Sharciga Kunoqoshadiisa 28:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 15:26 : 26 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.
  • Bax 23:22 : 22 Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
  • Laaw 26:3-9 : 3 ¶ Haddaad qaynuunnadayda ku socotaan, oo aad amarradayda dhawrtaan oo yeeshaan, 4 markaasaan roobkiinna idin siinayaa xilligiisa, oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, dhirta duurkuna midhahooday dhali doonaan. 5 Tumidda hadhuudhkiinnu waxay gaadhi doontaa guridda canabkiinna, guridda canabkuna waxay gaadhi doontaa ilaa wakhtiga beeridda, oo cuntadiinna ayaad cuni doontaan ilaa aad dheregtaan, oo dalkiinnana ammaan baad ku degganaan doontaan. 6 Oo anigu waxaan dalka idinku siin doonaa nabaadiino, oo idinna waad iska jiifsan doontaan, oo waxba idinma cabsiin doonaan, oo anna dugaagga xun dalkiinna waan ka baabbi'in doonaa, oo seefuna dalkiinna innaba ma dhex mari doonto. 7 Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan. 8 Oo shan idinka ahu boqol nin bay eryan doonaan, oo boqol idinka ahuna toban kun oo nin bay eryan doonaan, oo cadaawayaashiinnuna hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan. 9 Oo anigu waan idiin soo jeesan doonaa, waanan idin badin doonaa oo idin tarmin doonaa, oo axdigaygii aan idinla dhigtayna waan sii adkayn doonaa. 10 Oo waxaad cuni doontaan midhihii hore oo aad wakhti dheer kaydsateen, oo waxaad soo bixin doontaan midhihii hore si aad kuwa cusub meel ugu heshaan. 11 Oo anna taambuuggaygaan idinka dhex dhisan doonaa, oo naftayduna idinma karhi doonto. 12 Oo dhexdiinnaan ku socon doonaa, oo Ilaahiinnaan ahaan doonaa, oo idinkuna dadkaygaad ahaan doontaan. 13 Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo idiinka soo bixiyey dalkii Masar si aydaan u sii ahaan addoommadoodii. Qataarradii harqoodkiinna waan idinka jebiyey, oo waxaan idinka dhigay inaad madaxfurnaan ku socotaan.
  • Sharc 7:12-26 : 12 ¶ Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay, 13 wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo. 14 Oo dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays. 15 Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan. 16 Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa. 17 Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa? 18 waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan. 19 Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan. 20 Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan. 21 Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad. 22 Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan. 23 Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn. 24 Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan. 25 Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo. 26 Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.
  • Sharc 11:13 : 13 ¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,
  • Ish 1:19 : 19 Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,
  • Ish 55:2-3 : 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan. 3 Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa, oo anna waxaan idinla dhigan doonaa axdi weligiis ah, kaasoo ah waxyaalahii naxariista lahaa oo la hubo ee aan Daa'uud u ballanqaaday.
  • Luuk 11:28 : 28 Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.
  • Yoox 15:14 : 14 Saaxiibbaday baad tihiin haddaad yeeshaan waxaan idinku amro.
  • Room 2:7 : 7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah;
  • Gal 3:10 : 10 In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga.
  • Yac 2:10-11 : 10 Ku alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay. 11 Waayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.
  • Yer 11:4 : 4 ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa,
  • Yer 12:16 : 16 Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.
  • Yer 17:24 : 24 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad aad ii maqashaan, oo aydaan maalinta sabtida innaba rar soo gelin irdaha magaaladan, laakiinse aad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, oo aydaan maalintaas innaba wax shuqul ah samayn,
  • Luuk 1:6 : 6 Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.
  • Luuk 9:48 : 48 markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.
  • Sharc 15:5 : 5 haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.
  • Sharc 26:19-27:1 : 19 iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi. 1 ¶ Markaasaa Muuse iyo odayaashii reer binu Israa'iil waxay dadkii ku amreen oo ku yidhaahdeen, Amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan wada xajiya.
  • Sab 91:14 : 14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa, Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
  • Sab 106:3 : 3 Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra, Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
  • Sab 111:10 : 10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
  • Sab 119:6 : 6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
  • Sab 119:128 : 128 Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
  • Sab 148:14 : 14 Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.
  • Ish 3:10 : 10 Waxaad sheegtaan inuu kan xaqa ah barwaaqaysnaan doono, waayo, iyagu waxay cuni doonaan midhihii falimahooda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sharc 28:2-3
    2 aayado
    87%

    2Oo barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan.

    3Waxaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka.

  • 85%

    8Oo Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

    9Rabbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.

    10Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan.

    11Oo Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.

    12Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan.

    13Oo Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan,

    14oo aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan.

    15¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.

  • 81%

    16¶ Maanta Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku amrayaa inaad qaynuunnadan iyo amarradan yeeshaan, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad xajisaan oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ka yeeshaan.

    17Oo maanta waxaad Rabbiga u ballanqaaddeen inuu isagu Ilaah idiin yahay, iyo inaad jidkiisa ku soconaysaan, oo aad qaynuunnadiisa iyo amarradiisa iyo xukummadiisa xajinaysaan, oo aad codkiisa dhegaysanaysaan.

