1 Taariikhdii 22:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 28:20 : 20 Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.
  • Yash 1:6-9 : 6 Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo. 7 Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona. 8 Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa. 9 Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.
  • 1 Taar 28:7 : 7 Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.
  • 1 Taar 28:10 : 10 Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.
  • Yash 1:18 : 18 Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.
  • 1 Boq 2:3 : 3 oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;
  • Sharc 31:6-8 : 6 Haddaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono. 7 Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa. 8 Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.
  • 2 Taar 20:20 : 20 Markaasay aroor hore kaceen oo waxay u ambabbaxeen xagga cidladii Teqooca, oo intay baxayeen ayaa Yehooshaafaad istaagay oo yidhi, Dadka Yahuudah iyo kuwiinna Yeruusaalem degganow, i maqla, rumaysta Rabbiga Ilaahiinna ah oo waad xoogaysan doontaan, oo rumaysta nebiyadiisa oo waad liibaani doontaan.
  • Sab 119:6 : 6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
  • Yer 22:3-4 : 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina. 4 Waayo, sida xaqiiqada ah idinku haddaad waxyaalahan samaysaan, markaas boqorro carshigii Daa'uud ku fadhiisan doona ayaa irdaha gurigan soo geli doona, iyagoo fuushan gaadhifardood iyo fardo, iyaga, iyo addoommadooda iyo dadkooduba.
  • Mat 3:15 : 15 Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.
  • Fal 13:22 : 22 Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan.
  • 1 Kor 16:13 : 13 ¶ Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.
  • Gal 6:2 : 2 Midba midka kale culaabta ha u qaado, oo sidaas ku oofiya sharciga Masiixa.
  • Ef 6:10 : 10 ¶ Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.
  • 2 Tim 2:1 : 1 ¶ Haddaba, wiilkaygiiyow, ku xoogayso nimcada Ciise Masiix ku jirta.
  • Yac 2:8 : 8 Haddaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yash 1:6-9
    4 aayado
    82%

    6Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.

    7Xoog uun yeelo, oo aad u dhiirranow inaad dhawrtid oo aad yeeshid si waafaqsan sharcigii addoonkaygii Muuse kugu amray oo dhan. Si aad ugu liibaantid meel kastoo aad tagtidba, sharcigaas ha uga leexan midigta iyo bidixda toona.

    8Kitaabkan sharcigu waa inaanu afkaaga ka tegin, laakiinse waa inaad u fiirsataa habeen iyo maalinba, si aad u dhawrtid wax alla waxa ku qoran oo dhan, waayo, markaasaad jidkaaga ku barwaaqoobi doontaa, waanad liibaani doontaa.

    9Miyaanan kugu amrin? Xoog yeelo, oo aad u dhiirranow. Ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ahu wuu kula jiraa meel kastoo aad tagtidba.

  • 82%

    11Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.

    12Oo Rabbigu ha ku siiyo xigmad iyo waxgarasho, oo amarka reer binu Israa'iilna ha kuu dhiibo si aad u dhawrtid sharciga Rabbiga Ilaahaaga ah.

  • 3oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;

  • Sharc 31:6-8
    3 aayado
    78%

    6Haddaba xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha baqina, hana ka cabsanina, waayo, waxaa idinla socda Rabbigii Ilaahiinna ahaa. Idinma gabi doono, idinmana dayrin doono.

    7Markaasaa Muuse Yashuuca u yeedhay, oo wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, waxaad dadkan ula gudbaysaa dalkii Rabbigu awowayaashood ugu dhaartay inuu iyaga siinayo, oo dalkaas ayaad dhaxalsiin doontaa.

    8Waxaa ku hor socda Rabbiga, wuuna kula jiri doonaa, kuma gabi doono, kumana dhayrin doono, haddaba ha baqin, hana qalbi jabin.

  • 9Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

  • 6Sidaas daraaddeed aad u dhiirranaada inaad xajisaan oo yeeshaan kulli waxa ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse, iyo inaydnaan sharcigaas uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 23¶ Oo Rabbigaa Yashuuca ina Nuun amar siiyey oo ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, waayo, reer binu Israa'iil ayaad geeyn doontaa dalkii aan iyaga ugu dhaartay, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 76%

    11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.

    12¶ Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,

  • 76%

    17Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

    18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 5haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

  • 28Dhawra oo dhegaysta erayadan aan idinku amrayo oo dhan, si aad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba weligiin u nabdoonaataan, markaad yeeshaan waxa wanaagsan oo ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 18Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.

  • 13oo aad xajisaan Rabbiga amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idiinku amrayo wanaaggiinna aawadiis mooyaane?

  • 10Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

  • 22Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,

  • 32Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

  • 6Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan.

  • 1¶ Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo.

  • 1¶ Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa, iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba.

  • 1¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.

  • 10haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.

  • 16oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

  • 40Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.

  • 5Bal eega, qaynuunno iyo xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • 3Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • 17Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa'uud oo kale hortayda ugu socotid, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo dhan, oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,

  • 20Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.

  • 23Oo haddaad waxan samaysid, oo haddii Ilaah sidan kugu amro, de markaas waad adkaysan kari doontaa, oo dadkan oo dhammuna meeshooda ayay nabad ku tegi doonaan.

  • 15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 14Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan.

  • 18markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 11Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo,

  • 16¶ Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.

  • 5Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.

  • 14Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 13¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,

  • 11Haddaba isjira oo jeclaada Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 10Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.

  • 13Oo Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan,

  • 28Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.