1 Taariikhdii 7:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 12:11 : 11 Dabadeedna Rabbigu wuxuu soo diray Yerubbacal, iyo Bedaan, iyo Yeftaah, iyo Samuu'eel, oo idinka samatabbixiyey gacantii cadaawayaashiinnii dhan walba idinka jiray, oo ammaan baad ku degganaateen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    13¶ Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.

    14¶ Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,

    15Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.

    16Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.

  • Tir 26:28-30
    3 aayado
    80%

    28¶ Oo wiilashii Yuusuf iyo qabiilooyinkoodii waxay ahaayeen Manaseh iyo Efrayim.

    29Oo wiilashii Manaseh waa kuwan: Maakiir oo dhalay qabiilka reer Maakiir, oo Maakiirna wuxuu dhalay Gilecaad, Gilecaadna waxaa ka soo farcamay qabiilka reer Gilecaad.

    30Wiilashii Gilecaad waa kuwan: Iiceser oo dhalay qabiilka reer Iiceser, iyo Xeeleq oo dhalay qabiilka reer Xeeleq,

  • 76%

    18Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.

    19Wiilashii Shemiidaacna waxay ahaayeen Axyaan, iyo Shekem, iyo Liqxii, iyo Aniicaam.

    20¶ Farcankii Efrayimna waxay ahaayeen Shuutelax oo dhalay Bered, oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Elcaadaah, oo isna dhalay Taxad,

  • Yash 17:5-6
    2 aayado
    75%

    5Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;

    6maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

  • Yash 17:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.

    2Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

    3Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.

  • 31iyo Gilecaad badhkeed, iyo Cashtarod, iyo Edrecii, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii boqortooyadii Coog oo Baashaan ku yiil, waxaa la siiyey reer Maakiir kaasoo ahaa ina Manaseh, oo waxaa loo siiyey reer Maakiir badhkood sidii reerahoodu ahaayeen.

  • 10Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.

  • 72%

    29iyo xagga reer Manasehna Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, iyo Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, iyo Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo Door iyo magaalooyinkeedii. Magaalooyinkaas waxaa degganaa reer Yuusuf ina Israa'iil.

    30¶ Ilma Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo Serax oo ahayd walaashood.

    31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.

  • 72%

    39Ceesheq oo ahaa walaalkiis wiilashiisiina waa kuwan, Uulaam oo curadkiisii ahaa, iyo Yecuush oo ahaa kii labaad, iyo Eliifeled oo ahaa kii saddexaad.

    40Wiilashii Uulaamna waxay ahaayeen rag xoog badan, iyo qaansoley, oo waxay lahaayeen wiilal badan iyo wiilal ay wiilashoodu sii dhaleen, oo isku ah boqol iyo konton nin. Oo intaas oo dhammuna waxay ka yimaadeen wiilashii Benyaamiin.

  • Tir 1:10-11
    2 aayado
    72%

    10Oo kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

    11Oo reer Benyaamiinna waxaa ka iman Abiidaan ina Gidconii.

  • 7Oo intanuna waa kuwii reer Benyaamiin: Sallu oo ahaa ina Meshullaam, ina Yooceed, ina Fedaayaah, ina Qoolaayaah, ina Macaseeyaah, ina Iitii'eel, ina Yeshacyaah.

  • 1 Taar 7:6-8
    3 aayado
    71%

    6¶ Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Yediica'eel, oo ahaa saddex.

    7Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.

    8Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.

  • 21Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.

  • Tir 32:39-40
    2 aayado
    71%

    39Oo reer Maakiir oo ahaa Manaseh wiilkiisiina waxay tageen dalkii Gilecaad, oo way qabsadeen, oo dadkii reer Amor oo halkaas degganaa ayay hanti tireen.

    40Oo Muuse wuxuu Gilecaad siiyey reer Maakiir oo ahaa wiilkii Manaseh, oo iyana halkaasay degeen.

  • 3Oo Belacna wiilal buu lahaa, oo waxay ahaayeen Addaar, iyo Geeraa, iyo Abiihuud,

  • 34Intaasu waa qabiilooyinkii reer Manaseh, oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo konton kun iyo toddoba boqol.

  • 6Kuwanuna waa wiilashii Eehuud, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ahaa dadkii Gebac degganaa, oo iyaga maxaabiis ahaan waa loogu kaxaystay Maanahad.

  • 30Wiilashii Faxad Moo'aabna, Cadnaa, iyo Kelaal, iyo Benaayaah, iyo Macaseeyaah, iyo Matanyaah, iyo Besaleel, iyo Binnuwii, iyo Manaseh.

  • 2iyo Daan, iyo Yuusuf, iyo Benyaamiin, iyo Naftaali, iyo Gaad, iyo Aasheer.

  • 11Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.

  • 1¶ Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah.

  • 20Oo qabiilka reer Manaseh waa inuu ku xigaa; oo amiirka reer Manasehna waa inuu ahaadaa Gamalii'eel ina Fedaahsuur.

  • 69%

    33Wiilashii Xaashumna, Matenay, iyo Matataah, iyo Saabaad, iyo Eliifeled, iyo Yereemay, iyo Manaseh, iyo Shimcii.

    34Wiilashii Baaniina, Macaday, iyo Camraam, iyo Uu'eel,

  • 15Oo qabiilkii reer Gaadna Ge'uu'eel ina Maakii.

  • 11Oo qabiilkii reer Yuusuf oo ah reer Manasehna Gaddii ina Suusii.

  • 17¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.

  • 30iyo curadkiisii Cabdoon ahaa, iyo Suur, iyo Qiish, iyo Bacal,

  • 26oo isna dhalay Lacdaan, oo isna dhalay Cammiihuud, oo isna dhalay Eliishaamaa,

  • 23Oo Geshuur iyo Araam ayaa waxay qaateen magaalooyinkii reer Yaa'iir, iyo Qenaad, iyo tuulooyinkeedii, waxayna wada ahaayeen lixdan magaalo. Oo kulli intaasu waxay wada ahaayeen wiilashii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis.

  • 37iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.

  • 17Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.

  • 9Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan;