Sharciga Kunoqoshadiisa 4:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markaas Rabbigu wuxuu igu amray inaan idin baro qaynuunno iyo xukummo, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 105:44-45 : 44 Oo wuxuu iyagii siiyey dalalkii quruumaha, Oo iyana waxay hanti ahaan u qaadeen waxay dadyowgu ku hawshoodeen, 45 Inay amarradiisa dhawraan, Oo ay qaynuunnadiisa xajiyaan. Rabbiga ammaana.
  • Yex 21:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil. 3 Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa. 4 Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba. 5 Oo binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto. 6 Haddaba Wiilka Aadamow, taah. Qalbijab iyo si qadhaadh hortooda ugu taah. 7 Oo markay kugu yidhaahdaan, War maxaad la taahaysaa? waxaad ugu jawaabtaa, Waxaan la taahayaa warka soo socda aawadiis. Qalbi kastaaba waa dhalaali doonaa, oo gacan kastaaba way taag gabi doontaa, oo naf kastaaba way qalbi jabi doontaa, oo qof kasta jilbihiisu sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, way soo socotaa, wayna ahaanaysaa. 8 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 9 Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey. 10 Waxaa loo afeeyey inay aad wax u layso, oo waxaa loo safeeyey inay sida hillaac u dhalaasho. Haddaba miyaynu rayraynaa? Usha wiilkaygu waxay quudhsataa geed kasta. 11 Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya. 12 Wiilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax. 13 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa jira tijaabin, oo maxaa jiri doona xataa hadday usha wax quudhsata aanay mar dambe sii jiri doonin? 14 Haddaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda. 15 Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed! 16 Dadka ururi, xagga midigta u jeeso, dagaal isu diyaari, xagga bidixdana u jeeso, wejigaaga dhinac kasta u jeedi. 17 Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. 18 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 19 Weliba Wiilka Aadamow, waxaad taswiir ku tilmaantaa laba jid oo ay seefta boqorka Baabuloon ku iman karto, oo labadooduba waa inay isku dal ka soo baxaan. Meel ku calaamadee, oo waxaad u yeeshaa calaamad ku taal madaxa jidka magaalada soo gala. 20 Waxaad taswiirtaa jid ay seeftu ugu iman karto Rabbaahda reer Cammoon iyo Yeruusaalemta dhufayska leh oo dalka Yahuudah ku dhex taal. 21 Waayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey. 22 Midigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto. 23 Oo kuwa dhaarta ku dhaartay waxay hortooda ku noqon doontaa sida faal aan waxtar lahayn oo kale, laakiinse isagu xumaantuu soo xusuusan doonaa, si iyaga lagu qabto aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5Bal eega, qaynuunno iyo xukummo ayaan idiin baray sidii Rabbiga Ilaahayga ahu igu amray, inaad saas ku dhex samaysaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • 1¶ Haddaba waxanu waa amarkii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii uu Rabbiga Ilaahiinna ahu amray inaan idin baro, inaad ku dhex samaysaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

  • 31Laakiinse adigu waxaad soo istaagtaa halkan agtayda ah, oo anaa kuu sheegaya amarka, iyo qaynuunnada, iyo xukummada aad iyaga bari doontid oo dhan inay ku sameeyaan dalka aan hantida u siinayo.

  • Sharc 4:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo.

    2Oo erayga aan idinku amrayo wax ha ku darina, waxna ha ka dhimina, si aad u dhawrtaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan idinku amrayo.

  • 82%

    12Markaasaa Rabbigu idinkala hadlay dabka dhexdiisii, oo idinku waxaad maqasheen erayada codkoodii, laakiinse wax qaab leh ma aydaan arkin, waxaase keliyahoo aad maqasheen cod.

    13Oo wuxuu idiin caddeeyey axdigii uu idinku amray inaad samaysaan, kaasoo ah tobanka amar, oo wuxuu iyaga ku qoray laba loox oo dhagax ah.

  • 18Oo waagaas waxaan idinku amray wixii aad samayn lahaydeen oo dhan.

  • 1¶ Kuwanu waa qaynuunnada iyo xukummada ay tahay inaad dhawrtaan oo aad ku dhex yeeshaan dalkii Rabbiga Ilaaha awowayaashiin ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan intaad dhulka ku nooshihiin oo dhan.

  • 16oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

  • 79%

    17Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

    18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 32Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan si aad u xoogaysataan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan,

  • 10Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.

  • 1¶ Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.

  • 11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.

