1 Taariikhdii 6:60

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 1:1 : 1 ¶ Kuwanu waa erayadii Yeremyaah ina Xilqiyaah, oo ka mid ahaa wadaaddadii joogay Canaatood oo ku tiil dalka reer Benyaamiin.
  • Yer 11:23 : 23 Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
  • Yer 37:12 : 12 ayaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo.
  • Yash 18:24 : 24 iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
  • Yash 21:17-18 : 17 Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii, 18 iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo.
  • 1 Sam 13:3 : 3 Oo Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen.
  • 1 Boq 2:26 : 26 Oo boqorkiina wuxuu wadaadkii Aabyaataar ahaa ku yidhi, Waxaad tagtaa Canaatood iyo ilaa beerahaagii, waayo, waxaad istaahishaa in lagu dilo, laakiinse haatan ku dili maayo, waayo, aabbahay Daa'uud waad ku hor sidi jirtay sanduuqii Sayidka Rabbiga ah, oo waxaa lagugu dhibi jiray wax kasta oo aabbahay lagu dhibi jiray.
  • 1 Taar 8:6 : 6 Kuwanuna waa wiilashii Eehuud, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ahaa dadkii Gebac degganaa, oo iyaga maxaabiis ahaan waa loogu kaxaystay Maanahad.
  • Ish 10:30 : 30 Magaalada Galliimay, codkaaga kor u qaad! Layishay, maqal! Adaa hoogay, Canaatooday!

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    16iyo Cayn iyo agagaarkeedii, iyo Yutaah iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii, oo labadaas qabiil waxay ka heleen sagaal magaalo.

    17Oo qabiilkii reer Benyaamiinna waxay ka heleen Gibecoon iyo agagaarkeedii, iyo Geeraa iyo agagaarkeedii,

    18iyo Canaatood iyo agagaarkeedii, intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    19Oo wadaadkii Haaruun ahaa reerkiisii magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii.

    20¶ Oo qolooyinkii reer Qohaad oo ahaa reer Laawi, xataa reer Qohaad intoodii hadhay, waxay magaalooyin saami uga heleen qabiilkii reer Efrayim.

  • 81%

    58iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,

    59iyo Caashaan iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii.

  • 79%

    61Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.

    62Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan.

    63Oo reer Meraarii waxaa saami loogu siiyey siday reerahoodu ahaayeen laba iyo toban magaalo oo ay ka dhex heleen qabiilka reer Ruubeen, iyo qabiilka reer Gaad, iyo qabiilka reer Sebulun.

    64Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

    65Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.

    66Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim.

  • 77%

    27iyo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah,

    28iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.

  • Yash 19:6-7
    2 aayado
    77%

    6iyo Beytlebaa'ood, iyo Shaaruuhen, oo intaasu waa saddex iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

    7Cayn, iyo Rimmon, iyo Ceter, iyo Caashaan, oo intaasu waa afar magaalo iyo tuulooyinkoodii,

  • 76%

    57Kayn, iyo Gibecaah, iyo Timneh, iyana waa toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

    58¶ Xalxuul, iyo Beytsuur, iyo Gedoor,

    59iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • Yash 21:4-6
    3 aayado
    76%

    4¶ Markaasaa saami u soo baxay qolooyinkii reer Qohaad; oo reerkii wadaadkii Haaruun ahaa, kuwaasoo reer Laawi ka mid ahaa, waxay saami kaga heleen reer Yahuudah iyo reer Simecoon, iyo reer Benyaamiin saddex iyo toban magaalo.

    5¶ Oo reer Qohaad intoodii hadhay waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Efrayim, iyo reer Daan, iyo reer Manaseh badhkood toban magaalo.

    6¶ Oo reer Gershoonna waxay saami kaga heleen qolooyinkii reer Isaakaar, iyo reer Aasheer, iyo reer Naftaali, iyo reer Manaseh badhkoodii degganaa Baashaan saddex iyo toban magaalo.

  • 75%

    68iyo Yoqmecaam iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii,

    69iyo Ayaaloon iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii.

    70Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxaa laga dhex siiyey Caaneer iyo agagaarkeedii, iyo Bilcaam iyo agagaarkeedii, reer Qohaad intooda hadhay aawadood.

  • 75%

    24iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

    25iyo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod,

  • 75%

    21Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,

    22iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,

  • 75%

    25Oo qabiilkii reer Manaseh badhkiisna waxay ka heleen Tacanaag iyo agagaarkeedii, iyo Gad Rimmoon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd laba magaalo.

    26Oo qolooyinkii reer Qohaad intoodii hadhay magaalooyinkoodii oo dhammu waxay ahaayeen toban iyo agagaarkoodii.

  • Nex 11:31-32
    2 aayado
    75%

    31Oo reer Benyaamiinna waxay degeen inta laga bilaabo Gebac, iyo Mikmaash, iyo Cayaa, iyo Beytel iyo magaalooyinkeeda,

    32iyo Canaatood, iyo Nob, iyo Cananyaah,

  • 74%

    22iyo Qibsayim iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

    23Oo qabiilkii reer Daanna waxay ka heleen Elteqaah iyo agagaarkeedii, iyo Gibbetoon iyo agagaarkeedii,

  • 33Oo magaalooyinkii reer Gershoon oo dhan, sidii qolooyinkoodu ahaayeen, saddex iyo toban magaalo iyo agagaarkoodii bay ahaayeen.

  • 38iyo Yiroon, iyo Migdal Eel, iyo Xoreem, iyo Beytcanaad iyo Beytshemesh, waxay ahaayeen sagaal iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 76Oo qabiilkii reer Naftaalina waxaa laga siiyey Qedesh oo Galili ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Xammoon iyo agagaarkeedii, iyo Qiryaatayim iyo agagaarkeedii.

  • 72%

    53iyo Yaaniim iyo Beyd Tafuu'ax, iyo Afeeqaah,

    54Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 73iyo Raamod iyo agagaarkeedii, iyo Caaneem iyo agagaarkeedii.

  • 9Oo waxaa laga siiyey qabiilkii reer Yahuudah iyo qabiilkii reer Simecoon magaalooyinkan magacooda halkan lagu sheegayo.

  • 15iyo Qataad, iyo Nahalaal, iyo Shimroon, iyo Idalaah, iyo Beytlaxam, intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 41iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 62iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 37iyo Qedemood iyo agagaarkeedii, iyo Mefacad iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd afar magaalo.

  • 70%

    50iyo Canaab, iyo Eshtemoh, iyo Caaniim,

    51iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.

  • 15Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.