yebuus laayaa wuxuu noqon doonaa madax iyo sirkaal. Oo waxaa markii hore baxay Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo isagii ayaa waxaa laga dhigay madax.

  • 11Oo bal eega, axwaasha Rabbiga oo dhan waxaa idiinku sarrayn doona Amaryaah ah wadaadka sare, oo axwaasha boqorka oo dhanna waxaa idiinku sarrayn doona Sebadyaah ina Ismaaciil oo ah taliyaha reer Yahuudah, oo weliba reer Laawina hortiinnay saraakiil ku ahaan doonaan. Haddaba dhiirranaada oo Rabbiguna ha la jiro kuwii wanaagga sameeya.

  • 15iyo Sebadyaah, iyo Caraad, iyo Ceeder,

  • 32iyo Xuuray oo ka yimid durdurradii Gacash, iyo Abii'eel oo ahaa reer Caraabaah,