    18Oo Rabbiguna wuxuu maanta idiin ballanqaaday inaad ahaanaysaan dad hanti isaga u ah siduu idiin ballanqaaday, iyo inaad xajinaysaan amarradiisa oo dhan,

    19iyo inuu idinka sare mariyo quruumaha uu sameeyey oo dhan xagga ammaanta iyo xagga magaca iyo xagga sharaftaba, iyo inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u ahaanaysaan dad quduus ah siduu yidhi.

  • Sharc 15:4-6
    3 aayado
    81%

    4Si kastaba ha ahaatee mid miskiin ah waa inaan dhexdiinna laga helin, (maxaa yeelay, hubaal Rabbigu waa idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siinayo inaad hantidaan,)

    5haddii keliyahoo aad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad dhawrtaan oo yeeshaan amarkiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

    6Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.

  • 80%

    26¶ Bal eega, maanta waxaan idin hor dhigayaa barako iyo habaar,

    27barakada waxaad helaysaan haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo,

    28habaarkuna wuxuu idinku dhacayaa haddaydnan dhegaysan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah, laakiin aad gees uga leexataan jidka aan maanta idinku amrayo, oo aad ilaahyo kale oo aydnan aqoon raacdaan.

    29¶ Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan, barakada waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Gerisiim, habaarkana waa inaad kaga dhawaaqdaan Buur Ceebaal.

  • Sharc 30:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Oo markii waxyaalahan oo dhammu ay idinku dhacaan, kuwaas oo ah barakada iyo inkaarta aan idin hor dhigay, oo aad ku xusuusataan quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku kexeeyey dhexdooda oo dhan,

    2oo aad Rabbiga Ilaahiinna ah u soo noqotaan oo aad idinka iyo carruurtiinnuba qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku addeecdaan codkiisa iyo waxyaalahan aan maanta idinku amrayo oo dhan,

  • 28Dhawra oo dhegaysta erayadan aan idinku amrayo oo dhan, si aad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaba weligiin u nabdoonaataan, markaad yeeshaan waxa wanaagsan oo ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 18markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

  • 78%

    8Oo idinna waa inaad soo noqotaan, oo aad addeecdaan codka Rabbiga, oo aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan.

    9Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinku barwaaqayn doonaa shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan iyo midhaha jidhkiinna iyo midhaha xoolahiinna, iyo midhaha dhulkiinnaba, waayo, Rabbigu mar kaluu ku farxi doonaa inuu wanaag idiin sameeyo siduu awowayaashiin ugu farxay oo kale,

    10haddaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah oo aad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa ku qoran kitaabkan sharciga, iyo haddaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu soo noqotaan qalbiga oo dhan iyo nafta oo dhan.

  • 1¶ Oo amarka aan maanta idinku amrayo oo dhan waa inaad wada samaysaan si aad u noolaataan oo u tarantaan oo aad u gashaan oo u hantidaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin.

  • 10Haddaba waa inaad addeecdaan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aad yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo.

  • 13¶ Oo haddaad aad u dhegaysataan amarrada aan maanta idinku amrayo oo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad isaga ugu adeegtaan qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan,

  • 16oo waxaan maanta idinku amrayaa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa ku socotaan, oo aad wada xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa inaad noolaataan oo badataan iyo in Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku barakeeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.

  • 22Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,

  • 45Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.

  • 58Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH,

  • 3Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla oo yeela si aad u nabdoonaataan oo aad ugu badataan dal caano iyo malab la barwaaqaysan sidii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idiin ballanqaaday.

  • 13oo aad xajisaan Rabbiga amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idiinku amrayo wanaaggiinna aawadiis mooyaane?

  • 8Oo bal waa tee quruunta weyn oo haysataa qaynuunno iyo xukummo xaq u ah siduu yahay sharcigan oo dhammu ee aan maanta idin hor dhigayo?

  • 9Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

  • 12¶ Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,

  • 40Oo waa inaad dhawrtaan qaynuunnadiisa iyo amarradiisa aan maanta idinku amrayo, inaad idinka iyo carruurtiinna idinka dambaysaaba nabdoonaataan, oo uu cimrigiinnu ku dheeraado dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siinayo inaad weligiin lahaataan.

  • 13Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya.

  • 2Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.

  • 20idinkoo Rabbiga Ilaahiinna ah jecel, oo codkiisa addeecaya, oo isaga sii xajista, waayo, isagu waa noloshiinna iyo dhererka cimrigiinna inaad degganaataan dalkii Rabbigu ugu dhaartay inuu siinayo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub.

  • 12inaad gashaan axdiga Rabbiga Ilaahiinna ah iyo dhaarta Rabbiga Ilaahiinna ahu uu maanta idinla dhiganayo,

  • 38iyo inuu hortiinna ka eryo quruumo idinka waaweyn oo idinka xoog badan, oo uu dalkooda idin geliyo oo uu dhaxal idiin siiyo siday maanta tahay.

  • 32Oo waa inaad dhawrtaan oo wada yeeshaan qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idin hor dhigayo oo dhan.

  • 8Haddii Rabbiga Ilaahiinna ahu u ballaadhiyo soohdimihiinna, siduu awowayaashiin ugu dhaartay, oo uu idin wada siiyo dalkii uu awowayaashiin u ballanqaaday inuu iyaga siinayo oo dhan,

  • 1¶ Oo markaad gashid dalkii Rabbiga Ilaahaaga ahu uu dhaxalka kuu siinayo, oo aad hantido ee aad dhex degto,