2 Samuu'eel 21:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 15:16 : 16 Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma.
  • Sharc 7:16 : 16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
  • Yash 9:3-9 : 3 ¶ Laakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii, 4 iyana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay. 5 Oo waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay. 6 Oo waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta. 7 Oo raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa? 8 Oo waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen? 9 Kolkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan, 10 iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod. 11 Oo odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta. 12 Oo kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay: 13 oo sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis. 14 Oo markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan. 15 Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii. 16 Oo markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin. 17 Oo reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim. 18 Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii. 19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye. 21 Oo amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii.
  • 1 Sam 14:44 : 44 Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa.
  • 1 Sam 15:8-9 : 8 Oo boqorkii reer Camaaleq oo Agag ahaa isagoo nool buu qabsaday, laakiinse dadkii kale oo dhan seef buu ku wada baabbi'iyey. 9 Laakiinse Saa'uul iyo dadkiiba way reebeen Agag, iyo intii ugu wanaagsanayd oo dhan oo idihii, iyo dibidii, iyo xoolihii shishislaa, iyo wanankii yaryaraa, iyo wixii wanaagsanaa oo dhan; oo ma ay doonayn inay wada baabbi'iyaan; laakiinse waxay wada baabbi'iyeen wixii la quudhsaday iyo intii liidatay oo dhan.
  • 2 Boq 10:16 : 16 Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.
  • 2 Boq 10:31 : 31 Laakiinse Yeehuu iskama uu jirin oo kuma socon sharcigii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, kumana raacin qalbigiisa oo dhan, oo kama tegin dembiyadii Yaaraabcaam uu dadka Israa'iil dembaajiyey.
  • Luuk 9:54-55 : 54 Markaasaa xertiisii Yacquub iyo Yooxanaa goortay arkeen, waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, ma doonaysaa inaannu dab amarno inuu cirka ka soo dego oo baabbi'iyo? 55 Isaguse waa ku jeestay oo canaantay iyaga, oo ku yidhi, Garan maysaan caynkii ruuxa aad ka tihiin.
  • Yoox 16:2 : 2 Waxay idinka saari doonaan sunagogyada, weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo.
  • Room 10:2 : 2 Waayo, waxaan markhaati u furayaa inay iyagu Ilaah qiiro weyn u qabaan, laakiinse xagga aqoonta ma aha.
  • Gal 4:17 : 17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 21:3-9
    7 aayado
    81%

    3oo Daa'uud wuxuu reer Gibecoon ku yidhi, War maxaan idiin sameeyaa? Oo maxaan kafaaraggud u bixiyaa si aad dhaxalka Rabbiga ugu ducaysaan?

    4Oo reer Gibecoonna waxay ku yidhaahdeen, Annaga iyo Saa'uul, iyo reerkiisa waxa na dhex yaallaa ma aha xaal ku eg lacag iyo dahab; oo annana dooni mayno inaannu reer binu Israa'iil nin ka dilno. Markaasuu ku yidhi, Haddaba wixii aad tidhaahdaan waan idiin samaynayaa.

    5Iyana waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Ninkii na baabbi'iyey, oo ku fikiray in nala laayo, oo aannan dhex degganaan waddanka reer binu Israa'iil oo dhan,

    6ha naloo keeno toddoba nin oo wiilashiisii ah, oo Rabbiga ayaannu ugu deldelaynaa Gibecaahdii Saa'uul, kii Rabbigu doortay.

    7Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul.

    8Laakiinse boqorkii wuxuu soo qabtay labadii wiil ee Risfaah ina Ayah, oo ay u dhashay Saa'uul, kuwaas oo ahaa Armonii iyo Mefiiboshed, iyo shantii wiil ee Miikaal ina Saa'uul, oo ay u dhashay Cadrii'eel ina Barsillay kii reer Mexolaad;

    9oo wuxuu u gacangeliyey reer Gibecoon, oo buurtay ku deldeleen Rabbiga hortiisa, oo toddobadoodiiba way wada dhinteen; oo waxaana la dilay xilligii beergooyska maalmaha ugu horreeya, marka shaciirka la gooyo.

  • 1¶ Oo wakhtigii Daa'uud abaar baa dhacday intii saddex sannadood ah, oo sannadba sannadda ka dambayso, markaasaa Daa'uud Rabbiga baryay. Rabbiguna wuxuu yidhi, Tanu waxay ku timid Saa'uul iyo reerkiisa dhiigga qaba, maxaa yeelay, wuxuu laayay reer Gibecoon.

  • 11Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,

  • 71%

    12Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,

    13oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.

    14Oo lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan waxaa lagu aasay dalka reer Benyaamiin meel ku taal oo la yidhaahdo Seelac, oo waxaa la geliyey qabrigii aabbihiis Qiish; oo waxaa la sameeyey kulli wixii boqorku ku amray oo dhan. Oo taas dabadeedna Ilaah baa dalkii loo baryay.