  • Nex 9:13-14
    2 aayado
    77%

    13Waxaad weliba ku soo kor degtay Buur Siinay, oo iyagaad kala hadashay xagga samada, oo waxaad siisay xukummo qumman, iyo sharciyaal xaq ah, iyo qaynuunno wanwanaagsan, iyo amarro,

    14oo waxaad ogeysiisay Sabtidaada quduuska ah, oo ku amartay amarro, iyo qaynuunno, iyo sharci aad ugu soo dhiibtay addoonkaagii Muuse.

  • 10Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan.

  • 77%

    16¶ Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.

    17Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan.

  • 15¶ Haddaba aad u digtoonaada, waayo, wax qaab leh ma aydaan arkin cayn kasta ha ahaadee maalintii Rabbigu dabka dhexdiisa idinkala hadlay oo aad joogteen Buur Xoreeb,

  • 20Oo waa inaad iyaga bartaa amarrada iyo qaynuunnada, oo waa inaad iyaga tustaa jidkii ay mari lahaayeen, iyo shuqulkii ay qaban lahaayeen.

  • 40Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.

  • 1¶ Markaasaa Muuse u wada yeedhay dadkii reer binu Israa'iil oo dhan oo wuxuu ku yidhi, Reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan maanta dhegahiinna kula hadlayo inaad iyaga barataan oo aad dhawrtaan si aad u samaysaan.

  • 24Oo Rabbigu waa nagu amray inaannu samayno qaynuunnadan oo dhan oo aannu wanaaggayaga aawadiis weligayo uga cabsanno Rabbiga Ilaahayaga ah, inuu nolosha noogu daayo siday maanta tahay.

  • 76%

    44¶ Oo kanu waa sharcigii Muuse hor dhigay reer binu Israa'iil,

    45kuwanuna waa markhaatifurkii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii uu Muuse kula hadlay reer binu Israa'iil markay dalkii Masar ka soo baxeen,

  • 4¶ Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo.

  • 13oo aad xajisaan Rabbiga amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idiinku amrayo wanaaggiinna aawadiis mooyaane?

  • 12¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal kaalay oo buurta ii soo fuul, oo halkaas iska joog; oo waxaan ku siinayaa looxyada dhagaxa ah, iyo sharcigii iyo qaynuunnadii aan qoray, inaad iyaga bartid.

  • 38iyo inuu hortiinna ka eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay.

  • 37oo qaynuunnadii, iyo xukummadii, iyo sharcigii, iyo amarkii uu idiin qoray waa inaad dhawrtaan oo aad weligiinba samaysaan, oo waa inaydnaan ka cabsan ilaahyo kale.

  • 4Waxaad samaysaan xukummadayda, oo waxaad dhawrtaan qaynuunnadayda si aad iyaga ugu dhex socotaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 13¶ Intaasu waa amarradii iyo xukummadii uu Rabbigu u soo dhiibay Muuse oo uu ku amray reer binu Israa'iil oo jooga bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday.

  • 20¶ Wakhtiga iman doona markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Markhaatifurka iyo qaynuunnada iyo xukummada uu Rabbiga Ilaaheenna ahu idinku amray micnahoodu waa maxay?

  • 8Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?

  • 1¶ Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad jeclaataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo waa inaad had iyo goor dhawrtaan waxa loo dhawri lahaa, iyo qaynuunnadiisa, iyo xukummadiisa iyo amarradiisaba.

  • 46¶ Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu soo dejiyey Buur Siinay.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 74%

    10Oo waa inaad u samaysaan sida xukunka garsooriddiisu tahay, taasoo ay idiinka sheegi doonaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo waa inaad dhawrtaan oo wada samaysaan waxa ay idin bari doonaan oo dhan.

    11Oo siduu yahay sharciga ay idin bari doonaan, iyo siduu yahay xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaad u samaysaan. Xukunka ay idiin sheegi doonaan waa inaydaan uga leexan xagga midigta ama xagga bidixda toona.

  • 4ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,

  • 34¶ Kuwanu waa amarradii Rabbigu Muuse kaga amray Buur Siinay oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay.

  • 37Oo waa inaad wada dhawrtaan oo yeeshaan qaynuunnadayda oo dhan iyo xukummadayda oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 11iyo inaad reer binu Israa'iil bartaan kulli qaynuunnadii Rabbigu iyaga kula hadlay oo uu gacanta Muuse ugu soo dhiibay oo dhan.

  • 11Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Kac, oo dadka hor mar, oo iyana way geli doonaan oo hantiyi doonaan dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siinayo.

  • 19Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. Qaynuunnadayda ku socda, oo xukummadayda xajiya oo sameeya,

  • 13Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin.