1 Taariikhdii 28:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 28:6 : 6 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.
  • 1 Tim 4:16 : 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
  • 1 Taar 22:16-19 : 16 oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro. 17 Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan. 18 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda. 19 Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Markaasaa Boqor Daa'uud shirkii oo dhan ku yidhi, Wiilkayga Sulaymaan oo Ilaahu keligiis doortay, weli wuu yar yahay, waana tabar daranyahay, oo shuqulkuna waa weyn yahay, waayo, guriga nin loo dhisi maayo, laakiinse waxaa loo dhisayaa Rabbiga Ilaaha ah.

  • 81%

    20Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.

    21Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.

  • 81%

    10Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.

    11Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.

  • 80%

    5Markaasaa Daa'uud yidhi, Wiilkayga Sulaymaan waa yar yahay, waana tabar daranyahay, oo guriga Rabbiga loo dhisayaana waa inuu ahaado mid aad iyo aad u weyn, oo magac iyo ammaan ku leh kulli waddammada oo dhan, haddaba wax baan u sii diyaarin doonaa. Sidaas daraaddeed Daa'uud waxyaalo faro badan ayuu diyaariyey intuusan dhiman ka hor.

    6¶ Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    7Oo haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah.

    8Laakiinse waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, Adigu waxaad daadisay dhiig badan, oo aad baad u dagaallantay. Waa inaadan guri u dhisin magacayga, maxaa yeelay, dhiig badan ayaad dhulka ku daadisay anigoo u jeeda.

  • 80%

    5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.

    6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.

    7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 19Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.

  • 11¶ Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka.

  • 5Oo waxaan damacsanahay inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah, sidii Rabbigu u sheegay aabbahay Daa'uud, isagoo leh, Wiilkaaga oo aan dabadaa carshigaaga ku fadhiisin doono ayaa magacayga guri u dhisi doona.

  • 76%

    11Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

    12Gurigan aad dhisayso waxaan kaa leeyahay, Haddaad qaynuunnadayda ku socotid, oo aad xukummadayda yeeshid, oo aad amarradayda oo dhan dhawrtid inaad ku socotid aawadeed, markaasaan kugu xoojin doonaa eraygaygii aan aabbahaa Daa'uud kula hadlay.

  • 13Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

  • 19Oo wiilkayga Sulaymaanna waxaad siisaa qalbi qumman oo uu ku dhawro amarradaada iyo markhaatigaaga iyo qaynuunnadaada, inuu waxyaalahan oo dhan sameeyo, iyo inuu dhiso gurigii aan wax u sii diyaarshay.

  • 76%

    17Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    18Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

    19Habase yeeshee adigu guri ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.

  • 76%

    7Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    8Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

    9Habase yeeshee adigu gurigii ii dhisi maysid, laakiinse wiilkaaga kaa soo bixi doona ayaa magacayga gurigii u dhisi doona.

    10Haddaba Rabbigu wuu oofiyey eraygiisii uu ku hadlay, waayo, meeshii aabbahay Daa'uud anigaa fuulay, oo waxaan ku fadhiistay carshigii reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu ballanqaaday, oo gurigii baan u dhisay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil magiciisa.

  • 12Oo Rabbiga wuxuu Sulaymaan u muuqday goor habeennimo ah, oo ku yidhi, Baryadaadii waan maqlay oo meeshanna waan u doortay inay guri lagu allabaryo ii ahaato.

  • 9Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba.

  • 75%

    2Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey.

    3Laakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay.

  • 27Waayo, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan ku baryo.

  • 38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

  • 9si ay iigu diyaariyaan alwaax faro badan, waayo, guriga aan dhowaan dhisi doonaa wuxuu ahaan doonaa mid yaab weyn oo badan.

  • 75%

    1¶ Markaasaa Daa'uud yidhi, Kanu waa gurigii Rabbiga Ilaaha ah, oo tanuna waa meeshii qurbaanka la gubo oo reer binu Israa'iil.

    2¶ Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.

  • 25Waayo, Ilaahayow, anoo addoonkaaga ah wax baad ii muujisay, oo waxaad igu tidhi, Reer baan kuu dhisi doonaa, sidaas daraaddeed waan ku dhiirranahay inaan baryadan hortaada kugu baryo.

  • 47Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.

  • 1¶ Markaasaa Sulaymaan bilaabay inuu gurigii Rabbiga Yeruusaalem ka dhiso oo ka dul dhiso Buur Moriyaah oo ahayd meeshii Rabbigu ugu muuqday aabbihiis Daa'uud, oo wuxuu wax ku diyaarshay meeshii Daa'uud doortay oo ahayd meeshii wax lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa.

  • 12Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.

  • 10¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,

  • 16Maxaa yeelay, hadda waxaan gurigan u doortay oo quduus uga dhigay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguba halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

  • 2Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

  • 12Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.

  • 5Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, War guri aan dego ma ii dhisaysaa?

  • 16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.

  • 8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.

  • 13Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin.

  • 11Wiilashaydiiyow, haddaba adeegiddiinna ha dayacina, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad hortiisa istaagtaan oo aad isaga u adeegtaan, oo aad midiidinno u ahaataan, oo aad foox u shiddaan.