1 Samuu'eel 17:57

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 17:54 : 54 Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    54Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

    55¶ Oo Saa'uulna markuu arkay Daa'uud oo u baxaya kii reer Falastiin ayuu Abneer oo ahaa sirkaalkii ciidanka ku yidhi, Abneer, yarkanu waa ina ayo? Oo Abneerna wuxuu ku yidhi, Boqorow, noloshaadaan ku dhaartaye, kuuma sheegi karo.

    56Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Soo haybso yarka ina ayihiisa.

  • 81%

    48Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.

    49Markaasaa Daa'uud gacanta geliyey kolaygiisii, oo dhagax kala soo baxay, oo intuu wadhfiyey ayuu kii reer Falastiin wejiga kaga dhuftay, oo dhagaxiina wejigiisuu dalaq yidhi, markaasuu dhulka afgembi ugu dhacay.

    50Sidaasuu Daa'uud kii reer Falastiin kaga adkaaday wadhaf iyo dhagax, oo wuu ku dhuftay, wuuna dilay; laakiinse Daa'uud gacanta seefu uguma jirin.

    51Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen.

  • 8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

  • 58Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.

  • 80%

    31Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.

    32Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Ninna yuusan u cabsan isaga aawadiis; anoo addoonkaaga ah ayaan u tegi doonaa oo la diriri doonaa midkan reer Falastiin.

    33Oo Saa'uulna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Adigu ma awoodid inaad la dirirto midkan reer Falastiin, waayo, waxaad tahay wiil yar, isna dagaalyahan buu ahaa tan iyo yaraantiisii.

    34Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Anoo addoonkaaga ah waxaan hayn jiray idaha aabbahay, oo haddii libaax ama orso yimaado, oo idaha nayl yar ka qaato,

    35waan ka daba ordi jiray, oo intaan wax ku dhufto ayaan afkiisa ka soo bixin jiray; oo hadduu igu soo boodana intaan gadhka ku dhego ayaan dili jiray.

  • 37Oo Daa'uud wuxuu haddana yidhi, Rabbiga iga samatabbixiyey ciddiyihii libaaxa iyo ciddiyihii orsada ayaa haddana iga samatabbixin doona gacanta midkan reer Falastiin. Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Tag, Rabbigu ha kula jiree.

  • 77%

    24Oo Saa'uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa'uud sidaasuu u hadlay.

    25Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.

  • 41Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.

  • 22Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.

  • 77%

    25Oo raggii reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, War ma aragteen ninkan soo baxay? Hubaal wuxuu u soo baxay inuu reer binu Israa'iil careeyo; oo waxay noqon doontaa in ninkii isaga dila uu boqorku taajir ka dhigi doono oo maal badan siin doono; gabadhiisuuna siin doonaa, oo reerka aabbihiisna ku dhex xorayn doonaa reer binu Israa'iil.

    26Markaasaa Daa'uud raggii dhinaciisa taagnaa la hadlay, oo ku yidhi, Ninkii dila midkan reer Falastiin, oo ceebta ka qaada reer binu Israa'iil, maxaa lagu samayn doonaa? Oo bal yuu yahay buuryoqabkan reer Falastiin ee Ilaaha nool ciidammadiisa caraysan karaa?

  • 1¶ Dhimashadii Saa'uul dabadeed, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Camaaleq oo uu Daa'uud laba maalmood Siiqlag sii joogay

  • 9Oo wadaadkiina wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaa halkan eefodka dabadiisa taal iyadoo maro ku duudduuban seeftii Goli'adkii reer Falastiin, oo aad dooxii Eelaah ku dishay, oo haddaad doonaysid inaad taas qaadatid, iska qaado, maxaa yeelay, taas mooyaane mid kale halkan ma taal. Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Taasoo kaleba ma jirto; ee bal i soo sii.

  • 23Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.

  • 9Markaasay furteen oo waxay qaateen madaxiisii iyo hubkiisii, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan sanamyadooda iyo dadkiiba.

  • 76%

    45Markaasuu Daa'uud kii reer Falastiin ku yidhi, Adigu waxaad ii soo qaadatay seef iyo waran iyo hoto; aniguse waxaan kuula imid magaca Rabbiga ciidammada, kaasoo ah Ilaaha ciidammada reer binu Israa'iil ee aad caraysiisay.

    46Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

  • 32Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah.

  • 17Laakiinse Daa'uud waxaa caawiyey Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo intuu kii reer Falastiin wax ku dhuftay ayuu dilay. Markaasaa Daa'uud raggiisii dhaar u mareen, oo ku yidhaahdeen, Adigu mar dambe dagaal noola bixi maysid, yaadan laambadda reer binu Israa'iil bakhtiine.

  • 1 Sam 19:7-8
    2 aayado
    76%

    7Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.

    8¶ Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.

  • 9Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.

  • 76%

    15Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay.

    16Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.

    17¶ Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,

  • 10Saas aawadeed waan ag joogsaday oo waan dilay, maxaa yeelay, waan hubay markuu dhacay dabadeed inuusan noolaanayn; oo markaasaan ka soo qaaday taajkii madaxa u saarnaa, iyo dugaagaddii gacanta ugu jirtay, waanan kuu keenay, sayidkaygiiyow.

  • 15Daa'uudna hadba Saa'uul wuu ka tegi jiray, wuuna ku soo noqon jiray, inuu idaha aabbihiis Beytlaxam ku daajiyo aawadeed.

  • 8¶ Haddaba Abneer oo ahaa ina Neer, oo Saa'uul ciidankiisa sirkaal u ahaa ayaa soo kaxaystay Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, oo wuxuu u soo gudbiyey xagga Maxanayim;

  • 12Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,

  • 1 Sam 26:7-8
    2 aayado
    75%

    7Sidaasay Daa'uud iyo Abiishay dadkii ugu yimaadeen habeennimo, oo waxay arkeen Saa'uul oo hurda meeshii gaadhifardoodka dhexdeeda, oo warankiisiina dhulkuu ku mudnaa meel madaxiisa u dhow; oo Abneer iyo dadkiina hareerihiisay jiifeen.

    8Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.

  • 75%

    17¶ Oo Abneerna wuxuu la arrinsaday odayaashii reer binu Israa'iil, oo ku yidhi, Waa hore waxaad doonayseen in Daa'uud boqor idiin noqdo.

    18Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

  • 17Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.

  • 1¶ Kolkii Saa'uul ka soo noqday kuwii reer Falastiin oo uu raacdaysanayay ayaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Daa'uud cidlada Ceyn Gedii buu joogaa.

  • 4Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen.

  • 19Sidaas daraaddeed Saa'uul wargeeyayaal buu u diray Yesay oo ku yidhi, Wiilkaaga Daa'uud oo idaha ilaalinaya ii soo dir.

  • 5waayo, intuu isku biimeeyey ayuu kii reer Falastiin dilay, oo Rabbiguna guul weyn buu u sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan. Waad aragtay, waanad ku faraxday, haddaba maxaad dhiig aan xaq qabin ugu dembaabaysaa inaad sababla'aan Daa'uud u disho?

  • 5Markaasaa Daa'uud soo kacay oo yimid meeshii Saa'uul degay, oo Daa'uud wuxuu arkay meeshii Saa'uul jiifay, isaga iyo Abneer ina Neer oo ahaa sirkaalkii ciidankiisa, oo Saa'uulna wuxuu jiifay meeshii gaadhifardoodku joogay dhexdeeda, oo dadkuna hareerihiisay degeen.

  • 30Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon.