1 Samuu'eel 31:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay madaxii ka gooyeen, oo hubkiisiina way ka furteen, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan gurigii sanamyadooda iyo dadkiiba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 1:20 : 20 Haddaba taas Gad ha ku sheegina, Oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina; Waaba intaasoo ay naagaha reer Falastiin ku farxaane, Waaba intaasoo ay buuryoqabyada naagahoodu ku guulaystaane.
  • Xaak 16:23-24 : 23 ¶ Markaasay amiirradii reer Falastiin isu soo urursadeen inay allabari weyn u bixiyaan ilaahood oo ahaa Daagoon, iyo inay reyreeyaan; waayo, waxay isku yidhaahdeen, Cadowgeennii Samsoon ahaa waxaa gacanteenna soo geliyey ilaaheen. 24 Oo dadkiina markay isagii arkeen ayay ilaahood ammaaneen; waayo, waxay yidhaahdeen, Ilaaheen wuxuu gacanteenna soo geliyey kii ahaa cadowgeennii iyo kii dalkeenna baabbi'in jiray oo layn jiray kuwo badan oo inaga mid ah.
  • 1 Sam 17:51 : 51 Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen.
  • 1 Sam 17:54 : 54 Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.
  • 1 Sam 31:4 : 4 Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.
  • 1 Taar 10:9-9 : 9 Markaasay furteen oo waxay qaateen madaxiisii iyo hubkiisii, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan sanamyadooda iyo dadkiiba. 10 Oo hubkiisiina gurigii ilaahyadooda ayay dhigeen, oo madaxiisiina waxay ku dhejiyeen gurigii Daagoon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 95%

    4Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.

    5Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna dhintay.

    6Sidaas daraaddeed waxaa wada dhintay Saa'uul iyo saddexdiisii wiil, oo reerkiisii oo dhammu way wada dhinteen.

    7Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxada joogay oo dhammu markay arkeen inay iyagu carareen, oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkoodii ka tageen, oo carareen, markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

    8Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo wiilashiisii oo Buur Gilboca ku dhintay.

    9Markaasay furteen oo waxay qaateen madaxiisii iyo hubkiisii, oo waxay u cid direen dalkii reer Falastiin oo ku wareegsanaa inay u wargeeyaan sanamyadooda iyo dadkiiba.

    10Oo hubkiisiina gurigii ilaahyadooda ayay dhigeen, oo madaxiisiina waxay ku dhejiyeen gurigii Daagoon.

    11Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad oo dhammu markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen oo dhan,

    12waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo waxay soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay keeneen Yaabeesh, oo lafahoodii waxay ku aaseen geedkii Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

  • 88%

    10Oo hubkiisiina gurigii Cashtarod ayay dhigeen, meydkiisiina derbigii Beytshaan bay ku xidheen.

    11Oo dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa markay maqleen waxyaalihii ay reer Falastiin Saa'uul ku sameeyeen,

    12waxaa kacay raggii xoogga lahaa oo dhan, oo habeenkii oo dhan ayay sii guuraynayeen, markaasay Beytshaan derbigiisii ka soo qaadeen Saa'uul meydkiisii iyo meydadkii wiilashiisa, kolkaasay yimaadeen Yaabeesh, oo halkaasay ku gubeen.

    13Markaasay lafahoodii qaadeen oo ku aaseen geed Yaabeesh ku yiil hoostiisa, toddoba maalmoodna way soomeen.

  • 1 Sam 31:1-8
    8 aayado
    83%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

    2Oo reer Falastiinna aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Melkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.

    3Oo dagaalkiina aad buu ugu sii kululaaday Saa'uul, oo waxaa isagii gaadhay qaansoleydii, oo isna qaansoleydii aawadeed ayuu dhib badan ula kulmay.

    4Markaasaa Saa'uul wuxuu kii hubka u siday ku yidhi, War seeftaada la soo bax oo iga mudhbixi, waaba intaasoo buuryoqabyadanu yimaadaan oo ay intay seef iga mudhbixiyaan i caayaane. Laakiinse kii hubka u siday wuu diiday, waayo, aad buu u cabsaday. Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu qaatay seeftiisii, markaasuu ku dul dhacay.

    5Oo kii hubka u sidayna markuu arkay in Saa'uul dhintay, isna wuxuu ku dul dhacay seeftiisii, wuuna la dhintay.

    6Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.

