2Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;)
3oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan?
4Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa.
5Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan,
6ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.