  • 4Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.

  • 11Kolkaasaa boqorku u cid diray in loo yeedho wadaadkii Axiimeleg ee ahaa ina Axiituub, isagii iyo reerkii aabbihiis oo dhanba, kuwaas oo ahaa wadaaddadii Nob joogay; oo iyana kulligood boqorkii bay u yimaadeen.

  • 14oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.

  • 21Laakiinse dadkii wax bay ka qaateen xoolihii la dhacay ee ahaa ido iyo dibi, iyo waxyaalihii khaaska ahaa ee la nidray inay Gilgaal allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 13Kolkaasaa Saa'uul ku yidhi, Maxaad iigu heshiiseen, adiga iyo ina Yesay, oo maxaad u siisay kibista iyo seefta, oo Ilaahna wax ugu weyddiisay si uu iigu kaco inuu i gaado sida maanta oo kale?

  • 11Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad oo dhammu markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen oo dhan,

  • 1 Sam 22:6-8
    3 aayado
    70%

    6¶ Markaasaa Saa'uul wuxuu maqlay in Daa'uud iyo raggii la jirayba la soo arkay; oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah, isagoo hoos fadhiya geed Raamaah ku yaal, oo warankiisiina gacanta ugu jiro, addoommadiisii oo dhammuna hareero taagan yihiin.

    7Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi addoommadiisii hareerahiisa taagnaa, Bal maqla hadda, kuwiinnan reer Benyaamiinow, wiilka Yesay miyuu midkiin kastaba siinayaa beero iyo beero canab ah, oo miyuu kulligiin idinka wada dhigi doonaa kuwo kun kun u taliya, iyo kuwo boqol boqol u taliya?

    8Ma saasaad kulligiin iigu heshiiseen, oo uu midkiinna iigu soo sheegi waayay markii wiilkaygu axdi la dhiganayay wiilka Yesay, oo uu midkiinna ii nixi waayay, wuuna iigu soo sheegi waayay in wiilkaygu igu kiciyey addoonkayga inuu i gaado sida maanta oo kale?

  • 25Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.

  • 70%

    37Markaasaa Saa'uul Ilaah talo weyddiistay, oo wuxuu yidhi, Miyaan reer Falastiin raacdaystaa? Oo ma doonaysaa inaad iyaga soo geliso gacanta reer binu Israa'iil? Laakiinse maalintaas Ilaah uma uu jawaabin.

    38Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega.

  • 1 Sam 31:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

    2Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.

  • 12¶ Markaasaa Abneer oo ahaa ina Neer, iyo addoommadii Iishboshed ina Saa'uul, Maxanayim ka soo baxeen, oo waxay tageen Gibecoon.

  • 17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.

  • 1¶ Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.

  • 18Oo reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii.

  • 7Oo haddaba Cibraaniyadii qaarkood waxay ka gudbeen Webi Urdun oo tageen ilaa dalkii reer Gaad iyo Gilecaad; laakiinse Saa'uul weli wuxuu iska joogay Gilgaal, oo dadkii oo dhammuna isagay daba galeen iyagoo gariiraya.

  • 29Waayo, taambuuggii Rabbiga ee Muuse cidlada ku dhex sameeyey iyo meeshii qurbaanka la guboba markaas waxay dhex yiilleen meesha sare ee Gibecoon ku taal.

  • 5Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.

  • 3Markaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa.

  • 21Markaasaa Saa'uul u jawaabay oo ku yidhi, War sow anigu ma ahi reer Benyaamiin oo u wada yar qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo weliba jilibkaygu sow ugama sii yara qabiilka reer Benyaamiin jilibyadiisa? Haddaba maxaad sidan iigula hadlaysaa?

  • 1 Sam 19:5-6
    2 aayado
    69%

    5waayo, intuu isku biimeeyey ayuu kii reer Falastiin dilay, oo Rabbiguna guul weyn buu u sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan. Waad aragtay, waanad ku faraxday, haddaba maxaad dhiig aan xaq qabin ugu dembaabaysaa inaad sababla'aan Daa'uud u disho?

    6Markaasaa Saa'uul maqlay codkii Yoonaataan, oo wuxuu ku dhaartay nolosha Rabbiga inaan Daa'uud la dilayn.

  • 7Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil.

  • 11Oo maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan.

  • 4Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.

  • 1 Sam 31:7-8
    2 aayado
    68%

    7Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

    8¶ Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.

  • 2Oo Saa'uulna wuxuu joogay Gibecaah darafkeeda, oo wuxuu hoos fadhiyey geed rummaanka ah oo Migroon ku yaal; oo dadkii isaga la joogayna waxay ahaayeen in ku dhow lix boqol oo nin,

  • 4Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah. Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad.

  • 21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

  • 15Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay.

  • 13Kolkaasaa Daa'uud ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay nin qalaad wiilkiis oo reer Camaaleq ah.

  • 8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

  • 8Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.