    7Oo raggii reer binu Israa'iil oo dooxadii dhankeeda kale joogay, iyo kuwii Webi Urdun shishadiisa joogay, markay arkeen in raggii reer binu Israa'iil carareen oo Saa'uul iyo wiilashiisii ay dhinteen ayay magaalooyinkii ka tageen oo carareen; markaasaa reer Falastiin yimaadeen oo iska degeen.

    8¶ Oo maalintii dambe markay reer Falastiin u yimaadeen inay dharka ka furtaan kuwii la dilay waxay heleen Saa'uul iyo saddexdiisii wiil oo Buur Gilboca ku dhintay.

  • 54Markaasaa Daa'uud madaxii kii reer Falastiin qaaday, oo Yeruusaalem keenay, laakiinse hubkiisii teendhadiisuu dhigay.

  • 57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

  • 76%

    51Markaasaa Daa'uud orday oo ag istaagay kii reer Falastiin, oo wuxuu ka qaatay seeftiisii, oo galkii ka soo bixiyey, oo intuu ku bireeyey ayuu madaxiina kaga gooyay. Oo kuwii reer Falastiinna markay arkeen in tiirrigoodii dhintay ayay carareen.

    52Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

  • 2 Sam 4:7-8
    2 aayado
    75%

    7Markay guriga soo galeen, isagoo sariirta ku jiifa oo qolka la seexdo ku jira, ayay garaaceen oo dileen, oo madaxiina way ka gooyeen oo la tageen, markaasay jidkii Caraabaah habeenkii oo dhan sii guuraynayeen.

    8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

  • 75%

    12Oo Daa'uud intuu tegey ayuu lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan ka soo qaaday dadkii reer Yaabeesh Gilecaad oo ka xaday jidkii Beytshaan, kaasoo ah meeshii ay reer Falastiin ku deldeleen iyaga, maalintii ay reer Falastiin Saa'uul ku dileen Gilboca,

    13oo halkaasuu ka soo qaaday lafihii Saa'uul iyo lafihii wiilkiisii Yoonaataan; oo waxaa la soo ururiyey kuwii la deldelay lafahoodii.

  • 74%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

    2Oo reer Falastiin aad bay u eryadeen Saa'uul iyo wiilashiisii, markaasaa reer Falastiin waxay dileen Yoonaataan, iyo Abiinaadaab, iyo Malkiishuuca oo ahaa Saa'uul wiilashiisii.

  • 46Maanta Rabbigu gacantayduu ii soo kaa gelin doonaa; waanan ku dili doonaa, oo madaxaanan kaa gooyn doonaa; oo maanta meydka reer Falastiin ciidankooda waxaan siin doonaa haadka hawada, iyo dugaagga dhulka, si dunida oo dhammu ay u ogaato in Ilaah ku dhex jiro reer binu Israa'iil;

  • 4Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.

  • 12Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.

  • 7Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.

  • 10Saas aawadeed waan ag joogsaday oo waan dilay, maxaa yeelay, waan hubay markuu dhacay dabadeed inuusan noolaanayn; oo markaasaan ka soo qaaday taajkii madaxa u saarnaa, iyo dugaagaddii gacanta ugu jirtay, waanan kuu keenay, sayidkaygiiyow.

  • 20Haddaba taas Gad ha ku sheegina, Oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina; Waaba intaasoo ay naagaha reer Falastiin ku farxaane, Waaba intaasoo ay buuryoqabyada naagahoodu ku guulaystaane.

  • 12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.

  • 4Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen.

  • 31Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.

  • 25Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Sidan Daa'uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa'uul wuxuu damcay inuu Daa'uud u gacangeliyo reer Falastiin.

  • 10markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.

  • 46Markaasaa Saa'uul wuxuu ka hadhay reer Falastiin raacdaysigoodii; oo reer Falastiinna meeshoodii bay tageen.

  • 16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 4Oo Daa'uudna raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, maanta waa maalintii Rabbigu kugu yidhi, Cadowgaaga gacantaadaan ku soo ridi doonaa, oo waxaad ku samayn doontaa wixii kula wanaagsan. Markaasaa Daa'uud kacay, oo hoos ahaan ayuu aayar u gooyay Saa'uul darafkii khamiiskiisa.

  • 1 Sam 28:3-4
    2 aayado
    71%

    3¶ Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.

    4Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.

  • 28Madaxiisiina ayuu xeedho ku soo qaaday oo gabadhii siiyey, gabadhiina waxay siisay hooyadeed.

  • 17Oo kii warka keenay waa jawaabay oo yidhi, Reer binu Israa'iil way ka carareen reer Falastiin, oo dad badan baa la laayay, oo labadaadii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana way dhinteen, oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay.

  • 19Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.