1 Korintos 1:24
Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.
Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
25Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.
26¶ U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah,
27laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh.
28Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo,
29si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.
30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
31in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.
18¶ Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.
19Maxaa yeelay, waxaa qoran, Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa, Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.
20Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida?
21Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga.
22In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan,
23annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo.
4Laakiin hadalkayga iyo wacdigayga kuma aan hadlin hadallo sasabasho iyo xigmad ah, laakiin waxaan ku hadlay tusidda Ruuxa iyo xoogga,
5inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
6¶ Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono;
7laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed,
8tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta,
19Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,
16¶ Waayo, anigu injiilka ka xishoon maayo, maxaa yeelay, waa u xoogga Ilaah xagga badbaadinta ku alla kii rumaysta, marka hore Yuhuudda dabadeedna Gariigga.
1¶ Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah,
2waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.
6Idinkuna kuwaas dhexdooda aad ku jirtaan oo ah kuwii loo yeedhay oo Ciise Masiix.
7Waxaan warqaddan u qorayaa kuwa Rooma jooga oo dhan oo uu Ilaah jeclaaday, oo loogu yeedhay quduusiin. Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
27Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.
24xataa kuweenna uu u yeedhay oo uusan uga yeedhin Yuhuudda oo keliya laakiinse uu uga yeedhay quruumaha kalena?
9Ilaah waa aamin, kan xaggiisa laydiinku yeedhay xidhiidhka Wiilkiisa Ciise Masiix ee Rabbigeenna ah.
1¶ Bawlos oo loogu yeedhay inuu doonistii Ilaah ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix, iyo walaalkeen Soostenees,
2waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah ee Korintos ku taal, kuwa quduus lagaga dhigay Ciise Masiix ee loogu yeedhay quduusiin, iyo kuwa meel kasta jooga oo ku barya magaca Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Rabbigooda iyo keennaba.
9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,
10Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay.
14Waxaa waajib la iigu leeyahay inaan wacdiyo Gariigga iyo Barbariyiinta, kuwa caqliga leh iyo kuwa garaadka la'ba.
22Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.
14tan uu idiinku yeedhay injiilkayaga inaad heshaan ammaanta Rabbigeenna Ciise Masiix.
3waayo, waxaad doondoonaysaan wax caddeeya in Masiixu iga dhex hadlayo, kan aan xaggiinna ku itaalka yarayn, laakiinse dhexdiinna ku xoogga badan.
4Waayo, isagoo itaaldaran ayaa iskutallaabta lagu qodbay, laakiin wuxuu ku nool yahay xoogga Ilaah. Annaguba isaga waannu la itaal yar nahay, laakiin isagaannu xaggiinna kula noolaan doonnaa xoogga Ilaah.
9iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.
10Sababtuna waxaa weeyaan in haatan madaxda iyo kuwa amarka leh oo ku jira meelaha jannada, kiniisadda lagu ogeysiiyo xigmadda Ilaah oo badan oo kala cayncaynka ah,
25¶ Haddaba ammaanu ha u ahaato kan kara inuu idinku xoogeeyo injiilkayga iyo wacdiga ku saabsan Ciise Masiix iyo muujinta qarsoodiga oo qarsoonaa tan iyo weligiis,
19iyo waxa ay tahay weynaanta xooggiisa aan la koobi karin oo uu u hayo kuweenna rumaysan, sida uu u shaqeeyo xoogga itaalkiisa
12Waayo, Yuhuudda iyo Gariigtu waxba kuma kala duwana, waayo, isku Rabbi baa Rabbi u wada ah, waana u taajir in alla intii barida isaga.
23Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.
9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.
17in Ilaaha Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Aabbaha ammaanta uu ruuxa xigmadda iyo muujinta idinku siiyo aqoonta aad isaga taqaaniin.
8Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan,
14Laakiinse yaanay noqon inaan wax kale ku faano iskutallaabta Rabbigeenna Ciise Masiix mooyaane, tan dunidu iigu musmaarantay, anna aan dunida ugu musmaarmay.
12Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.
13Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos?